CABAYS.COM
Dareen Muwaadin: Dhankee buu u socdaa Siyaasi Ibrahim Buubaa?
April 29, 2019 - Written by Cabays

CabaysArgti Xul ah (Cabays Media) –   Qormada Dareen Muwaadin iyo Wariye C/laahi Maxamed Cali:

Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa wareysiga uu bixiyey ka dib ka soo noqoshadiisii Qatar todobaadkan, 2 arimood ayaa iiga baxay iyo mid isaga iyo hogaanka Waddani.

1- In uu doonayo in uu abuuro xulifo Qatar la safan oo Somaliland ku sugan, siiba xisbi siyaasi marka uu lee yahay Imaaraadka ayaa faragalin ku haya Somaliland, taas oo uu sobob uga dhigayo Wasiirka Arimaha Dibada JSL oo sheegay in Imaaraadka ku heshiiyeen “La dagaalanka Argagixisada” – dagaalkaas ayuu ula kacay dhan kale, iisagoo abuuraya jawi Qatari ah oo Imaaraati diid ah.

2- In la kulanka Farmaajo uu la kulmay yahay mid aan cidi u diran,  kulankua ma xambaarsana fariin uu qaaday oo uu Somaliland ka keenay ama mid Farmaajo ka sido, waase kulan umuuqan kara markhaatiga Imaaraad durista.

3- In uu yahay siyaasi aan ku qanacsanayn hogaanka xisbiga Waddani, balse aan ka badheedhi karin.

Siyaasi Ibraahim Buubaa Xisbiga Waddani waa ka mid, haddana kama mid ah. Somaliland kuma qanacsana, haddana kama badheedhi karo!

Fiiro gaar ah: Ibraahim Buubaa waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta aan wareystay isagoo aan wali dalka ku soo noqon, iigana soo baxay in uu jiro qorshe siyaasadeedoo u meel mari la’a oo dhan u ula dhaqaaqo la’a.

Si aad u fahanto halka uu u socdo dheyso halka uu ka socdo – waa wareysi aan la yeeshay saddex sano ka hor markii uu shaaciyey in uu Somaliland dib ugu soo laabanayo isagoo jooga dalka Qatar.

Muuqaalka hoose ka daawo:

Image may contain: Kulmiye Kulmiye
COMMENTS