CABAYS.COM
“Justitium” waa Erayga Cilmiga Siyaasaddu inta badan u isticmalaa Xaaladaha Degdegga ah
May 2, 2019 - Written by Cabays

Cabays Media – (Qoraal xul ah) –  “Justitium” Cilmiga Siyaasaddu eraygan ayuu inta badan u Cabays isticmaalaa xaaladaha degdegga ah ee degmo, gobol amma waddan la gu soo rogo (State of Emergency) wakhtiyada masiibooyinka dad sameega amma dabiiciga ahi dhacaan.

Masiibooyinka dad sameega ah waxa ka mid ah; colaadaha, amni-darrada, ku dhaqan la’aanta sharciga, xaal waaga mushkiladaha dhibka gaysta ee bulshada dhexdooda ka curta iyo weerarka ka dhanka ah ciidanka amma dilalka qorshaysan ee bulshada. Halka masiibooyinka dabiiciga ah si guud u yihiin qaar cimilo keentay ah oo ku yimaadda dabeecadda deegaanka.

Xaaladaha degdegga ah, dhammaan waa la ga isticmaalaa dalalka adduunka marka loo baahdo. Ujeeddada la ga leeyahayna waa in xaalad taagan oo dhib badan la ga ga baxo. Ma aha in xaalad la gu cakiro amma loo ga sii daro. Fahamkaasi ma aha mid siyaasi ah.

Su’aasha wakhtigan loo baahan yahay in la iska wayddiiyo xaaladda degdegga ah ee degmooyinka saddexda ah ee Gobolka Sanaag waa in ay sida tan u taal:-

Gobolka Sanaag ma u baahan yahay xaalad degdeg ah wakhtigan? Si aad su’aasha tan u ga jawaabto marka hore waa in aad wax badan ka ogtahay xaalka dhabta ah ee uu ku sugan yahay gobolku oo xag walba ah (amni, dhaqaale, adeeg).

Anigu waxa aan qabaa in bulshadu iswayddiiso sababta dhabta ah ee keentay xaaladda degdegga ah. Haddii la leeyahay Sanaag iyo degmooyinkiisu waa dhul nabdoon oo wanaag badani ka socdo oo taasi ay run tahay loo ma baahna xaalad degdeg ah. Haddiise xaalka runtiisu tahay in Sanaag ay wax ka qabasho amni u baahan tahay ceeb kuma aha in xaalad degdeg ah la gu soo rogo.

Haddii ay Sanaag amni fiican hesho, waxa kori dhaqaalaheeda, maskaxda dhallinteeda, adeegyada aqoonta iyo caafimaadka waxana fiicnaan doona guud ahaan nolosha iyo horumarka gobolka. Haddii amni jiri waayo se nololi nooc ay tahay sinaba u ga suuro-gali mayso Sanaag. Xaaladaha degdegga ahi (Justitium) waxa ay wanaajiyaan deegaannada xalkooda loo maaro waayo. Talow kuwaa Sanaag ma ka mid tahay?

Qore: Mohamed O. Hagi Mohamoud  Mo Haj

COMMENTS