CABAYS.COM
Dareen Muwaadin: Gudoomiye Cirro ma Xal-doon baa?
April 30, 2019 - Written by Cabays

CabaysArgti Xul ah (Cabayd Media)  –  Dareen Muwaadin: 

Xigashada maanta: Gudoomiye Cirro oo muujiyey culayska ay ku yeelatay isbahaysiga UCID iyo Kulmiye, kuna tiraabay erayo culus oo weerar celis ah maanta.

Waxa ka mid ahaa hadalkiisa:

“…..Waxa la yaable in madaxweynihii qarankan u dooranay in uu hogaamiyo oo dalka mideeyo, oo uu ka doorbiday uu bulshada qayb ka mid ah madaxweyne u noqdo, aynu dooranay Hadduu madaxweynihii Qaranku inuu madaxweyne u noqdo ka door biday oo uu Kulmiye & UCID madaxweyne u noqdo, dalka indiisa kale la madaxweyne ahaan mayso……..”

Waxa aan is weydiiyey kuwa aan UCID, Kulmiye iyo Waddani, midna ahayn ee muwaadiniinta aan dan ka lahayn inta xil iyo darajo kala boobaysaa hadalkaa Gud. Cirro sidee u qaateen karaan?

Xiligii is xagxagashada xisbiyada ayaa bilaabmatay, ma aha wax cusub, waa caadooyinkii aynu hore u soo daawnaya ilaa iyo sanadkii 2002- hadaladan noocan ah aynu maqli jirnay.

Aad ugu fiiros is -xajiimaynta iyo kala xod-xodashada bulshada la xamaasad galinayo, dhamaan waa dano shaqsi – dhan walba, mid hogaamiye xukumadeed iyo mid xisbi ba!

Isku xaabin dalkoo dhan xaaladiisa ayey saamaynaysaa haddii Waddani tiisa noqon weydo, ma aha wax inagu cusub, waase hadal siyaasadeedkii aynu hore u soo mqali jirnay xiliyadii siyaasada cakirani ay dhextaalay xisbiyadii UDUB iyo Kulmiye, taas oo xataa gaadhay in Abwaano, culimo iyo dad aan siyaasad shaqo ku lahayn ka gurmadaan, iaygoo ka qabsi qabay in hadaladii ay ku tiraabi jireen uu dalka u horseedi karo xaalado xun.

Hadalka Gudoomiye Cirro se aynu u qaadano uun mid muujinaya culayska saarmay iyo jawaabta ugu haboon ee uu ka dhiiban jarko xulufada isbahaystay ee UCID iyo Kulmiye. Yaanse loo qaadan kala guur qaran, waayo isba wuu og yahay in aanay taasi u ahayn dan dalka iyo dadka.

Image may contain: 1 person, glasses and text
COMMENTS