CABAYS.COM
QORMADA 4AAD: BARASHADA QAARADA AFRICA: WADANKA ANGOLA:
December 4, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media(Angola)NEW_JCDecaux_African_Presence_Map_-_Angola
Qaranka Angola waa waddan kuyaala africada koonfureed. Angola waa wadanka TODDOBAAD ee qaarada Africa ugu wayn waxaaanu xad-lawadaaga dhawr wadan, dhanka koonfureed waxa uu xad kala wadaagaa wadanka (NAMIBIA) ,dhinaca waqooyi (DEMOCRATIC REPUBLIC OF CONGO AMA CONGO DR) , Dhanka barina waxa uu soohdin kala wadaagaa wadanka (ZAMBIA) , Halka dhanka galbeedna ay soohdin wadaagaan bada atlantiga ama(ATLANTIC OCEAN). Halkay wadanka koongana kala wadaagto xadka muranku ka taaganyahay ee(CABINDA).
Caasimada wadanka Angola waa (LUANDA) , luuqadaha lagaga hadlo wadanka Angola waa (BURTUQIIS) laakiin waxa jira lix luuqadood oo ah luuqadaha uu wadanku leeyahay oo lagaga hadlo wadanka Angola oo kala ah,( KIKONGO ,CHOKWE,UMBUNDU,NGANGUELA,KWANYAMO) . hadaba nooca nidaamka dawladnimo ee wadanka Angola waa (UNITARY –DOMINANTY-PARTY PESIDENTIAL CONSTITUTIONAL REPUBLIC). Ama dawlad dastuuri ah madaxwaynuhu utaliyo kunatimi hab xalaal ah ama hab doorasho.
Wadanka Angola waxaa guumaystay (Portuguese) waxaanay madax-baanidooda kala soo nqodeen guumaystaha (11, NOVEMBER ,1975). Hadaba cel-celis ahaan baaxada dhulka Angola waxaa lagu qiyaasaa(1,246,700km2)(481,400 sqmi).
Tirakoob madax-taabasho ah oo lagu sameeyay wadanka Angola dadka kunooli waxay noqdeen (25.8 MILLION qof). Hadaba lacgta laga isticmaaalo wadanka Angola waa (KWANZA AOA). Wadanka Angola waxa uu ka koobanyahay (18 gobol) hadaba Angola waa wadanka 23AAD EE DUNIDA UGU WAYN.
Angola waa wadan qani ku ah khayraad badan oo dabiici ah kana mid yihiin( DHEEMANKA,SALIIDA ,DAHABKA,COPPERTA ,IYO XAYWAANKA DURJOOGTA AH).
Wadanka angola waxa kajira diimo badan oo lagu qiyaaso ilaa (1000) diimood hadaba waxaa ay dadka badankoodu aaminsanyihiin (CHRISTIAN IYO ROMAN CHATOLIC).
QOOMIYADAHA KUNOOL WADANKA ANGOLA:images
1. OVIMBINDU : qoomiyadan luuqadoodana waxaa layidhaa (UMBUNDU) waana 37% ayay kayihiin wadanka xaga tirada ,hadaba qoomiyadni waa qoomiyad asal ahaanteedu tahay (BANTU) waxaanay dagaantahay badhtamaha Angola ,koonfurta iyo buuralayda angola waana dadka ugu badan wadanka angola.
2. AMBUNDU :qoomiyadan luuqadoodana waxaa looyaqaanaa (KIMBINDU) tiro ahaan ama badnaansho ahaan wadanka waxay kayihiin 23% waana qoomiyada labaad ee ugu badan wadanka Angola qoomiyadani waa qoomiayd (BANTU)asal ahaana waxaynay dagaantahay waqooyi galbeed iyo agagaarka wabiga (KWANZA) luuqadooduna waa luuqada qaranku ku hadlo.
3. BAKONGO: qoomiyadani waa qoomiyada seddexaad ee ugu badan wadanka Angola waxaanay tiro ahaan kayihiin xaga badnaanshaha 13% waxaana lagu magacaabaa kuhadlayaashii luuqada (KIKINGO).
4. CHOKWE,OVAMBO,GANGUELA,XINDONGA,: wadar-tooda qoomiyadahaasi waxa ay iyaguna wadanka kayihiin 32% .
5. MESTICOS: oo ah qoomiaydo yurubian iyo Africana iyaguna wadanka waxa ahy kayihiin 2%.
6. CHINES ku wadanka waxa ay kayihiin 1.6%
7. YURUBIAN KA daganina waa 1%
Waxaaana lasaadaalinayaa inay dadka angoola kobacoodu gaadho 60 MILLION 2050.

DIYARIYE :ADAN CUMAR XUSEENdownload (2)

COMMENTS