CABAYS.COM
7 Wax-yaabood oo caafimaadka u xun, haddii wax yar kadib wakhtiyada cuntada la sameeyo
December 14, 2015 - Written by Cabays

By: Cali Xaruuri

Waxaa jira 7 arrimood oo aan habboonayn inaad sameyso kadib markaad wax cuntid.  Waxyabaasi waa qaar keeni kara caafimaad darro haddii aad sameyso wax yar kadib cuntada gaar ahaan xilliyada cuntada culus (sida quraacda, qadada ama cashada).

Marka 1aad, ha cabbin SHAAH cutada kadib. Maxaa yeelay? Shaahu wuxu leeyahay Aysidh (acidic). Markaa haddii shaaha la cabbo cuntada dabadeed, waxaa dhacda in Borotiinka (proteins) aynu quudanno uu ku dhib ku noqdo dheefshiidka, waayo Borotiinka ayaa noqda mid qallafsan oo adag. Sida awgeed waxa wacan in ugu yaraan saacad cuntada kadib shaaha la cabbo.

2aad, ha cunin khudaarta/midhaha (fruits) isla marka aad cuntayso kadib. Dhakhaatiirtu waxay dadka kula dardaarmaan inay khudaarta cunaan, waxayse had iyo jeer iloobaan in ay u sheegaan oo talada ay u raaciyaan waxyeelada caafimaad ee ay leedahay haddii cuntada kadib la cuno. Waxa habboon in khudradda la cuno cuntada horteed. Haddii khudradda (marka laga reebo Timirta iyo Muuska) la cuno kadib marka la cunteeyo waxay taasi gaas ku sameysaa caloosha . Sidaa daraadeed waxa habboon in khudaarta muddo saacad ah ama in ka badan laga dambaysiiyo cuntada.

3aad, ha cabbin SIGAAR kadib marka aad cuntayso.  Shaki kuma jiro in sigaarku marwalba uu caafimaadka waxyeelo u leeyahay, laakiin haddii aad Sigaar cabto cuntada dabadeed, xabadda qudha ee sigaarka ahi  waxay la waxyeelo tahay oo ay u dhigantaa 10  xabbadood oo sigaar ah. Sidaa awgeed haddii aad sigaar cabtid cuntada kadib waxa sii kordha oo laba jibbaarma halista aad ugu jirto inuu kugu dhici karo xanuunka Kansarku.

 

 

4aad, ha SEEXAN cuntada dabadeed. Maxaa yeelay? Nafaqooyinkii ku jiray cuntadu ma helayaan dheefshiid wanaagsan. Haddii aad toos u tagto sariirta cuntada kadib, taasi waxay kuu keeni kartaa boog-calooleed (stomach ulcers) iyo infakshan xiidmaha ku dhaca (intestinal infections). Hurdada degdega ah ee xilligaa cuntada kadib waxay kaloo sababtaa miisaankaaga oo cuslaada ama buurni xad-dhaaf ah (Obesity). Wax kaloo  aad samaysaba, ( ha ahaato inaad Tv-ga daawato, inaad wax akhristo ama  inaad asxaabtaad la sheekaysataba), laakiin fadlan marna ha seexan (inta cuntadu kugu jabayso) ilaa 2 saacadood kadib . 

Duhurkii toggaa Herer haddaad qado ka soo tuurto
Hurdo laguma taamee naftaa lala tacaalaaye.

5aad, ha MAYDHANIN (ha Qubaysan) cuntada dabadeed, Waayo? haddii aad maydhato cuntada kadib, taasi waxay kordhisaa socodka dhiigga ee gacmaha iyo lugaha taasoo keenta inuu is dhimo socodka dhiigga ag-agaarka calooshu, kadibna uu daciifo habka dheefshiidku. Waxaa kale oo taasi sababi kartaa xannuunada ku dhaca wadnaha. Sida habbooni waa in  maydhashada aad sugto muddo 30 daqiiqadood ah kadib marka aad cunteyso.

6aad, ha iska dabcin ama ha furin SUUNKA cuntada dabadeed. Iska-dabcinta suunku waa astaan muujinaysa in aad  dhereg xad-dhaaf ah sameysay, taasina wax fiican ma aha. Waxa habboon in marka horeba aad cunto in kugu filan oo aan u baahnay inaad marka dambe suunka iska furto. Iska dabcinta suunku waxay xiidmaha ku keenaysaa majiirid ama maroojin iyo xannibaad.

7aad, ha sameyn DHAQDHAQAAQ  badan cuntada dabadeed.  Haddi aad samayso Dhaqdhaqaaq aad u badan, sida socod, orod iyo ciyaarta , waxay taasi sababaysaa in nafaqooyinkii  uu xiidmuhu si fiican u nuugi kari waayo. Waxa dardaaran ah in ugu yaraan 30 daqiiqo aanad dhaqdhaqaaq noocaas ah sameynin.  Waadse samayn kartaa socod ama jimicsi ugu yaran  saacad kadib, waana arrin caafimaadka u fiican sidaasi.

Ilaahay baa qaddarka haya laakiin haddii aad iska ilaaliso ama ka fogaato 7daa Wax-yaalood ee aan soo sheegnay taasi waxay wax weyn ka taraysaa caafimaad qabkaaga.

Wabillahi Tawfiiq

Qalinkii:  Cali Xaruuri

Rotterdam. Holland

Adam.32@live.nl

 

COMMENTS