CABAYS.COM
Isbadalka Geeska Afrika: Yaa saaxiibka Djiouti ah- Somaliland & Soomaaliya?
December 19, 2018 - Written by Cabays

CabaysDareen muwaadin:

Cabays Media ( Aragti xul ah) – Yaa saaxiibka Jabuubti ah marka la eego dawlada Federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Max’d Cabdillahi Farmaajo iyo dawlada Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi?

Isbadalka lagu sheego in uu Geesk Afrika ka socdo, ee xaqiiqadii ah mid isabadalkaasi ka socdo dalka Itoobiya xagiisa oo kali ah, ayadoo isbadalkaasi keenay in ay nabad la qaadato Eretariya oo ay uga tanaasushay dhulkii ay isku hayeen sobobo uu ogyahay hogaamiyaha qoorta loo sudhay in uu wado isbadalkaas ee Abiy Axmed, ayaa waxa isbadalkani dhanka kale daaha ka rogay in Djibuuti kala ogaato saaxiibkeeda dhabta ah iyo kan aan ahayn saaxiib la isku halayn karo.

Isbadalka siyaasadeed ee wadamada Itoobiyo iyo Eretariya, waa laba nooc mid gudaha dalka Itoobiya ka socda iyo mid xidhiidhkii Eretariya wadamada dariska ah la lahayd, siiba Itoobiya uu wanaag uga yimid, hase ahaatee Djibuuti waxa muuqata in xaalku ka dawan yahay, saaxiibtinimada xukumada Soomaaliya uu noqday ‘Ma waxaan ku mooday, mise waxaad noqotay !

Dhulkii ay Djibuuti iyo Eretariya isku hayeen wali xal looma helin, Djibuutina looma joojin arinkeeda!

Haddaba labadan dawladood ee ka mid ah 5tii Soomaali ku taami jirtay ee Somaliland iyo Soomaaliya, keebaa ah saaxiib ka dhabta ah ee dalka Djibuuti isku halayn karo, marka la eego arinka cusub oo ka oogan Itoobiya iyo Eretariya?

Image may contain: 3 people, including Khadar Shaqale, suit and text
LikeShow More Reactions
COMMENTS