CABAYS.COM
10-ka qodob ee shakiga weyn ku abuuray shacabka reer Somaliland maadama lagu jiro 3-dii bilood ee kala guurka ahaa
September 6, 2017 - Written by Cabays

 

Cabays

 

Cabays Media: Arti/Maqaal: –

Fidhinle

Qalinkii Cabdiraxman Fidhinle  -London- UK

Qaranka JSL waqtigan kala guurka ah waxaa horyaala mushkilado badan oo khatarteeda leh , Taa soo shacabweynuhu isku raaceen in dalku khatar ku jiro 3-da bilood ee doorasha ka hadhay si ay doorasho xor ah oo xalaal ahi dalka uga dhacdana ay aad u adag tahay. Waxaana la isku raacay oo la qaadaa dhigay khatarahan badan ee hoos ku taxan ee dalka ku gedaaman:

1- Madaxweynihii qaran ka JSL oo buka waxaana ilaahay looga baryayaa Caafimaad taam ah iyo Cimri dheer insha- allah.
2- Guurtida oo aan karti badan laheyn oo hadii khilaaf yimaado doorashada soo socota cid kala bad baadin kartaa dalka aanay jirin.
3- Baarlamaankii JSL oo markii horeba Dimuqraadiyaadii JSL iib ka dhigay isna dhex dhexaad maaha maanta oo wuxuu u ciiray hal dhinac oo muxaafid ah.
4- Sida la wada ogsoon yahay Dimuqraadiyadii JSL waxay iska noqotay iib ama ” for sale” oo isdheelitirkii awooda dawladnimo oo uqaybsan sharci dejin, fulinta iyo garsoorka ma kala xadeysna oo way isku dhex-milmeen.
5- Maadaama aanay dalka ka jirin dawladnimo ummadda wada deeqday oo ku dhisan sinaan iyo cadaalad, dhamaan Shacabka Somaliland waxay u ooman yihiin isbedel dhaca oo waxay ka dayriyeen hab dhaqanka ay u shaqeyso Xukuumada talada haysa maanta.
6- Iyada oo shacabku ka shidaal qaadanaayo isdabo marintii dhawaan ka dhacaday Golaha Baarlamaanka waxaa shacabku ay cabsi badan ka qabaan sifihii ay ku dhici laheyd doorasho xor ah oo xalaal ah oo dalka ka qabsoonta bisha 11-aad ee sanadkan oo shaki badan ayaa dalka ka jira !
7- Iyada shacabku waayo arag u yahay habsami usocodka hawlaha dawladnimo ee xukuumada haatan jirta ,hadii natiijada Doorashada lagu murmo, yaa Xisbiyada kala Saaraya oo la Aaminayaa ? ma komishankan doorashooyinka ee go’aankii ay ka soo saareen ololaha kaadh qaadashada gobolada bariga ka shaqeysiin waayey ee fulin kari waayey ayaa la isku haleyn karaa oo wax badbaadin kara ? Su’aashaana shacabku way isweydiinayaan?
8- Waxaa Shacabka reer JSL xiskooda iyo xusustooda ku duugan oo xikmad ugu filan sifihii iyo xirfadiihii la isu dabo mariyey 39 cod iyo 38 cod ee doorashadii Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka lagu dooranaayey.
9- Madaxweyne ku xigeenku isaga oo musharax madaxweyne ku xigeen ah oo hawshii loo igmaday gudanaaya hadana go’aan deg-deg ah ma qaadan karaa oo doorashada soo socota go’aan adag ma qaadan karaa oo dalka ma bad-baadin karaa hadii uu muran dhaco ? su’aashaas iyana waa lays weydiinayaa…?
10- Doorashada inagu foolka leh ma loo qaban doonaa sife waafaqsan Dastuurka qaranka iyo mabaadiida ay xanbaarsan yihiin xeerarka doorashooyinka JSL ?

Waxay 10 kan qodob u baahan yihiin qorshe howleedkii lagaga hortegi lahaa ( 10 point plan ) oo dalka lagu bad-baadin lahaa. Waxaa fogaan araga reer Somaliland isku raaceen (1) in hayadihii ilaalinaayey Siyaasada guud ee hogaaminta dalka uu shacabku ka aamin ka baxay. (2) Waxaa la isku raacay in nidaamka Siyaasadeed ee xisbiyada badan ee sadexda xisbi qaran ee Somaliland uu midi burburay oo fadhiid noqday kaas oo laysku raacay in uu doorashada soo socota uu markhaati beenaale ka noqon doono. Waxa anynu ognahay in Dastuurka JSL awoodiisa ugu sareysa iyo karaamada ugu sareysaba uu siiyey Shacabka reer Somaliland sidaa daraadeed dalku wuxuu u baahan yahay go’aan qaadasho ku timaada talo wadaag iyo midnimo qaran oo loo wada dhan yahay oo dalka lagu bad-baadiyo.

Shacabka reer Somaliland waxay u soo dagaalameen in ay helaan Xoriyad taam ah, Cadaalad, Sinaan, iyo wax wada lahaansho ku saleysan wadarnimo iyo wadaag dawladnimo. Laakiin taasi may dhicin ee waxaa dalka ka dhacay weecsin iyo beegsin, sad bursi, musuq maasuq, maal urursi iyo boob hatidii ummadu wada laheyd oo la xaalufiyey. Maanta rajada keliya ee shacabka reer Somaliland ay naawilayaan waa isbedel cusub oo dalka ka dhaca si nabadgelyo ah oo qori isu dhiib ah. Isbedelkaasina maaha oo keliya Kulmiye -Kulmiye ku bedel ee waxaa loo baahna yahay curin cusub oo dhista hab cusub (system ) ay hogaaminayaan dad cusub oo soo nooleeya kalsoonidii, karaamadadii iyo rajadii ay shacabka reer Somaliland naajicinayeen mudada dheer.

Maanta Somaliland “nina shaadhkaa ka yaraaday dibiro daraadeed, oo dibiro daraadeed ayuu xaaraan daac daacayaa, nina shaah uu cabo ayuu raadinayaa oo wuu raafo dilaacay siduu shaah uu cabo uraadinaayey” Sidaa daraadeed dalku khatar ayuu ku sugan yahay ee haloo gurmado .

Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan. “Anigu Daaha kama rogin ee dadkuba wuu arkaayaa.”…! Shacabow Tiraa Kaa gedmane wax isu gey-geyso !
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.

COMMENTS