CABAYS.COM
Dareen Muwaadin: Maxay u dabaal dageen?
July 1, 2019 - Written by Cabays

Cabays Cabays Media ( Aragti xul ah )  –  Dareen Muwaadin: Qore Cabdilaahi Maxamed Cali
Ma u fiirsatay in midnimadii xalay Xamar iyo meelo go’an looga xafladeeyey in ay ku eekay sidan.

1dii Juulaay 1960 ilaa 27.05.1988kii oo saani u qarxay dagaalkii burburiyey waa 28 sano oo kali ah oo midnimadaa la sheegayo.

1988- 1991 Dagaal lagu hoobtay oo xukumad military iyo shabac is hubeeyey oo la sftay ururkii SNM ayaa ka socdday dhankii xornimadii qaadatay 26kii Juuun 1960kii. Waa mudo 3 sano oo buuxa.

18.05.1991kii waxa nabad iyo dib ula soo noqosho xoriyadii 1960kii lagaga dhawaaqay Burco, iyadoo ay u dhanyihiin bulshadii Somaliland ee la midowday Somalia ee abuuray Jamuuriyadii Soomaalida – Somali Republic.

1991 ilaa sanadkan 2019 waa 28 sano oo aan loogana dabaaldagin midnimadii 1da Juulay caasimadii Xoriyada Soomaalida ee Hargeysa, waa mudo ku sar go’an isla mudadii ay la midowday dhankii Xamar Caasimada u ahayd.

Ku darsoo 28 kaa ay Somaliland ka maqan tahay xuska iyo midnimadii Juulay, dhankii qaatay madaxbanaanida ee Xamar caasimada u hayd waxa ka socda colaado is huwan iyo khilaaf siyaasadeed oo keenay in dib si dadban loo hoos geeyo UN iyo Afrikan Union, oo ilaa 18kii bishii 1aad ee sanadkii 2007dii waxa amaanka xukumad kastoo Xamar ah ilaalliya amaankeeda ciidamo AU ah oo ay dusha kala socoto UNSOM .

Lama odhan karo wax ay u dabaaldagaan ama u damaashaaaaan ma yaalo Somalia, waliba inta madaxda ah oo amaankooda iyo bixinta dhaqaale lacageed oo lagu kabo ku xidhan yahay shisheeye.

Mid ha ogaadaan dayartu, ma jirin dad Soomaali ah oo nidaam dawladeed oo dal calan, ciidan iyo calaamad qaran wadaagaa ka hor 1dii July 1960kiii ay wadaagaan. Markaa ma jiraan dad Soomaali ah oo marka hore gumaysi dal ahaan iyagoo intaa wada leh uu qaybiyey. Laakiin dhul Soomaali ah oo nidaamkii Afrika saameeyey uu xuduudo kala dhex dhigay ayaa jiray. Muqdisho iyo meel kale midna caasimad ay wadaagaan uma ahayn Gumaysi hortii, sida Afrika oo dhami ahayd..

Markaa madaxweyne Farmaajo iyo inta ayidsan maxay u dabaaldageen?

Allah ha u gargaaro, hana garansiiyo xaqiiqada ay ku jiraan!

Image may contain: 2 people, including Ali Waterloo
COMMENTS