CABAYS.COM
Dareen Muwaadin: Hadalka Raysal-wasaare-xigeenka Soomaaliay:
July 30, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Rayi xul ah)  Dareen Muwaadin:

Hadalka Raysal-wasaare xigeenka Soomaaliya.Mahdi Guuleed (Khadar).

Mahdi, nin ka nasiib daran oo xilkaa qabta oo ka soo jeeda Somaliland hortii ma soo marin. Waxa saaran cadaadis aan caadi ahayn oo ah “Shaqee ama xilk iska dhig” sida ay sheegayaan ilo xogogaal oo ku xidhan Villla Somalia.

Sida ilahani sheegayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Khayre waxa ay si cad ugu sheegeen Mahdi, oo sidoo kale loo yaqaan Khadar in u shaqeeyo si ka duwan Raysal-wasaarayaashii hore ee Somaliland ka soo jeeday,haddii kale xilka iska wareejiyo. Khadar waxa saaran culays ka weynaaday sidii fududay ee uu xilka moodayey.

“Madax. Farmaajo waxa uu go’aansaday in uu ka horkeeno Mahadi Reer Somaliland” sidaa waxa igu yidhi xubin aad ugu dhow gudoomiyaha maxkamada sare ee Somalia oo aad ula socda hab dhaqanka cusub ee dalwada Farmaajo ee ku wajahan JSL.

Hadallkan uu Raysal-wasaare-xigeen Mahadi xili habeenimo ah jeediyey ee uu ku bilaabay in uu isagu Hargeysa ka soo jeedo, isla markaana uu ku yidhi “La iskuma raacsana Somaililand” waa hadalo ka mid ah kuwa qorshaysan oo looga dan lee yahay in lagu xoojiyo abuuranka rayi cusub oo gudaha Somaliland lagaga doodo.

Hadalka Mahadi waa qayb ka mid ah qoraalo ay dawladaha caalamka u qaybiyeen oo xukumada Farmaajo ku dooday in qadiyada JSL aan la isku raacsanayn.

Waxase uu Mahdi og yahay in hadalada uu la so joogsado madal aan wax saxafaad ahi su’aal ka weydiin ee uu u jeediyo Reer Somaliland in aanay loodin karin qadiyada Somaliland, laakiin waa mid uu ku khasaban yahay, waana kuwo lala soo hubiyo inta aanu inala hor iman..

Mar kale ayuu soo muuqan doonaa isagoo erayo kuwii hore u dhigma isla keen soo hortaago, laakiin waxa mudan in la ogaado in lagaga yeedhsiinayo, waayo waxa uu ka jeclaa in sidii kuwii ka horeeyey in uu mudo halkaa ka muraadsado, waxase uu ku soo beegmay koox u heelan hawl aanu u soo diyaargaroobin markii hore.

Waxa uu hayaa tub ka culus tii uu hayey Maxamed Cumar Carte oo isna arimo badan la sheegay in uuu isna ku fooganaa Somaliland xiligiisii, oo isna sidan oo kale uu Xasan Sheekh dhabarka ka soo taabaty.

Laakiin Somaliland ma u joojinaysaa ayuuna is weydiin wadaadka daaha dabadiisa u fadhiya ee leh – waa Farmaajo ‘e ee ku leh “Ma la hadashay”

Gow

COMMENTS