CABAYS.COM
Maxaad kala socotaa sandaladaha saqiiray ee ka soo jeeda Somaliland
June 28, 2018 - Written by Cabays

Dhalan-gediga waayaha soomaalidu waxaa uu saamayn togan iyo mid Taban-ba ku yeeshay dhinacyo badan oo kamid ah dhaqanka iyo hidaha soo jireenka ah ee soomaalidu lahayd, haday tahay hab nololeedkoodi iyo dhaqan wadaagtii ay ahaan jireenba.

Waxaa la tirtiray tiirarkii ugu waaweynaa ee ay ku taagnayd nolosha dadka soomaalida ahi.

Walow taasi laga siman yahay ayaa hadana waxaa xusid mudan in meelaha ugu daran ee saamaynta baahsan uu ku yeeshay isbedelka Aadamigu keenay ay tahay dhanka hogaamiye dhaqameedka.

qormadeenan oo noqondoonta mid taxane ah qaybteeda ugu horeysa waxaynu sigaar ah diirada ugu saari doonaa isbedelada aan la mahadin ee ku habsaday dhanka madaxdhaqameedka somaliland.

Wakhtigii dhinac waliba fiyoobaa, beelaha waqooyi ama  somaliland ku nool oo kamid ah gobolada dadka wada dagani ay aadka u badan yihiin waxaa tirada madaxdhaqameedka ku nooli ay ahaayeen kuwo aad u kooban .

Dhamaan madax dhaqameedkaasina Suldaan ilaa Chief caaqil waxay ahaayeen kuwo ku yimi rabitaanka bulshada islamarkaasina ay ka dheer tahay dayaca, baahida, go’aan jilicsanaanta iyo ku dhex milanka siyaasada shaqadooduna waxay ahayd mid sal u ah Nabada iyo danaha beelahooda.

Bilowgii sanadii 2004 waxaa somaliland  ka bilaabmay olole magac samaysi iyo macaash doon ah oo lagu bartilmaameedsanayo sheegashada Hogaan dhaqan.

Waqooyiga ama somaliland markaad eegto ilaa waligeed iyo waaqeed Hogaamiyeyaasha dhaqan ee ka jirijiray waxay ka koobnaayeen, Caaqil, Cheif Caaqil, Garaad iyo Suldaan oo keliya.

Sanadii 2004 waxaa ololahaasi la kowsaday magacyo Cusub oo lagu ismay Cimaamadaha la huwado, kuwaasi oo ay kamid yihiin, Boqor, Malaaq, Ugaas,  Suldaan iyo qaar kaloo badan.

Cidkastoo magacyadan Cusub la baxdaana waxay ahaayeen kuwo iyagu taageerayaashooda, Jiibka iyo jaantaba iyagu isu sita oo aanay jirin Cid igmatay, Cid dalbatay iyo Cid diratay toona.

Shaqada madax dhaqameedkii soo jreenka ahayd waxay ahayd Nabad doonid iyo Derbi u ahaanshaha beelahooda oo cidii ay wax kala galaan  dhul iyo dhiig waxaa xalintooda loo daba fadhiyey madaxda dhaqanka oo u badnaa nin miyi oo maamuus iyo dhaqan u saaxiib ah.

Aadan Caydiid ” Yariisow”

COMMENTS