CABAYS.COM
QORMADA 7AAD: BARASHADA QAARADA AFRICA: WADANKA SUDAN (SUUDAAN iyo SODON SANO
December 24, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media (Sudan)

Tensions-rose-between-the-North-South

Madaxwayne Omar hasan albashiir wuxuu inqilaabay 1989kii xukuumadii Raisal wasaare sadiq almahdi oo ahayd dowlad shacab ah .sida lagu yaqaano hogaamiyasha inta badan inqilaabka ku qabsada wadamada wuxuu dhisay kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada .

Bilowgii dhalashada jamhuurada suudaan waxay la curatey dagaalo sokeeye , oo u dhaxeeyey dhinacyada koonfur (SPLF) iyo waqooyiga marka laga soo bilaabo 1955kii ilaa 1972kii , wallow uu dhowr sano sudan xasiloonayd hada wuxuu dib u soo if baxay sanadkii 1983kii ugu danbeyn dagaalkasi wuxu af jarmey 2005-tii natiijadiisuna waxay noqotey in lix sano kadib (2011) dalka konfurta sudan noqoto dal ka madax-banaan sudan inteeda kale.

Madaxweyne Albashiir wuxuu dhowr jeer isku soo sharaxay xilka madaxweyne ee sudan lakin markaad eegto doorashooyinkas aad arkeyso inuu isticmalayo awooda dowlada iyo dhaqaalaha dadka reer sudan taas oo dareemi karto marka aad eegto dorashadii ugu danbeysey oo dhacdey 2015, waxaa intaa lagu dari karaa inuu si u fushado hankiisa siyaasadeed uu badalayo qodabo kamida dastuur oo u diidadaya inuu isasoo sharaxo doorashada 2020 ka .

Albashir waxaa loo haysa danbiyo dagaal, iyo inuu ku tagrifalay awoodisa hogaamiyeed , sida dagaalada gobolka Darfur taas oo keentay in maxkamada danbiyada ee caalamiga ahi (ICC) waraaq soo qabasho ah u soo dirto 2009kii.

Kadib markii koonfurta sudan ka go’day sudan waxay waydey saddex aag oo shidaalka ka maaxan jirey taas oo hoos u dhigtey dhaqaalaha sudan.

Arbacadii waxaa Sudan ka bilowday kacdoono ka dhashay sicir barar oo lagu qiyaasay ilaa 70 %, musuq-maasuq hadheeyey hayadaha dowlada iyo dadka oo ka soo daalay hogaaminta albashir.

Mudaharaadyada sudan oo madaxa galiyey maalintii shanaad ayaa la aamisan yahay inuu sii socon doono !! ,xaguu ku saldhigi doonana waa suaal u baahan sadaal dheer iyo sahamin buuxda
Lakin hadii sidaa ku sii socdaan qalalasaha iyo dibad baxyadu inay laba mid uun iskugu soo biyo shuban doonto
1. Sida markii masar kacdoonadu ka socdeen wax u dhacaan oo milatary gu soo fara galiyan madaxweyne omar albashirna is casilo
2. In sida liibiya, siiriya iyo yaman ay sudan na noqoto dowlad guuldaraysatey (failed state)
Ayna noqoto goob argagixisada hoy u noqoto.

Diyaariye:Mohamed Somali

COMMENTS