CABAYS.COM
Bal is bar-bardhig Ganacsade Ahmed Cisman Geele (ina Geele Arab) iyoGancasatada Somaaliland ee ilma jinni boqor. qalinkii A/rahman Fidhinle UK
April 7, 2019 - Written by Cabays

FidhinleGanacsade Ahmed Cimaan Geele ( ina Geele Arab )

1- Waa geesi maalgelin balaadhan ku sameeyey Somaaliland Bari ilaa Galbeed; Wuxuu dalka ka dhisay Wershada COCA COLA oo ah Wershad caalami ah oo uu ku maalgeliyey lacag dhan $35 million oo dollar. Waxaana Wershedaa iyo wax soo saarkeeda ku nool oo ka shaqeeya shaqaale gaadhaya 5 kun oo muwaadiniin reer Somalilaan ah. Ganacsaduhu wuxuu si mug leh uga qayb qaatay kobcinta wax soo saarka dalka iyo kobcinta heerka nolosha bulshada Somalilaan.

 

2- Gancasaduhu Wuxuu ka qayb qaatay soo nooleynta Mashruucii lagu fashimay ee Beenweyne ( Xunbo weyne ) kaa soo ku maalgeliyey lacag dhan $5 million oo dollar waxaa kale oo uuka qayb qaatay Goobo shaqo abuur oo badaniyo guud ahaan kobcinta horumarinta dhaqaalaha dalka Somaalilaan.

3- Ganacsaduhu wuxuu Gobolada Bariga gaar ahaan Gobolka Togdheer ka qoday 9 ceel oo kuwa dhaadheer ah iyo 5 kuwa gaaban ah isaga oo ku maalgeliyey lacag dhan $2 million oo doolar. ninkaa muwaadinka ah ee hantidaatirada badandalka gashaday ayaa lagu sheegay. nin Ajanebi ah oo dhalasho kale qaatay, waxaa lagu sheegay nin tuug ah oo lacag soo dhacay, Waxaa lagu eedeeyey nin nabadgelyada Somalilaan khalkhalinaaya. Waa taa CadaaladiiXukuumada Kumiye!

4- Su’aasha qarnigu waxay tahay Ganacsaduhu ma Dhagar buu ka galay Dawlada Jabuuti iyo shacabkeeda – Waa maya ! Hadaa maxaa lagu haystaa?Waxaa laysku hayaa waa aduun iyo Sandule Saami nagu sii hadii kale xoolahaaga ayaanu bililiqaysanaynaa taasinaway dhacaday. Waxaanaummadda u muuqata in si qarsoodi ah loogu heshiiyey Gancsadaha. Dastuurka Somalilaan Qodobkiisa 11-aadfarqadiisa 3-aad Wuxuu qeexayaa in maalgelinta Shisheeyey ee dalka gudihiisa ay dawladu udamaanad qaadayso xeerna lagu nidaaminaayo. isla Qodobka 35-aad , farqadiisa 2-aad ee Dastuurka qaranku wuxuu qeexayaa in aanay marna banaaneyn in muwaadin reer Somalilaan ah loo dhiibo dawlad shisheeye.Sidaa Daraadeed Xukuumada Somalilaan waxaa looga fadhiyaa in sharciga loo sinaado ooay Xurmeyso sharafta, Sumcada iyo Karaamada Ganacsade Ahmed Cisman Geele.Xukuumada waxaa looga fadhiyaa in Xoolaha ka maqan ganacsadaha ay la baadi-doonto.

5-Gansade Ahmed Ciman Geele marna kamuu qayb qaadan hagardaamooyinkii qabyaaladeysnaa ama xulufeynaa ee dalka lagu boobay mudadii kulmiye.

Bal aynu diirada yara Saarno Gancasatada Dhigiisa ah ee ilma jinni boqor ee Xukuumadu ay mar walbasharaftooda iyo Karaamadooda ilaaliso:

1- Ganacsatadan ilma jinni boqor waxay ka qayb qaateendhamaan dheefihii iyo dhiilooyinkii dalka ka dhacay mudo xileedkii Xukuumadihiikulmiye dalka hagaysay.Waxaana ay ku milmeenCaqiidadii siyaasadeed eeXisbiga kulmiye dalka ku qabsaday iyo curyaamintii Geedi-socodkii dimuqraadiyadeed ee Somaalilaan,

2- Ganacsatadani waxay ka qayb qaateen Musuq-maasuqiiiyo maal-urursigii lagu sameeyey maareyntii maganta,moorada iyo midhihii dawladnimo, waxaana ay qaybka ahaayeen kutagri falkii hantidii ummaddabaahan, waxaana ay noqdeenjileyaasha qarsoonee kugafanoobaynaasihii irmaanaa ee qarankani lahaa.

3-Ganacsatadani waxay hormuud ka ahaayeenCadaalad daradii iyo ceebihii dalka ka dhacay oo dhan,dhacdooyinkii maareyntooda lagu fashilmayiyo dhiilooyinkii dhabta ahaa ee dalka ka dhacay mudadii Kulmiye, sidaBoobkiidhulkii danta guudiyo siyaabihii loogu tagri falay hantidii guurtada iyo ma guurtada aheyd eeummaddu wada laheyd..

4-Ganacsatadani waxayhormuud u ahaayeenhadhkii iyo humaagii galay dawladnimada JSL, ma hadhooyinkii iyo raadadkii foosha xumaa ee doogta iyo diifta lahaa eedadka iyo dalkaba ku reebay qabyaaladan duluca furatay ee maanta dalka ku bacrintay..

6-Ganacsatadani waxay baysiyo baleysin u ahaayeencaro-qaad kii shir beeleedyadaiyo soo bacrimintii qabyaaladan duluca furatay ee ku saleysan is-xulafeysiga la magac baxay Jeegaanta malaasan.

7-Ganacsatadani waxay hagayaal ka ahaayeenSiyaasad xumadii Jeegaameysneydee soo ifbaxday doorashada dabadeed taas oodalka ku reebtay Colaado Siyaasadeed, Cadaawe degamsan iyo isu jabhadeyntamaanta dalka ka bilaabantay.

8- Ganacsatadani waxay lacagtooda ku bixiyeen xagal daacii ku dhacay Dimuqraadiyadii JSL ee aanu Kulmiye weelkeeda sii tolin, laakiin uu curyaamiyey kuna fashilmay waajibaadkii ka saarnaa geedi socodkii iyo hanaankii dimuqraadiyeed ee lagu taamayey mudada dheer.” Sida doorashooyinka wada mudo dhaafay ee waqtigooda lagu qaban waayey.”

9- Ganacsatadani waxay lug ku lahaayeen dagaalkii qaawanaa ee Jamaal Ali Xuseen lagaga reebay Musharaxnimadii uu xaqa u lahaa ee uu ka sharaxnaa Xisbiga Ucid.

10- Ganacsatadani waxay qaanuunanadii dhisme siyaasadeedkii dimuqraadiga ahaaee JSLu bedeleenqabiil, codkii muwaadinka xorta ahaanaway isireeyeenoo waxay ku khasbeen in qabiil walibauu la tago codkiisamuskiisii iyo miscirirtiisii,arintaana waxaa markhaati iyo marag kuugu filandoorashadii ugu danbeysay ee dalka ka dhacday oo gobolada qaarkood lagu arkayiyaga oo lacag shacabka ugu qaybinaaya ama like ka qodanaaya.

11-Ganacsatadani waxay ku milmeen Cadaalad daradii dalka ka dhacay,hababkii qalooca iyo qarsoodiga ahaa ee lagu qaybiyey mashaariicdii horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalkasida isgaadhsiinta , leydhka, Biyaha iyoMashaariicda DPW ee Dekeda Berbera oo ay hawada ku qaybsadeen keligood.

Gebogebo: Hadii mabd’a lawada yeelan waayo oo sharcigu sareyn waayo waxaa dhici karta in shacabku sharciga gacmahooda ku qaataan oo dalku uu burburo. danta guud ee Somaalilaana waxay ku jirtaa maantain dalka lagu soo dabaalo Kefadii miisaanka ee sharciga aheyd.

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Taw fiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London
COMMENTS