CABAYS.COM
Fariin Ku Socota Xisbiyada Iyo Xukumada
May 5, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media ( Aragti xul ah) –   Farriin ku Socota Xisbiyada iyo Xukuumada

18 May ka hor Shacbigu Muxuu Sugayaa ?

Afar Qodob oo Muhiim ah:

Asalaamu Calaykum

Waxaa hubaal ah in maalmihii iyo usbuucyadii la soo dhaafay ay Dalkeena ka jireen Murano iyo gulufyo siyaasadeed oo dhawaaqoodu uu sarreeyo oo u dhaxeeya Xukuumada iyo Xisbiga UCID oo isku dhinac ah iyo Xisbiga WADANI oo dhinaca kale ah, waxaanay arrimahani soo jiitamayeen tan iyo intii ay dhacday doorashadii Madaxtooyada inkastoo dhawaanahan uu sii xoogaystay muranka Siyaasadeed ee u dhexeeyay Xukuumada iyo Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani.

Waxaan shaki ku jirin in ay Waajib tahay oo ay Danta guud ee Qaranka ku jirto in la soo afjaro khilaafkaas walaaca ku abuuray Shacbiga, waxaana lagama maarmaan ah in qof kastaa uu Masuuliyadiisa qaato sidii Xal looga gaadhi lahaa muranka jira oo khasaare iyo dib u dhac ku keenaya Dalkeena.

Hadaba waxaan soo jeedin lahaa qodobadan hoos ku qoran oo aan filayo inuu Xal u yahay khilaafka jira. Waxaan si Xushmad leh uga codsanayaa Xukuumada iyo Xisbiga Wadani inay fiiro dheer u yeeshaan qodobadan.

1. Waxaan soo jeedinayaa in sida ugu dhakhsaha badan ay kulan u yeeshaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro iyaga oo aan cid kale wehelin labadooda, si sarraaxad lehna ay isu waraystaan iyaga oo aan cid kale wehelin.

2. Aniga oo sharaf u haya Gudiga Doorashooyinka Qaranka, sidoo kale qirsan inay qarankooda u shaqeeyeen una qabteen doorasho Xor iyo Xalaal ah, Aniga oo aqaan Sharafta iyo dhawrsanaanta iyo Akhlaaqda Xubnaha Gudiga Doorashooyinka iyo inay yihiin dad ka fayow musuq iyo xumaan. Aniga oo qiraya inay Sharci ku joogaan, sharcina ay ku tagi karaan, aniga oo qiraya inaanuu jirin Dembi ay galeen oo lagu Xajiimeeyo. Hadana waxaan cidina ka qarsoonayn inay yihiin Furaha Xalka Koowaad ee dhibta Dalka ka taagan ee caqabada ku ah qabsoomida doorashada.

Waxaan si Sharaf iyo Xushmad iyo Walaalnimo ku jirto aan uga Codsanayaa inay DUCO qaataan oo ay iyagu iskood isu Casilaan maadaama waxa u hadhsani ay yihiin bilo yar oo kooban. Walaalayaal DUCO qaata oo Fure u noqda xallinta khilaafka jira. Waxaa hubaal ah in ay Taariikhdu idin Xusi doonto. Waad ogsoon tihiin in Madaxweynaha iyo Xukuumaduba ay qirsan yihiin sharciyadiina iyo shaqada fiican ee aad Qaranka u qabateen. Walaalayaal DUCO qaata oo iskiin isu Casila oo Shacbiga ka Farxiya bisha Ramadaan. Waxaana Qaranka ku Waajiba in Bilaha Xilkiina ka hadhay Mushahar iyo gunnaba la idin siiyo oo si sharaf leh la idiin anbo-bixiyo.

3. Xisbiga WADANI waxaa ku waajib ah inuu ka Tanaasulo shuruudaha kale ee uu hoosta ku wato ee ay ka mid tahay in Xubnaha Gudiga la Kordhiyo. Waxaa kale oo Xisbiga Wadani ku Waajib ah inuu Iimaansado oo uu laabta usii daayo in laga helay doorashadii oo uu Dalka Madaxweyne ka yahay Mudane Muuse Biixi Cabdi oo doorasho Xor iyo Xalaal ah ku soo baxay. Xisbiga Wadani waxaa ku Waajib ah inuu ka gudbo Hiirtaanyada iyo Hibashada ay ku reebtay Doorashadii laga helay. Waxaana ku Waajib ah inay Xukuumada kala shaqeeyaan hawlaha Qaranka Muhiimka u ah.

4. Xukuumada waxaa ku Waajib ah inay si degenaan iyo ka fiirsasho aad u badani ay ku jirto ay u maarayso arrimaha Xasaasiga ah, isla markaasna ay u Talo badsato arrimaha saameynta weyn yeelan kara.

Ugu danbayn waxaa lagama maarmaan ah oo ay Shacbiga reer Somaliland ay ka sugayaan Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka ah inay degdeg u kulmaan oo ay Xal ummada ka farxiya soo saaraan inta aan la gaadhin maalinta Qaranimada ee 18ka MAY.

Isu TANAASULKU FULAYNIMO MAAHA, Qaranka Somaliland waxaa Caado markasta u ahayd Wada-hadal, Is-qancin iyo Isu-tanaasul.

Somaliland ha Guulaysato.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Image may contain: 2 people, people standing and suit
Image may contain: 7 people, people standing and suit
Image may contain: 2 people, people sitting and suit
COMMENTS