CABAYS.COM
Guushii 2017 Kulmiye : Maxamed Baashe Maxaa Geeyey Heego? W/Q: Axmed Cabdi Ciise
May 22, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Rayi/Aragtida) – Maxamed Baashe Xaaji Xasan waa aqoon yahan wayn oo sugaan dhaadhi

ah ayna u dheertahay aftatahanimo wayn oo hadalka wadadiisa ku arooriyo. Waaa aqoontii (Role model) dayartu murtida iyo xikamada wadooyinka u jeexay ay u mari lahayid. Waxase ayaan daro ah in aqoonyahan, Maxamed Baashe maanta uu jaahilintii iyo ciyaalo Farmaajo halku-dhagyadooda ay social media ku isticmaalan ee HEEGO ay iyagu macalinka ugu yihiin isaguna si baahsan u isticmaalo (pervasive use). Suuasha ayaa ah miyaanay ayaan daro ahayn marka aqoon daraddii ay aqoontii hogaanka u qabto? saw ma aha tii la yidhi – Waa “Duni Akhiro Samaan”.

 Su’aasha ayaa ah marku xaal halkaa marayo side bulshadeedna kuwa xaqa ku taagan iyo kuwa beenta loo sheegay la isgu soo dhawayn karaa?

Maxay ahayd Guushii Kumiye ee Maxamed Baashe?

Akhriste la soco in Maxamed Baashe waxa u ahaa raggii ugu fadalo cadaa olalihii doorashada Kulmiye ku guulaystay 2017, waxanan uga markaahti kacayaa:

1. Inuu ahaa aqoon yahan tageerada uu bulshada ku leeyahay u isticmaalay in Kulmiye guulaysto;

2. Waxaa u ka mid ahaa ragii aan UK kaga hawlagalay oo wakhtibadan u huray in qulubta qurba jooga lagu xidho tageerada Kulmiye,

3. In u ahaa raggii ku dagaalamay codkasta oo dadka Kulmiye tageersani codeeyo oo Hargeeysa abaabulka kaga jiray cadceeda oo kulul dadka gaadiidka saarayay meeshii kaadhka ka qaateen, Berbera, Burco, iyo Ceerrigaabo iyo meelo ka durugsan;

4. Waxa u ahaa raggii meel walba u maray tuulo iyo magaalo in Kulmiye guulaysto aan marna ka caajisin in maddaxwayne Muuse Biixi guulaysto;

5. Waxa uu ahaa raggii aan seexan malmihii ugu dameeyey ee doorashada ee sacad sacad u la socoday tirintii codku soo dhacayeen oo goob kasta oo degmo doorasho codadka muraaqibintu soo turayeen isku gayn jiray.

Maxamed juhidiggii uu galieyey tageerda, Madadaxwayne Muuse Biixi lama soo koobi karo. Runtii waxayna ahayid nasiib daro in aan Maxamed xil aan loo magaacabin. Waayo nin uga mudna ma jirin, waxaanu isku arkayey in dadkiisa iyo dalkiisa uga faaidayn doono aqoontiisa.

Markaa suaashada jawataasi ayaa ah in aanay marna mudnayn, xaqana ahyn in ninkii guusha dhaliyey ee wadada ugu adag waliba u soo maray laga fadalo mid aan taariikh ku lahyn.

Balse Maxamed marna ma ahayn in Kalmada Heego ee Ciyaalo Farmaajo u cadaysto isticmaalkeeda iyo inuu qaranka inuu la beegsado eedaymo aanu cadayntooda haynin oo malo awaal ah.

Jawaabtaasi waa tayda taaduse maxay tahay?

Guul Somaliland

W/Q: Axmed Cabdi Ciise

isseahmed@hotmail.com

Image may contain: 1 person, suit

………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………..

AFEEF:

Cabays Media marnaba kama masuul aha aragtida dadyowga kale. Qoraalka kor ku xusan waa mid xambaarsan aragtida qoraha, mana mid ma tasha ta Cabays Media. Hase ahaatee waxa soo dhaweynaynaa is dhaafsiga raga tihaya haka duwan.

COMMENTS