CABAYS.COM
SAAXIIBADAY WAXA AAN KA DOOR BIDAY, IN AAN DHOWRO SHARCIGA IYO SHARAFTA SOMALILAND.
July 20, 2018 - Written by Cabays

.

SAAXIIBADAY WAXA AAN KA DOOR BIDAY, IN AAN DHOWRO SHARCIGA IYO SHARAFTA SOMALILAND.

Hadalku waa Run kama raystee, Farmaajo waxa aan aqaanay ilaa markuu Dugsiga Dhexe ku jiray.

Dugsiga Sare ayaan ku jiray.Saaxiibkay oo aanu isku fasal ahayn oo la yidhaahdo Abdillahi Yusuf ayaa is kaayo baray.

Aniga, Abdillahi iyo Farmaajo aqoon dhallinyaro uun baa naga dhexaysay.

Abdillahi iyo Anigu waanu ka waynayn Farmaajo.Waxa uu soo galay Dugsigii Sare ee aanu ka baxnay.

Abdillahi Yusuf, wax ay ahaayeen xigto, Farmaajo Reerkooda ayaa dhalay, lakiin isagu Reer Puntland ayuu ahaa.

Jaamicadda ka dib, Abdillahi Yusuf, Macallin ayuu u noqday Farmaajo isla Dugsigii sare ee aanu ka baxnay isagoo ku jira. Aniga waxa la igu qoray Wasaaraddii Arrimaha Debedda. Markaan ka tegay Wasaaradda Bishii September 1980, ka dib ayay Labadoodu yimaadeen Wasaaraddii. Isku mar se may iman.

Mar danbe ayaa Labadoodii la geeyay U.S.A. Midna New York, ka kalena Washington. Haddana Maraykan ayaan ku kulanay Abdillahi Yusuf. Dabayaaqadii 80s kii. Anigu markaa Mucaarid baan ahaa, taageera S.N.M. Farmaajo maanu xidhiidhi jirin, Anagoo Magaalo wada joogna.
Abdillahi isaga Saaxiib isku xidhan baanu ahayn. Farmaajo waa Madaxwayne Maanta. Abdillahi Yusuf waa Gacanta midig ee Farmaajo. Waana Madaxa Protocol ka Madaxwaynaha. Weli sidii bay isugu xidhan yihiin ogaantay.

mO yASSIN

Markii uu Farmaajo yimi London, Abdillahi Yusuf waxa uu iga codsaday in aan arko Farmaajo. Waan diiday in aan arko, aniga oo dhawraya Sharciga Somaliland oo aan doonayn in la igu Sawiro. Waxa aan ka mid ahay Xisbi Qaran, waxa aan ahaa Wasiir hore, waxa aan ka dhashay Reer lala daba taagan yahay Shaabad Soomaaliwayn.

Waxa aan Xigto nahay Musharaxii Madaxwayne ee Waddani. Ma jirin wax Mansab ah oo aan ka doonayay Somalia.

Anigoo intaa tix gelinaya ayaan diiday in aan soo Salaamo ama aan la kulmo Saaxiibkay oo Madaxwayne ah.

Abdillahi Yusuf waan casuumay, si aan waayo waayo ugu sheekaysano iyo Yaraantayadii. Waxa uu mar labaad iga codsaday in aan u tago Madaxwaynaha.  Waxa aan faray in uu igu Salaamo, Cudur daarna iiga geeyo.

Haddii Hunguri Xamar iga hayo, Saaxiibaday oo labadan ka badan bay Maqaaxida Xamar u shidantahay.

Waa Magaaladii ilaa Laba (2) jirkaygii aan ku dhaqmay. Doorashadii oo nala boobay, oo Gardaro la igu xidhay, oo aan aad u cadhaysnahay ayaa si walba la iigu Gacan haadiyay in aan Xamar imaado. Maan yeelin, waxa aan Aaminsanahay Jiritaanka iyo Qarannimada Somaliland. Waxa ii sii muuqda Halgankii S.N.M.

Marna kuma fikirin in aan khiyaameeyo kuwii u naafoobay ama u dhintay.

MADAXWAYNAHA SOMALILAND WAA IN UU DHOWRAA SHARCIGA UU U DHAARTAY.

WAANA IN UU JOOJIYO, DHUUMASHADA DHABARKU MUUQDO IYO KHIYAAMADA QARAN.

HADDII KALE WAXA DHICI DOONTA IN NIN WALIBA MEESHA UU XAMAR KA GELI KARO UU KA GALO.

TAASINA MA AHA NATIIJO AY AY SUGAYEEN SHACABKA SOMALILAND.

 

Qore: Maxamed Yaasiin Xasan

Xubin Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani, ahna madaxda sare ee xisbiga

COMMENTS