CABAYS.COM
AF-KU DHIIGLAYASHA QARANIMADA DHAAWACAYA XADHIG IYO MUSTAAFUR BAA KU WAAJJIBAY
July 22, 2019 - Written by Cabays

AFKU WUXU LA XOOG YAHAY MAGLIGA XAWDA KAA JARA. (AF-KU DHIIGLAYASHA QARANIMADA DHAAWACAYA XADHIG IYO MUSTAAFUR BAA KU WAAJJIBAY)

Cabays

QALINKII: RASHEED ALI MEIGAG SAMATER

Waxaanu joognaa wakhti uu dhigma 1988kii markii cadahu isku kaalmaysteen in la tirtiro Xarakadii Xoraynta Somaliland , maanta xoog milatari baanay haysane tabtii waagaas oo kale ayaa dagaal dhinacyo badan leh laynagu soo qaaday, kaas oo ah mid bulsho, dhaqaale & siyaasadba. Waa wakhtigii cid kastaaa oo qaranimada umaddan duulimaad ku ah ama isku dayda xagal-daacinta geedi socodka qaranka Jamhuuriada Somaliland ee dhinta, dhiigga iyo tacabkaba loo soo maray -ay waajib inagu tahay in dhiigdhirbaaxo aanu ka soo kicin lagu dhufto.

Haddaba xukumada ilaa goorma ayey ka dulqaadanaysaa sida war-baahinta, shaccabkeena mar walba us oos bandhiga quruxda dhadhabka a hee cadawheena,iyagana u teniya cayda & gaabiska qarankeena oo la xaaxaaiyey, ama dad shai la’aan loo soo igmaday wax yeelada qarankan Somaliland. Shacab ahaan muddo dheer dabadeed, dulqaadkii iyo u samirkii Af-ku–dhiigleyaashaasi wuu naga dhamaaday, xataa haddii qaarkoo wakhtiyo hore bulshada dhexdeeda magac ku lahaan jireen. dad baa jira Somaliland sheeganaya, dalkana ku nool oo caadastay inan toos ugu adeegaan danaha cadowg, iyagoo tabasho mucaaridnimo iyo waliba haydo dastuur ah gabood ka dhinaya. Runtuse waxay tahay inay wakiilo u yihiin cadowga Somaliland, marwlabana ku foogan yihiin kala hagardaamada, kala qaybinta , ceebaynta iyo inay dhiriq ku saydhaan guud ahaanba dadka, dalka iyo madaxda Somaliland. Waxa iyaguna soo badanaya shakhsiyaadka aduun lacageed oo baaxada leh ka qaata Muqdosho iyo maal ay bixiso dawlada Qadar  oo dibada joogana, llna igmaday cayda, niyad jabinta iyo u gacan haadinta dhalinta Somaliland habeen iyo dharaarna ku foogan in gooni isy taaga Somalland ku dambays mid dhicsowday.

Cidii Somaliland cadaw ku ahi, beelaha walaalaha ah ee Somaliland oo dhan waa u cadaw, sidaa dartee midinimo iyo isku duubni hala ogaado. Beel kastoo uu kas dhashayna,cadawga Reer ma leh, xukumadna dadka noocaas ah in abaalooda ay mariso ayaa looga fadhiyaa.

Wa Billahi Tawfiiq Rasheed Ali Meigag Samater

Hoggaamiyaha Jaaliyaddaha Soomaalidda Galbeedka London

…………………………………………………………………………………………………………………………………………..

Afeef: Aragtida kor ku xusan ma aha mid Cabays Media la qabo, mana aha mid matasha aratida Cabays Media, hase ahaatee Cabays Media waxa uu soo dhaweynayaa dhamaan wixii aragtiyo ee kala duwan ee u dhigan qaab hufan. Ku soo hagaaji wixii qoraal ah email ka ah editor@cabays.com

COMMENTS