CABAYS.COM
Marxuun Cigaal: Jimce ku jimce 16 sano kadib – Geesi la tabayo
May 3, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Aragti Xul ah) Dareen Muwaadin: Ilayn maanta waxay ahayd Jimce ku beegan maalintii Jimacaha ahayd ee uu geeriyooday marxuun madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Allah ha u naxariisto’e!

Geeridiisu waxay dhacday Jimace 3dii May 2002-dii, waxa aan ka mid ahaa dadkii aaska qaran ee loo sameeyey ka qaybgalay iyo saxafiyiintii ka waramay waayihii dalku galay maalmihii geerida iyo aaskiiba. Runtii waxay ahayd geeridiisu mid murugo qaran maalintaa abuurtay.

Sidoo kalena waxay muujisay sida ay u dhidibo adkaatay JSL iyo nidaamkii dawliga ahaa ee uu aas aaskeeda lahaa marxuun Cigaal, taas oo geeridiisii dalku dhanka siyaasada noqday mid tusaalee cusub biixiyey, siiba sidii hufnayd ee xilkii uu baneeyeye marxuunku aayar loogu wareejiyey ku xigeenkiisii, Daahir Riyaale Kaahin.

Ogow waxa xiligaa dhibi shaxanayey ururo siyaasadeed oo ay ka mid ahaayeen:

Ururkii Asaad – oo uu hogaaminayey Saleebaan Gaal, oo mucaaradadii ugu adkayd xiligaa kula jiray

Ururkii Sahan – oo ay iskugu tageen siyaasiyiin culus oo dab iyo naasr-siyaasadee isku ahaayeen marxuunka. – ururkaa waxa ka mid ahaa madaxweynaha maanta Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Xaashi Cilmi, Cali Maxamed Warancade, Dr. Gaboose iyo kuwo kale oo badan.

Xubno ergo ahaa oo uu hogaaminayey Axmed Siiilaanyo oo isku dayey in ay isku soo dhaweeyaan Ururadaa iyo marxuun Cigaal oo Xisbigii UDUB hogaaminayey. Axmed Siilaanyo iyo rag badani xiligaa ma haybsanayn hogaanka dalka, ilaa geeridii Cigaal ka dib mooyaane.

Waxa aan xusuustaa sidii mar kali ah ay u dameen hugunkii siyaasadeed iyo aragti yihii siyaasiga ee aloosnaa iyo khilafkii oo mar qudha la waayey, walow ay jireen siyaasiyiin dareen gooni ka qabay sida deg dega ahayd ee xilkii madaxweyne loogu wareejiyey Daahir Riyaale Kaahin, kuwaas oo aan wareysi kula yeeshay Burco, oo uu waliba ka mid ahaa Saleebeen Gaal, maalin ka hor aaskii marxuunka, haddana uma badheedhayn in ay la soo yuururaan aragtidooda, waabay la gabanayeen.

Marxuunka waxa lagu xusuustaa dulqaadkii siyaasadeed iyo himiladii dawladeed ee uu dalka ku hagi jiray xili ay JSL ahayd dal yab yab ah oo ka soo doogay xaalado dagaal oo barakac, burbur iyo is-tuhuno xoogan ku raad reebay bulshada.

Marxuun Cigaal masalooyinkiisii siyaasadeed waxay noqon karaan kuwo lagu dhigto manhajyada siyaasada iyo siyaasiyiinta raad ku yeesha bulshada.

“Godka lagu janee geesi inaga dhasoo guul dhashuu ahaa”

Waa eryadii dheeraadka ku ahaa Quraankii iyo ducooyinkii dalkoo dhan looga akhriyey oo fanaaniinta Qaranka oo uu hogaaminayo Abwaan Xasan Ganay ku sabootiyeen marxuunka xiligii aaskiisa oo lagu garab aasay xabaashii aabihii Xaaji Ibraahim Cigaal.

Allah u naxariisto, Aamiin

Cabdillahi Maxamed Cali

Image may contain: Mohamed Abdillah Soofadhiiste, text
COMMENTS