CABAYS.COM
DEYRKA MAKI HADUU KU GUBANAYO, HORAA LOOGA SOCONAYA!
December 10, 2017 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media:- Argti/Maqaal xul ah:

 

DEYRKA MAKI HADUU KU GUBANAYO, HORAA LOOGA SOCONAYA!

 Summad Shisheeye 

Qaranka kaliya ee Soomaaliyeed, Afrika iyo adduun weynaha oo idil wali madaxa ku sita ayeynu nahay yeedhmadii gumaystahoodu ku suntadey. Deymo haddii aan tibaaxo Xukuumadaha aynu xuduudka la wadaagno ee Soomaaliyeed aragti ahaan Jamhuuriyadda Jibuuti, waxa gumeysigii 1896 kii ku suntey ama loo yiqiiney `French Somaliland` oo kadib isu bedeli doonta kan hadeertan loo yaqaan.

Sidoo kale Dawladdii 1960 kii aynu xoolaha isku yara darsanay ee tidhi hala-haagii abaartii Siiga Cas ba leysaye aniga kuwaygii wali waa nool yihiin, ee I soo daba istaag sidii caadada kuu ahayd, ee haatan adduunku u yaqaan Jumhuuriyadda Federaalka Somaliya, rabi Amni, Nabad iyo Xasilooni ha ugu deeqo’e, waxa magaceedii hore ee baxay sanadkii 1890 kii uu ahaa `Italian Somaliland` waana la badaley iyaka oo ka door bidey isimka Somaliya haatan la yidhaa.

Hadaba halkii aan u gon lahaa iyo waa tan tii aan anigu lahaa’ye, Sannadku kolkii uu ahaa 1884 kii ayey Boqortooyadii Ingiriisku inagu naanaystey `British Somaliland` Malaha kitaab Quraan ah, Tuf iyo

Taxliil baynu moodnaye, maxaa inagu kalifey in aynu magac cusub oo aynu inagu leenahay Aasaasi weyno oo aynu ku bedelano summaddii gumaystuhu inagu toshay? Halkey se Taraawiixdu inooga xidhmi la’dey?

Burco ayey ahayd 1991 kii markii aynu kaga dhawaaqney gooni isu taaggu, oo fursadii kaliya ee abid ugu wanaagga san aheyd in aynu ku siibno heeryadii 60-kii aynu hagoogneyn, balse nasiib daro go’ii shaalka ahaa ee habaarka qabeynu dib isu huwiney.

Kama aan dalbanayo Dawladda cusub ee soo guuxaysa ee ay kala hogaamin doonaan Madaxwaynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi Xildiid iyo Madaxweyne ku xigeenka la doortay Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Shire `Saylici` In ay kaliya dib u habeyn ku sameeyaan magaca dalka Somaliland balse waxa la hal maasha bedelida magaca lacagteena `Shilling` oo aynu u baahanahay in wax bedela fikirkeeda aynu u guudh galno.

Furitaanka Dastuurka Somaliland

Waxaynu u naqaana furitaan dastuur; In wada wadaagista Qaranka laga soo qeyb geliyo dad hore loogu aaneynayo in ay ka dudeen dalka sifo saami qeybsi ahaaneed, Deymo yar haddii korka aan ka salaaxsho, In dadweynaha Sool iyo Sanaag kala dega wax laga siiyo

afarta kursi ee beesha dhexe kaligeed cantoobsatey. Waa xaqiiq hase ahaate taas oo kaliya ma ahan!

Waxa aynu si ba’an ugu baahi qabnaa in adduunyada tan aynu ku ridno fajac, yaab iyo amakaag!

Sidaa daraadeed waa in aynu qalibnaa Nidaamka qaab hab dhismeedka Qaranka ka jira ee ah Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen, inaga oo uga guureyna nidaamka dawliga ah ee adduunyada badan inteeda muuqata ee dawlad ahaan aynu odhan karno way guulaysteen ay ku shaqeeyaan oo kala ah, hab Ra’iisal Wasaare iyo Madaxweyne. Awoodda Qarankana aynu si wada jir ah u guddoonsiino Ra’iisal Wasaare, xagga uu awoodda dalka maanta Madaxweyne leeyahay.

Xus oo Xasuusnow

Ummadi marnaba ma ilawdo ummadeedii ka horeysay! Aad, aad, aad iyo aad aan soo koobis lahayn ayeynu ugu liidana dhanka xusida dadkii tacabka badan iyo magaca weyn ku lahaa Jumhuuriyadda Somaliland. Tusaale kooban; waxa ah wax laga ilmeeyo oo aan anigu shakhsi ahaan aan is idhaa billaa aad tubtaa ku dambaysa haddii aad ummaddaada wax midho dhal ah aad uga tagtid, billaa magacaagu noqda wax, wax marka lagu soo xasuusto ilaahey ha u naxariisto aan niyad ahayn lagu dhaafo! Billaayo intaad aakhiradaada isu seejinaysid tan uun wax uga tag sidii raggii kaa horeeyey ee ku seegey looga

daba tegi waayey billaayo adna aan lagaaga daba iman. Uma qalmaane halkaa ha u dhaafin iyo Qushi mayee waa iyaka iyo damiirkoode u dhaaf. Hadana billaayo, billaa, billaayo, billaa fara badan oo aan soo koobis lahayn.

Halkee lagu iloobey xuska Hogaamiyihii Xisbigii Qaran ee N.U.F oo Aasaasmey 1954-kii lana odhan jirey Maykal Maryama, diinta uu haystay waxa ay ahayd diinta Masiixiga ah, kana uu soo jeedey Gobolka Togdheer.

Halkaa waxa aad mooda in uu gabeygii Gaariye AUN ku haboon yahay. “Waxa aanu wax isu nahay ninkii si wax iila arkaaye na midayso u jeeddo”

Maykal waxa uu ahaa shakhsigii 1960kii ka sax sanaa Ina Cigaal ee lahaa yeynaan Qaranimadeena iyo Gobanimadeena dayicin dawlad kalena marti uga noqon, oo uu Cigaal laftigiisu inoo sheegey 1997 kii. Balse doorashadii 60-kii ayaa uu Ina Cigaal kaga helay sidaa ayaa uu isaga oo murugaysan dalka uga haajirey, inkaste oo uu midnimadii dabadeed 1963-kii markii dambe Xamar ka soo degay. Ummadda ninkaa xusi weydaynu nahay balse inteena badani maba garanayno. Aheey ah!

Waxa taaba igaga sii daran, Calanka aynu leenahay waanu jecelnahay ee aynu hadh iyo habeenba tunka ku sidano, hadana aynaan garanayn Ninkii sameeyey iyo taariikhdu sameeyey. Waxa sameeyey nin la odhan jirey Muraad alla ha u naxariisto’e oo u

dhashay Gobolka Awdal wuxuu sameeyey sannadkii 1996 kii, markii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ku dhawaaqey in calankii ku meel gaadhka ahaa la bedelo, kolkaas oo uu Muraad iyo rag kale ba ay isku dayeen, gaba-gabediina kii Muraad la qaatey oo ahna calankeenan maanta aynu hoos hadhsanno ee inaga dul babanaya.

Ma ninka Muraad xusi waaya I leh “CALANYOW HA DHICIN HA DHICIN HA DHEELIYIN WAAQA DHISNOOW WALIGAA DHISNOW!”

Muraara dilaac ba iga hayee waxa aan ku soo gunaanadaya aniga oo aan soo wada koobi karayn Madaxweynihii ugu horeeyey markii Somaliland xoriyadda qaadatey, oo aan ahayn Cigaal, sababta oo ah Ra’iisal Wasaare ayaa loo doortey Cigaal, se horta Madaxweynaheenii xilligaas inna ma garanayna?

Alla naxariis jano ha ka waraabiyo Ina Askar. Alle na sidoo kale ha u naxariisto inteena nool ee dhimatay iyo inta xaqiiq ahaan u geeriyootay.Yuusuf Maal 2

Wa bilaahi Tawfiiq

Qalinkii: Yuusuf Xasan Maal

Email: Maal200@hotmail.com

Newcastle, United Kingdom.

COMMENTS