CABAYS.COM
Anba Dhamay Qadhaadhkee Waa Inaad Dhadhamisaa
May 1, 2018 - Written by Cabays

Waar heedhe waxan ku waydiiyey sanadkan miyeynaan horta 18 may dii u dabaal degayn mise idinku hadii la idinka helay xataa 18 may dii waa ka baxdeen?

Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegeyso

BAXNAAN(118)

Dhaashane;Waar heedhe Boqorka ma idinkaa xidhay oo yidhi ,maxaa Naciima lagu haystaa hadaan Boqor Buur madow ba la xidhayn?

Dhaqane;Adeer haduu adiga boqor kuu yahay anagaba yartu waa noo boqorade heestay jeelka ugu tirisay miyaanay weli ku soo gaadhin?

Dhaashane;May,oo maxay tidhi?

Dhaqane;Waxay tidhi;Anba dhamay qadhaadhkee waa inaad dhadhamisaa.

Dhaashane;Waar heedhe waxan ku waydiiyey sanadkan miyeynaan horta 18 may
dii u dabaal degayn mise idinku hadii la idinka helay xataa 18 may dii waa ka baxdeen?

Dhaqane;Ma qandaraas baad soo heshay?Imika qandaraas baa lagu bixiyaa 18 may da lafteedee.Waar adeero 18 may lahaanine reerkan labadii caruur ahaa uu daadku kala tegay ee kolba isku sawiraysaan ma wax uun u tuura baa garan weydeen?Alaylehe wax fariid ah waxaan idinku arkay agaasimahan madaxtooyada Mohamed Ali Bille oo si run  ah oo qoto dheer uga sheekeeyey faa`iidada iyo khasaaraha inoogu jira saldhiga milatry ee soo ciyaarsiinaysaan.

Dhaashane;Waar waxaa naga daayoo .Waydinkii lahaa kaydkii uu komishanku hayey wuu gubee sow maad dhegaysan siday uga jawaabeen ay isu baraxeen?

Dhaqane;Inaadeer ilaah baan kugu dhaarshee ma nimanka 2 nin kala saari kari waayey ayaa damacdeen inaa doorasho dambe inoogu dhiibtaan?maan qaldanayn markaan kulahaa:

Ha xumaynin aadmiga

Hana noqon qof xaasid ah

Cid kastana xabiib iyo

Ha ka dhigan xiskaagii

Dadku wada xul maahee.

Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden diiriye

 

Sweden

 

COMMENTS