CABAYS.COM
QORMADA 3AAD: BARASHADA QAARADA AFRICA: WADANKA TANZANIA
November 29, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Mediatanzania-travel.adapt.1900.1

Wadanka Tanzania waa wadan madax-banaan oo kuyaala (BARIGA AFRIKA) waxaanu kamid yahay wadamada qaarada afrika ugu harooyinka badan. Waxa uu xad-lawadaaga dhawr wadan oo kala ah ,dhinaca waqooyi waxa uu xad kala wadaagaa labada wadan ee kala ah (KENY IYO UGANDA), dhinaca galbeed waxa uu xad kala wadaagaa wadamada kala ah (RWANDA,BURUNDI,IYO DEMOCRATIC REPUBLIC OF KONGO) ,dhanka koonfureedna wadamada kala ah (ZAMBIA ,MALAWI IYO UZAMBIQUE) dhanka barina waxa uu xad-kala wadaagaa (INDIAN OCEAN) .hadaba wadanka Tanzania waxaa kutaala buurta ugu dheer qaarada afrika ee looyqaana( KILIMANJARO) oo dherer keeduyahay (5,985M) kasaraysa heerka bada,buurtaasi oo dhacda waqooyi bari Tanzania.hqdefault

Ngorongoro Crater teems with life.
Caasimada wadanka Tanzania waxa alayidhaa (DODOMA) balse madaxtooyada iyo wasaaraduhu waxa ay kuyaalaan caasimadii hore ee (DARES SALAAM), hadaba baaxada dhulka Tanzania waxaa lagu qiyaasaa (945,087 KM2) , hadaba tanzania waa wadanka (13 AAD) qaarada afrika ugu weyn , sidoo kale waa wadanak (31AAAD) ee adduunka ugu weyn madax-taabasho la sameeyay 2016 dadka kunool wadanka Tanzania waxa ay noqdeen (57.57MILLION QOF) .wadanka Tanzania waxa uu ka koobanyahay (30 GOBOL).luuqadaha officialka u ah wadanka Tanzania waa ( Swahili iyo English).
Tanzania waxaa guumaystay (INGIRIIS) waxaanay madax-banaanidooda kala soo qodeen (DECEMBER ,9 ,1961). Hadaba lacagta laga isticmaalo wadanka Tanzania waa (TANZANIAN SHILLING),Tanzania waxa ay leedahay hal-xisbi kaas oo xukunka wadanku gacantiisa kujiro waxaana layidhaa (CHAMA ,CHA, MAPINDUZI) “CCM”
Laf-dhabarta dhaqaalaha wadanka Tanzania waa (WAX SOOSAARKA BEERAHA) 69% dadka tanzanianku waxa ay kashaqeeyaan beeraha ,halka 6.4% ay kashaqeeyaan warshadaha 26.6% waxa ay kashaqeeyaan adeegyada kale.
Wadanka Tanzania waxa laga soosaaraa badar aad ubadan cuntada ugu badan ee laga soo-saarana waa (ARABIKHIDA) 2015 waxaa lagu qiyaasay wax soosaarka arabikhida (5.17 MILLION TONNES).hadaba Tanzania wadamada ay xidhiidhka ganacsi leeyihiin waxaa kamid ah (ZWISERLAND 15% INDIA 13.8% ,SOUTH AFRICA 12.4% ,CHINA 7%,KENYA 6.2% ,KONGO 5.7%BELGIUM 5.6% ).
HAROOYINKA KUYAALA WADANKA TANZANIA:
HADARADA VIKTORIA:
Waa harada qaarada afrika ugu weyn waan harad labaad ee biyaha macaan ee aduunka ugu weyn. Waxaanay martaa seddex wadan oo kala ah
B) TANZANIA
T) KENYA
J) UGANDA
HARADA TANGANIKA:
Harada tanganika waa harada labaad ee ugu qotada dheer aduunka ,xaga mug ahaana waa harada labaad ee duunka ugu weyn, waxaanay biyaha ku shubtaa labada webi ee kala ah
(NILE IYO JINJA). Waxaanay kutaalaa afar wadan oo kala ah.
B) TANZANIA
T) DRC
J) BURUNDI
X) ZAMBIA
HARADA NYASA /( HARADA MALAWI)
Harada Nyasa ama malwi waxay kutaalaa seddex wadan oo kala ah
B) TANZANIA
T) MALAWI
J) MUZAMBIQUE
HARADA RUKWA
HARADA EYASI
HARADA NATRON
HARADA MANYARA
HARADA BURIGI
HARADA BALANGIDA
HARADA JIPE
HARADA BABATI
HARADA AMBUSSEL
HARADA CHELA
DIIMAHA WADANKA TANZANIA:
60% WAA CHRISTIAN
36% WAA MUSLIM
2% DIIMO DHAQAMEED
1% WAA BILAA DIIN
QOOMIYADAHA WADANKA TANZANIA:
Wadanka Tanzania waxaa kunool boqol qoomiyadood oo kala duwan waxaanay kalayihiin:-
SUKUMA:
Qoomiyada sukuma waa qoomiyad asal ahaateedu tahay bantu,waana qoomiyada ugu badan wadanka Tanzania tiro ahaana waxa ay kanoqonayaan wadanka Tanzania 16% .sukuma macnaheedu waa dadkii waqooyiga degi jiray waxaanay ku dhaqanyihiin waqooyi galbeed wadanka Tanzania waxaanay ku hadlaan LUUQADA SUKUMAHA.
NYAMWEZI:
Qoomiyadani waa qoomida labaad ee ugu badan wadanka Tanzania tiro ahaana wadanka waxay ka noqonayaan 15% qoomiadani waxa ay usoo haajireen wadanka Tanzania markii dadka bantu gu kazoo hayaameen dhulka harooyinka hodanka ku ah ee badhtamaha Africa.
Waxaanay qoomiyadani ku filiqsantahay labada gobo lee (TABARA IYO SHINYAGA) qiimiyadan luuqadoodana waxa layidhaa (KINYAMWESI) waxaanay ka koobanyihiin afar qabiil dhaqankooduna wuu kala duwanyahay.

CHAGGA:
Qoomiyada chagga waa qoomiyad dagta koonfurta wadanka Tanzania agagarka buurta (KILIMANJARO) waana qoomiyada seddexaad ee ugu balaadhan wadanka Tanzania ,dadka chagga waa dad hawl kar ah waana dad beeralay ah .
Waxaanay haystaan (CHRISTIAN IYO MUSLIM) ,luuqadoodana waxa layidhaa (KICHAGGO).
HAYA:
Qoomiyadani waa qoomiyad dagta gobolka (kagera) luuqadooda waxaa layidhaa (HAYA),qoomiyadani waa qooiad leh xirfada birta ,balse hada waxay isu badaleen beeralay.
Waxaanay haystaan (CHRISTIAN IYO MUSLIM).
HADZA:
Qoomiyada hadza waa qoomiyad dagen waqooyiga Tanzania agagaarka harada(EYAZI) ,qoomiyani waa qoomiyad asal ahaanteedu tahay ugaadhsato,iyo qadhaabato.
MAASAI:
Qoomiyada masai waa aqoomiyada asal ahaa (NILOTIC) ah waxaanay daganyihiin (TANZANIA IYO KENYA) , dadka maasai gu waa dad qani ku ah taarikhda iyo suugaanta.
OGAYSIIS: balse waxaa jira wadankaa oo kabuuxa qoomiyada badan oo dhalad ah ama asalkii dadkii Tanzania ah kuwaas oo tiro ahaan yar .
Waxaa kale oo wadanka jooga (EUROPEAN ,ESIAN CARAB), kuwaas oo qaar guumaystihii ka hadheen kuwa kalena xidhiidhkii ganacsiga ee qadiimiga ahaa.

DIYAARIYE : ADAN CUMAR XUSEEN.

 

COMMENTS