CABAYS.COM
Ambalaanskii Degmada Laasgeel oo noqday gaadhi caanooleh !
November 28, 2016 - Written by Cabays

Cabays

Cabays Media: Rayi/Aragti

Gaadiidka iyo goobaha caafimaadka oo horba ugu yaraad Degmada Laasgeel ayaa waxa dhawaan ugu deeqday gaadhi Ambalance ah wasiirka  wasarada maaliyada Zamzam Cabdi Aadan gaadhigaasi oo lagu tal galay inuu gargaar iyo caawinmo siiyo dadweynaha ku dhaqan deegaanka hoose yimaada Degmada Laasgeel ee Gobalka Maroodi jeex , balse xaaladii lagu talo galay  ee ahayd mid caafimaad  waxba kama tarin taas sababteeda waxa iska leh maamulka degmada oo ah mid magac u yaal ah oo shaqadiisi kama mashquulay fadhi ku dirirka magaalada Hargeysa  waa ninka gudoomiyaha ka ah Degmada Laasgeel  Mustafe Ibraahim jabiye( kaalay aynu fadhtanee) masuulkana oo u istcimaalay gaadiidkii lagu talogalay badbaadiinta iyo gargaarka hooyada iyo dhalanka inuu kolba cidi aan u baahanay ugu adeego oo hada iyo  jeer aad arkayso gaadhigii Ambalance degmada oo reero Hargeysa iyo Berbera u kala sido taas oo dadka qaar ayaa ku sheegaya inayn kiraysteen gaadhiga ambalaanska sidoo kale wax u masuulkani u adeegsada gaadiidkii lagu talo galay badbaada shacabka ay abaaraha iyo duruufaha adagi haystaa inuu u ka dhigto salada gurigiisa Hargeysa oo khudrada lagu doono taas wax meel ka dhaca ku tahay xukumada madaxweyne Siilaanyo.

AMB

Ambaansyad a oo aan loo isticmaalin hawlihii loogu talo galay

Ma ahi arintaas oo kaliya balse waxa dayac iyo qaybo badan ka jirtaa adeegyada waxbarashada iyo biyaha taas oo xarunta degmada ee dacarbudhuq ay hayso biyo la,aan  taas oo ay foosta biyaha ay ka marayso qiimo dhan 14000 oo shilinka Somaliland oo ugu dhigta 2$ bulshada ku dhaqan deegaankaasi ma awooda cida kaliya ee ay caawimada iyo naraxiista ka sugayaa waa xukumada siilaanyo iyo waxgaradka ka soo jeeda degmada laasgeel .

Qodobada kale ee mihiimka ah ayaa ah inuu maamulkii iyo hanaankii dawladnimo ee hore ugu jiray degmadaasi u faraha ka baxay taas oo ay sababtu tahay iyada oo ay gacanta ka baxday cidii isku xidhaysay xukumada iyo dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi iyada oo ay dhawaan nahay ay soo baxayeen warar iyo xaalada muranka dhulka deegaanka ay bilaabtay taas oo aan jirin wax kala xaday dhulka ama waxa loo qayaan (town plan)

Qalinkii : Muna ahmed (muna qalanjo)

Qalanyo65@gmail.com

COMMENTS