CABAYS.COM
Ciyaaryahan magaciisa uu argagax geliyay shaqaale diyaaradeed
November 23, 2018 - Written by Cabays

Cabays Media (Hargeisa- )

Nin ciyaaryahan ah ayaa naanaystiisa waxa ay argagax ku abuurtay shaqaalaha diyaarad uu ku safrayay ka dib markii mid ka mid ah gabdhaha ka shaqeynayay diyaaraddaasi ay maqashay qof ka mid ah dadka rakaabka ah oo ninkaasi ugu yeerayo magac cabsi geliyay

20181123_233559Eoin Liston oo lagu naanayso “Bomber” oo micnaheedu yahay “qarxiye” ayaa waxaa ka shakiyay gabadhaasi shaqaalaha ka ah diyaaradda oo uga shakisay in uu yahay qof diyaaradda qarxin rabo.

Magacan Bomber ayaa u baxay ciyaaryahankan ka dib markii uu kooxda Kerry ka caawiyay in ay saddex gool ku garaacdo kooxda Dublin sanadkii 1978.

Magacaasi ayaa tan iyo xilligaasi noqday mid uu caan ku yahay oo dad badani u yaqaaniin

Balse usbuucii la soo dhaafay ayaa magacaasi waxa uu sababtay in argagax iyo jahawareer uu ka dhex dhaco diyaarad uu la socday oo ka duushay Cardiff kuna wajahnayd Cork.

Mid ka mid ah gabdhaha ka shaqeynayay gudaha diyaaradda ayaa maqashay qof ka mid ah rakaabka oo u wacaya ninkaasi ka dib waxay ay la xiriirtay duuliyaha diyaaradda oo ay arrinta ay ka shakiday u sheegtay. Arrintan ayaa markii dambe gaartay in magacaasi laga baaro Google, si dadka loogu qanciyo in magacaasi yahay naanays uu ninkan caan ku yahay

Waxaan ku sugnaa qeybta hore ee diyaaradda kaddib waxaan maqlay oo dhagteyda ku soo dhacay wiil yar oo iigu wacaya magaca ‘Bomber’, si uu ii soo jeediyo,” ayuu yiri Liston oo wareysi siiyay wargeyska The Irish Independent.

“Gabadhan ka shaqeynaysay diyaaradda ayaa dabcan iga shakiday, waxa ayna walaaceeda la wadaagtay duuliyaha diyaaradda,” ayuu yiri.

“Waan ogaa in dhibaato ay jirto. Marka waxaan sugay ilaa iyo inta dadka oo dhami ay degayaan diyaaradda.

“Qaar ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ayaa wareysi la yeeshay qofkii ay naaneystaasi ka maqleen, ka dibna Google-ka ayay raadiyeen si ay u xaqiijiyaan in magacaasi uu yahay naanays aan caan ku ahay,” ayuu yiri Eoin Liston.

Waxa uu intaasi ku daray in shaqaalihii diyaaradda ay markii dambe qanceen oo ay ogaadeen in meeshu aysan dhibaato ka jirin

 

COMMENTS