CABAYS.COM
Dareen Muwaadin: Alla ma siyaasigaa la ogyahay
December 4, 2019 - Written by Cabays

Cabays

Ó

Cabays Media ( Aragti Xul ah) –  Dareen Muwaadin: Alla ma Siyaasigaa la ogyahay!

Waxa dadka siyaasiyiinta JSL aad u yaqaanaa la yaabaan inta Baraha Bulshada (Social Media) ku xayeysiiya xubin ka mid ahaa ragii ka faa’idaystay xaaladii caafimaad ee uu galay Madaxweyne Axmed MM Siilaanyo, waa xaaladii uu ku qiray Xirsi Xasan Xaaji Cali ee uu buugiisa ku qoray.

Xubintan waa wasiirkii hore ee Madaxtooyada oo haddii aad maanta suuqayada JSL dadka weydiiso kaala hor imanayaan “Istaaqfurulaa” waayo waxay ogyiihiin eexdii, boobkii iyo ku tagri falkii uu qaybta ka ahaa isaga iyo wasiiro badan oo xukumadii uu madaxweynaha ka ahaa Axmed Siilaanyo.

Ilaa hadda ayaa ay qaranka ka sii muuqdaan boogihii mudadii ay xayn wasiiro ah oo dalka madax ka ahaa oo rag iyo dumar ahaaba ay u geysteen, haddana mid ka mid ah kuwii ugu waa weynaa ee la ogaa ayaa maanta Social Media la inooga iibinayaa.

Waxay ahayd in baadhitaan lagu sameeyo, dibna looga soo celiyo wixii ay umada ka boobeen,ee indhuhu arkayaan.

Dhaliyaradu ha ogaato in aanay isku helayn nin a tijaabiyey oo qarankan ka xoogsaday oo reernimo loogu sacab tumaa in aanay ahayn mid mustaqbal ugu jiro. waayo tii hore ayuun buu yaqaane, dhalinyaradu hogaan ha iska soo saaran kuwo ay ku xushaan wanaagooda iyo daacadnimo – waa haddii dhalin-yaradu rabto in ay hore u socoto, haddii kale ku celisku waa dib u noqod ee ha ogaadaan.

Ducayso

Waxa la gaadhay xiligii laga gudbilahaa kuwii ina soo maray ee aan loo nacasoobin soo rogaal celintooda.

Marka uu badka isa soo dhigo ayeynu saani u faalayn meelaha farta lagaga godayo iyo aragtida ummada u dhextaal oo faahfaahsan, calaamadaysan, oo waliba indhaagu arkayaan.

Afeef: Aragtidayan waa mid aniga iga timi, ha u nisbayn cid kale, haddii aad hayso mid ku lid ah si hufan u dhiibo. Midna ogow siyaasigu waa siyaasi, waana danayste tiisa ka fuudhyeela., markaa reer ha u eegin waligaa.

Qore Cabdilaahi Maxamed Cali

………………………………………………………………………………………………………………………………………………

Cabays Media waxa uu soo dhaweynayaa aragtiyaha kala duwan, sidaa darteed wixii aragti ah ee hufan ku soo dir halkan editor@cabays.com

COMMENTS