CABAYS.COM
Liiska Qandaraasyada aan bireysneyn ee xaqdarada iyo qaraabo kiilka lagu qaatay mudadii Xukuumada Kulmiye dalka hagaysey. – Qalinkii C/raxman Fidhinle
November 14, 2016 - Written by Cabays

Cabays

 

Maqaal/qoraal:-

 

Fidhinle

Xukuumada Siilaanyo intii ay hogaanka dalka haleeshay waxay isku khaladay Qaranimadii iyo Qoysnimadii waxaana meesha ka baxday cadaalad u qaybintii midhihii  dawladnimo, waxaa baaba’ay xaq-dhawridii wada-lahaanshihii qaranimo, Waxaana dhinac u-ciirey oo weecsin iyo beegsin noqdey Qandaraasyadii.

Hantidii guud iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka oo dhan. Kadib markii ay Xukuumadu Xeyndaabkii Baananka JSL ku xareeysey Xawaaladihii ilma Jini boqor si loo caseysto oo loo lunsado Lacag dakhli dawladeed ah ama lacagaha deeqaha ah ee deeq-bixiya-yaashu JSl ku deeqaan.

Taasina waxay keentay in maanta S/land ay yeelado shaqsiyaad dhawaan dhalad ah oo ku taajirey naasnuujinta xukuumada mudo kooban oo 6 sanadood ah. Waxaa ishu qabatey Shaqsiyaad biyo dhiijiyey dheeftii iyo dha-dhankii yaraa ee shacabku wada lahaa. Shaqsiyaad mansabka ku ganacsada oo laba lisay amaanadii lagu aaminey.  Waxay arintani keentey in ay meesha ka baxdo yuhuuntii iyo wax-wada lahaanshihii dawladnimo ee loo sinaan lahaa anfaca,agabka, iidaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, Taas oo iyana meesha ka sii saartey in la is aamino  muxaafid ilaa mucaarid. Boowe ! Bal ufiirsada oo isweydiiya Qandaraasyadan hoose ee dhinaca ka rarmay sifihii lagu bixiyey iyo muskii iyo miscirirtii lagu gufeeyey:

1-Qandaraaskii Tababarista ciidankii Ilaalinta Shirkadaha shidaalka oo si xaqdaro ah loo ga qaadey Shirkada Weyn oo Mareykanka ah lana siiyey shirkad xabkeysan taas oo xaqdaro daraadeed u hirgeli wayday.
2- Qandaraaska Budhcad badeedka oo lacag badan lagu lunsadey oo gacan wadaag irmaan  weli ah .
3- Qandaraaska dhismaha Hargeysa Airport oo $ 20 million oo dollar lagu raamsaday oo nin lagu abaal mariyey shirkadana lagu sameystay.
4- Qandaraasyada qalabka Diiwaan gelinta muwaadiniinta- Mucaaridow sidee u aaminaysaan shirkad dawladu wax ku leeday? …. Waa yaab!
5- Qandaraaska Qalabka dib udhiska Wadooyinka dalka
6- Qandaraasyada qalabeynta ciidanka amniga ee qaranka
7- Qandaraaska Passporka wadanka E-passport
8- Qandaraaska Dayactirka Haamaha Shidaalka ee Berbera
9- Qandaraaska dayactirka iyo qalabeynta Dekeda Berbera
10-Qandaraaska Qalabeynta dhismaha  iyo Gaadiidka Madaxtooyada
11- Qandaraaska baahiyaha Shirkadaha Shidaalka iyo macdanta ka baadha JSL.
12- Qandaraaska Qalabka iyo Gaadiidka shirkadaha Shidaalka Baadha
13- Qandaraaska WFP-da ee Gobolada Bari
14- Qandaraaska soo iibinta iyo dayac tirka dhamaan Gaadiidka Hayadaha Dawlada
15- Qandaraaska Qalabka Komishan qaranka iyo kirada Gaadiidkooda

16- Qandaraaska dhamaan qalabka xafiisyada ee Hayadaha Dawalada

17- Qandaraaska cashuurta wado marista ( Road Tax )

18- Qandaraaska ( Public Finance management system oo 7 million lagu qaatay)

19- Qamdaraaska Parking ka Airporka Hargeisa

20- Qandaraaska Securitiga  Airport ka Hargeisa

21-  Qandaraaska dhamaan Saadka Hayadaha Dawlada

22- Qandaraaska dhismaha Xafiisyada Dawlada ( 19 xafiis )

23- Qandaraaska Dhismeyaasha Cisbitaalada JSL .gaar ahaan ka Sanaag iyo Laascanood (9 million project )

24- Qandaraaska Amniga (security ) ee Dekeda Berbera

25- Qandaraaska sifeynta  iyo tayeynta shidaalka Haamaha Berbera

26- Qandaraaska Dhismaha Wershada Hilibka ee Berbera

27- Qandaraaska Tayaynta  Baabuurta  ka soo degta Dekeda Berbera  oo Barlamaanku dirqi ku furdaamiyey.

28- Qandaraaska Laabka lagu baadho Dawooyinka Somaliland ( funded Sweden)

29- Qandaraaska Shifo ee qalabeynta iyo Dayactirka Cisbitaalka Ceerigaabo

30- Qandaraaska  Mobilada Gacanta ee dhamaan Madaxda hayadaha Dawlada.  Qaran bob

 

Waxaa mushtamaca reer Somaliland indhahooda ku daalacdeen in 30-kan qandaraas ee sare la siiyey laguna naasnuujiyey sife baalmarsan sharciga qandaraasyada ee qaranka shaqsiyaad ku xidhan ehelada xayndaabka madaxtooyada iyo shirkado sameys ah oo ay wax ku leeyihiin Wasiiradda ugu tunka weyn xukuumada. kuwaas oo hada ku gaafanoobey libqintii iyo laba liska dheeftii ay ka heleen ilihii dhaqaalaha ee wadanka .Waxaa laga dhawaajiyey in Qandaraasyadan badan ee  dhinaca ka raran aan Ganacsatada iyo shacabka Somaliland marna loo soo bandhigin si loogu tar tamo sife xalaal ah ( fair competition ) laakiin lagu bixiyey sife qaraabo kiil ah oo gacan wadaag ah oo qusum iyo qoon ah . Taas oo shacabka reer Somaliland ucadaysey in aan maanta loo sineyn Yuhuuntii iyo wada lahaanshihii midhihii dawladnimo, maadaama loo badheedhay in aan cadaalad lagu qaybsan manfaca, maganta moorada iyo muquunadii uu qaranku wada lahaa. Danta guud ee JSL waxay ku jirtaa badbaado qaran iyo in Qandaraasyada qaranka lagu bixiyo sife muraayad ah oo tar tan xalaal ah oo xalibnaan iyo Xisaabtan dawladeed uu ka danbeeyo.

Waxaan idiinku soo garoocayaa qormadan..   “Anigu Daaha Kama Rogin ee dadkuba wuu arkaayaa.”……… !!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.

COMMENTS