CABAYS.COM
QORMADA 2AAD: BARASHADA QAARADA AFRICA: WADANKA NIGERIA:
November 27, 2018 - Written by Cabays

Cabays Media  ( NIGERIA)Wadanka Nigeria waa wadan kuyaala (GALBEEDKA AFRICA). Wadankani waxa uu xad-lawadaagaa wadamo dhawr ah oo kala ah dhanka galbeedka waxaa uu xad kala wadaagaa wadanka (BENIN) ,halkuu dhanka bariga soohdin kala leeyahay wadaada (CHAD IYO COMAROON) ,dhanka waqooyina wadanka (NIGER) ,hadaba xeebta wadanka Nigeria waxa ay dhacdaa dhanka koonfureed ee gacanka (GUINEA) ee bada (ATLANTIGA) ,waa dawlad (FEDERALI AH) waxaanay ka koobantahay (36 STATE) .Nigeria
Caasimada wadanka Nigeria waxa looyaqaanaa (ABUJA) , wadanka Nigeria waxa guumaystay (INGIRIIS) waxaanay madax-banaanidooda guumaystaha kala soonqodeen ( 1, 10 , 1960).
Baaxada dhulka Nigeria waxa lagu qiyaasaa (923,768 KM2) ,waxaanu noqonayaa wadanka (32AAD) ee dunida ugu weyn . hadaba madax-taabasho lasameeyay 2016 dadka kunool wadanka Nigeria waxay noqdeen (186 MILLION OO QOF) waana wadanka qaarada Africa ugu dadka badan. Dadka Nigeria waxay qaarada Africa ka noqonayaan 18% dadka qaarada Africa kunool. Hadaba dadka reer-magaalka ah ee kunool wadanka Nigeria waa 48.3% halka dadka ree-iyiga ahi ay yihiin 57.7%.
Wadanka Nigeria waa wadanka (7AAD) ee dunida ugu dadka badan. Hadaba wadanka Nigeria wax aka-talinjiray boqortooyooyin iyo qabaa’ilo kumanaan sano kahor .balse hada nidaamnka dawladnimo ee cusubi waxa uu ka dhashay guumayastihii ingiriiska kaas oo xukunkiisa bilaabay qarnigii (19aad).
Fiiqa ugu dheer ee wadanka Nigeria waa (CHAPPAL WADDI) oo dhererkeedu yahay (7,936 ft). hadaba wabiyada ugu waawayn ee mara wadanka Nigeria waa wabiga ( NIGER IYO BENUE) , hadaba dhulka Nigeria wuu kala gadisanyahay cimilo ahaan (KOONFURTA FOG) ee wadanka Nigeria waxa looyaqaanaa ( TROPICAL RAIN FOREST CLIMATE) celcelis ahaana roobkeedu gaadho ( 60-80 INCHES) ,(KOONFUR BARI) wadanka nigeriana waxaa looyaqaanaa ( OBUDU PLATEAU) .
Wadanka Nigeria iyo wadanka USA waxa ay leeyihiin xidhiidh ganacsi oo xoogan oo udhaxeeya labada wadan . hadaba 30% dadka nigerianku waxay ka shaqeeyaan wax-soo-saarka beeraha.wadanka Nigeria waa wadanka (21AAD) ee soosaara (PERTOLKA) waana wadanka (8AAD) ee dhoofiya aduunka waxaanu shidaalku ka qayb-qaataa dhaqaalaha wadanka ama (GDP) 40%.
Wadanka Nigeria waxa uu leeyahay khayraad badan oo dabiici ah waxaana kamid ah(NUTURAL GAS, GOLD , PETROL ,LIMESATONE ,SINC,IWM) wadanka Nigeria waa wadan isku filaansho cunto gaadhay waaxana wadan wax-soosaar warshadeed leh .

DIIMAHA WADANKA NIGERIA :
38% WAA MUSLIMIIN
36% WAA CHRISTIAN
26% WAA WAX YAALAHA KALE AY CAABUDAAN WADARTOODA.

QOOMIYADA WADANKA NIGERIA:
1. HAUSA:
Hausuhu waa qoomiyada ugu weyn wadanka Nigeria waxaana lagu qiyaasaa inay yihiin (67 MILLION OO QOF) tiro ahaan wadarta wadanka waxa ay kayihiin 25% dadka Nigeria ,wadad isku dhaqan ah dhaaantooda waana dada(MUSLIM SUNNI AH ).

2. YORUBA:
Qoomiyada Yoruba waa qoomiyada labaad ee ugu balaashan wadanka Nigeria , waxaanay tiro ahaan kanoqonayaan wadarta wadanka 21% . hadaba dadka YORUBA waxa ay iskugu jiraan dad (MUSLIM AH IYO DAD CHRISTIAN AH)waxaanay leeyihiin dhaqamo badan.

3. IBGO:
Qoomiyada ibgo waa waxay kamid tahay qoomiyadaha kunool wadanka Nigeria , waxaanay haystaan diinta (CHRISTIANKA) tiro ahaan wadarta wadanka waxa ay ka noqonayaan 18%.

4. IJAW:
Qoomiyadani waa qoomiyad kunool agagaarka webiga NIGER ee wadanka Nigeria . waxay tiro ahaan wadarta wadnka kayihiin 10% dhulka ay dagaan qoomiyani waa dhul qani ku ah saliida.

5. KANURI:
Qoomiyadni waa qoomiyad dagta waqooyi bari wadanka Nigeria tiro ahaana wadanka waxay ka noqonayaan 4% qoomiyadni waa qoomiyad (MUSLIM SUNNI AH) deegaanadoodana waxaa dagan jabhada (BOKOHARM).

6. FULANI:
Qoomiyada Fulani ilaa iyo dagaalkii Fulani goortii uu dhacay (1804-1808) waxay kala guursadaan oo ay wada daganyhiin qoomiyada (HAOUSA) iskudarkoodana wadanka waxay ka noqonayaan 29% waana dad MUSLIM AH.

7. IBIBIO:
Qoomiyadani waa qoomiyad kunool koonfur bari Nigeria tirade dadkoodu waa (4.5 million qof) hadaba wadarta wadankana waxa ay kanoqonayaan 3.5% .

8. TIV:
Qoomiyadani waa qoomiyad beeralay ah tiro ahaana wadanka waxa ay kanoqonayaan 3.5% waana dad (CHRISTIAN AH) laakiin waxaa kujira( MUSLIM TIRO YAR).

9. OTHERS:
Inta soo hadhay qoomiyadhu wadanka waxa ay kayihiin 12% ( EBIRA ,EDO,GWARI,JUKUN,IYO IGALA)

seven-days-in-Nigeria-1021x580

COMMENTS