CABAYS.COM
Gunbaan Garashadayda Ku Gobaynayaa Had Iyo Goor Waxaanay Gayin Ku galadayaa !!!
May 1, 2018 - Written by Cabays

Gunbaan Garashadayda Ku Gobaynayaa Had Iyo Goor Waxaanay Gayin Ku galadayaa !!!

Bishu Waa July-Sanadku-2017

Waxa gobolada bariga somaliland gar ahaan

Magaalada burco oon joogay  u yimi si haqable Ah shixnado baabuur ah oo siday masuuliyiin Mucaarad iyo muxaafidba leh yagoo u gol leh

Hadafka ahaa u gogol xaadhida hiigsigooda Iyo hirdanka siyaasada yadoo aan bulshada

Nina hamranayne uu tiisu say u hirgalayso

Uun ku hawlanaa umadanu waxay ka

Dhignayd xoolo soo daaqay tagay oo u soo Xarooday ninkii lahaa oo xiligii uu lisi lahaa taaganyahay !

Labadii Xaqdaro Ku Heshiisaa Xaqay Ku Colowdaa !

Siyaasi waliba wuxuu ku dadaalayay inuu 

Helo cid uu u sii dhex maro bulshada oo yagu u

Arkaaya inay dantooda fushanayaan

Siyaasiguna u arkaayo inuu dantiisa ku

Fushanaayo yadoo uu midiba duulaan ku

Yahay ka kale yadoo siyasiga iyo shaqsi walba

Dantiisa meel laga tusay se aanay burkaba

Bahal ka filanayn shacabku oo iminkaba

Waynu ognahay inaan cidina ku dalicin

Darajana ku helin waxay guusha u arkaayen Iyo waxay ceeb galgalimaysteenba !

Iimaanku Waa Lixe Haday Laba Ku Naafawdo Oo Laanbaduhu Gubtaan Malihid Liibaan !!!

Mujtamaca wax laga donayay uma qiimaysna

Waxa laga doonayaa waxay yihiin iyo awooda

Ay leeyihiin inta ay leegtahay mana oga in’ay

Yagu yihiin kuwa wax badalayaa! xitaa ma

Dareensana oo waxa loo marayaa wadadii loo

Mari jiray markuu xili is badalaayo ama

Xaalku kala guurka yahay !

Ma jirin qof ku baraarugsan codka laga

Doonaaya macnihiisu wuxuu yahay isbadalka

Dalka ku soo foole se qof waliba dantiisuu u

Heelanaa haba u badnaadaan qof maalin

Dagaal eryanaaya iyo mid mashruuc fusho 

Ay ka guuxayso iyo mid-mid kaloo ay isku

Reeryihiin ibradii sunta ahayde midaynaysay Uu ku muday !

Waa Saboolka Caadadii Gefka Inuu Sameeyaa

Isku wada duuboo dadka badankooda waxa

Ka guuxayaa maha mustaqbalkooda iyo ka

Bushada midna ! maaha waxay mudan

Doonaan isbadal ka dib ! maaha caqabadaha hada ay ku jiraan say uga gudbi lahaayeen !

Maaha kuwii horee ay ka gudbi waayeen wixii

Sababay inay ka gudbi waayaan ! ma jiraan

Wax uga meel yaala  waxay yagu mudan  Doonaan ! ma jiraan wixii ay hore u soo

Muteen wax cashar ah oo haba yaratee

ay ka barteen duruufihii adkaa !

Sahan sheega tigaadiyo

Kiiyoon haysan tibaax

Tuhun reerka ku guuree !

Saqbadhkii ku tiraaba

Hadhkii oo uu is tabiyo 

Iyo tabaqluu ka helaa !

Taluu reer ku dhaqamaa

Taluuna reer ka dhintaa !

Wakhtigaa marna toosan

Marna yeesha tabaalo

Tu allaba timaada !

Shaqadaad ka tagtaa

Mid loo toog hayo weeye

Hadii aad tacabtoo

Garanwaydo tashiilkana

Waxba kuuguma taalo !!!

——————

Mindiyaha haliilayee

Hamuuntooda lagu jabay

Himilada wadaay baydh !

Hoonbaroy liibaax sido

Doqoniimo waa halis

Kala qalan hilbiyo hadalba !!!

Lasoco Qaybta 3

Safwaan Sacad Ahmed-Cowl

safwaan112@gmail.com

 

COMMENTS