CABAYS.COM
Shax-siyaasadeed: Xilka Qaadista Cali Xaamud & Magacaabista Axmed XaajiDaahir
July 25, 2017 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media:  Dareen muwaadin:

 

Marka doorasho la isku diyaarinayo iyo marka doorasho ay dhacdo ogow xilalka qaarbaa la iska magacaabaa, qaarna ujeedo siyaasadeed ayaa loo magacaabaa.
Wasiir Cali Xaamud oo ku magacaabnaa wasaarad
fadhiid ah oo magac u yaal ah oo dalka ku dheeraad ahayd, ayaa waxa lagu badalay Axmed Xaaji Daahir oo ragii ay iskugu necbaayeen Kulmiye xiligii doorashadii 2010-kii, oo UDUB iyo Daahir Riyaale miciyaha ku difaaci jiray, ayaa waxa mar kale inoo muuqatay in la galay xiligii “Yaa cod keeni kara”

Haddaba Cali Xaamuud Jibril xil ka qaadistiisa, waxa ka weyn magacaaabista Axmed Xaaji Daahir oo dawlad ay 4 bilood u hadhay iyo waxa uu wasaarad aan jirin oo magac ahaan u jirta, qarankana waxay ku soo kordhisay oo aan kharash ahayn jirin uu soo kordhin karo.

Magacaabista Axmed Xaaji Daahir waa Kulmiye oo maanta UDUB rageedii naf-mooday, waa shax-siyaasadeed oo cod doon ah oo aan qaranka loogu daynayn, waa mid Gudoomiyihii aan ogaa ee Kulmiye ee Axmed Siilaanyo marna xil u dhiibeen, waa mid sii kordhisey su’aalaha is weydiinaya cidda magacowda madaxda markan oo kale.

Waa yaabka socda ilaa 4ta bilood ee doorashada ka hadhay, filo kuwo kale oo sii kordhinaya dareenka laga qabo qaab-darada xilalka dalka loogu magacaabo.

Waa aniga iyo argtiday, haddii aad mid kale hayso si hufan u dhibo.

Xmud

 

COMMENTS