CABAYS.COM
Tacadiga iyo xadhigu ma ah mid iga horjoogsanay aragtidayda
February 6, 2017 - Written by Cabays

Cabays

 

Qorme taxane ah: –  Qormadii 1aad

Qormadan waxaana jecelay inaan kagga sheekeeyo tacadigii iyo xadhigii xaq darada ahaa ee ay igula kacday xukumada madaxweyne SIILAANYO inta anaan  u gudbin xadhigyga waxaana rabaa inaan halkana ugu  mahad naqo cid kasta oo ka xumaatay tacadiga iyo xadhiga xaqdarada ee lagula kacay waxaana si gaara ugu mahadnaqayaa bahda saxafada madax banaan gaara ahaa shakadaha onlineka ah guud ahaan sidoo kale waxaan u mahad naqayaa gudoomiyaha hay’ada xaquuqal isaanka garyaqaan Guleid Ahmed Jama oo runtii ah shaqsi qayb weyn ka qaata difaacida xaquuqqda muwaadinta reer Somaliland, dhanka kale waxaana marnaba ilaabi Karin dadweynihii  fara badnaa ee ka xumaaday xadhiga iyo dhalinyaradii gobalada Hargeysa , Saaxil , iyo Togdheer ee ka dhiidhiyey xadhigyagii  waxaana leeyahay dhamaantii ” Abaal badha, abaal buura, abaal bur iyo dheeraad ah
Ninba kiisa kaan ugu bedeli, beerka ka ogsooni
.

Waxa lay xadhiya  akhirkii sanadkii tagay ee 14-09-2016  maalintaas aniga oo ka shaahaynaya maqaaxida caanka ah ee Caanaha riyaha ee badhtaha caasimada Hargeysa ayaa waxa werer qafaalasha ah igu kacay  xubno askar u hogaamiyey gacan yaraha  xukumada Siilaanyo u qaalibsan deegaanka degmada Laasgeel Mustafe jabiye(kaalay aynu fadhtanee ) sababta xadhiga ka damabaysay waxay  ahayd markii ay xukumada xisbiga kulmiye ka dabqatay maqaalo aan kagga hadlayey musuq-maasuqa ,qaraabo kiilka iyo  dhaxal wareejinta hantida ummada reer Somaliland inta ka dib waxa lay taxaabay xarunta C.I.D  ee magaalada Hargeysa  taas oo ay tacadi iyo handida laygula kacay layna diiday in cidi booqasho igu timaado iska daa cid kale waxa lay diiday inay aragto hooyada macaan Faadumo cisman , intaa waxa ii dheere in habeen kii saq badhka in askarta  dambi baadhistu ay waraysi handida ku jirto lay luga kici jiray sida waxaad tahay mucaarid  aanu ku siidaynee ma soo galiysaa  xisbiga Kulmiye , mudadii aan halkaa ku xidhnaa ma helin qaryaqaan ii dood kiiska waxba kama jiraanka ee ay soo alifta xubnaha kaadirka xisbiga Kulmiye taasin waxa ii dhaxal siisay in aan muddo 45ta cisho aan ku jiro xarunta C.I.D  ka dib markii aan bedali waayey aragtidii oo muddo badan lay lahaa beeni maqaaladii aad hor u qortay kuna soo biiri xisbiga Kulmiye waxa aakhirikii ku soo biyo shubtay in lagu rido xukun cadaalada ka fog

Lasoco qaybta dambe iyo tacadigii iyo shaqsigii gafka iyo dudsiga ka galay xaquqda dastuuriga ah ee sharcigu  ii baneeyey

Qalinkii : Eng.Saleebaan Siciid Cumar Sal

Email: ducale550@gmail.com

…………………………………………………………………………………………………………………………………….

Afeef: Dhamaaan qoraalada ku salaysan rayiga, sida ka kor ku xusan ma aha mid matala aragtida Cabays Media, hase ahaatee wixii qoraalo ah ee aragti lid ku ah qoraalka kor ku xusan ama kuwa kale waxa aad ku so hagaajin kartaa editor@cabays.com
COMMENTS