CABAYS.COM
Shirkada SKA Internationbal Groups Maxay u timi Somaliland??
April 21, 2017 - Written by Cabays

Cabays

 

(Cabays Media)-  Maqaal:-

 

HORUDHAC

Waxaan Shacabka Reer Somaliland daaha uga faydayaa in shirkada SKA international groups aanay aheyn shirkad maalgashade ah ee ay tahay Shirkad macaash-doon ah oo ugaadhsata Qandaraasyada dalalka dagaalada sokeeye ragaadiyeen ee nabad-gelyadoodu xun tahay iyo dalalka xooga badan ay ku leeyihiin argagixisada aduunka khatarta badan ku haysa. Shirkada SKA international groups waxay qandaraasyo aan badneyn ka qaateen ilaa iyo 7- 8 wadan taas oo qandaraasyadaa qaarkood ay yihiin gacantii labaad ama (sub-conturcts) aan buurneyn waxaana wadamadaas ka ka mid ah kuwan hoos ku taxan:

1- Ciraaq iyo Kurdistan
2- South Africa iyo South Sudan
3- Ugaandha iyo Somalia
4- Afghanistaan iyo Kwuit
Iyo dalka imaaraatka (UAE) oo Gegidiisa Dayaaradaha ( RAK International Airport ) ay Qandaraas ku qaadatay in ay shidaalka siiso Dayaaradaha, shandadahana rarto.

Hadaba Su’aasha lays waydiinayaa waxaa weeye – Waa maxay Qandaraasyada iyo howl-galada ay shirkadani wadamadan sare ay ka wadaan ?
Shirkadan SKA International groups waxay ku howlan tahay oo shaqadeedu ku soo ururtaa 6-dan qaybood ee hoose :

1- Keydinta, maamulida iyo qaybinta shidaalka dalalkaas qaybo ka mid ah (fuel storage and supply chain management )
2- Maamulida, agaasinka iyo maareynta qaar ka mid ah Madaarada madaniga ah iyo kuwa ciidamada ee dalalkaas ( Aviation Services )
3- Qaybinta iyo daabulaada saadka Ciidamada iyo xamuulka culus ( Ground logistics and Cargo air transportation)
4- Dhismaha Garoomada, Hangarada keydka iyo saldigyada ciidamada kala duwan ( Warehouse and Camp Construction )
5- Waxay kireeyaan Dayaaradaha qumaatiga u kaca, kuwa xamuulka iyo kuwa dadka qaada ( Helicopter operations, Cargo Air transportation and Passenger Aircrafts)
6- Waxay sugaan Amaanka iyo nabadgelyada goobaha ay ka hawlgalaan dhinac kasta gaar ahaan Madaarada iyo Goobaha shidaalka ( Security Services )

Waxaa in intaa u sii dheer, maadaama ay shirkadani ka hawl-gasho wadamo khatartoodu aad u sareyso waxay dersaan oo baadhaan khataraha ku xeeran dalalka iyo degaanada ay ka hawlgalaan Waxaana ay sameeyaan baadhitaano culus oo isdabo joog ah (Dynamic risk-assessments ) iyaga oo khatar kasta oo ay helaan sugaaya oo xakame u sameynaaya ( preventative measures )

UBUC
Hadaba Shirkada SKA international Groups maxay waqtigan kala guurka ah ay Somaliland u timi ee ay ka rabtaa ? Muxuuse Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Siyaadadda Somaliland iyo Siyaasadii Xisbigiisaba ku fashilmay uu u hor-boodayaa ? Boowe ! Xaalku Waa Aan ka Fuudee, Allow Fii Haa !! Allow Fii Haa !!

Ilo wadareedyo warkooda loo wanqalo oo udhuun-daloola qandaraasyada shirkadani ka rabto Somaliland ayaa noo xaqiijiyey in shirkada SKA international Group ay Somaliland iyo shirkada DPWorld ee Dekeda Berbera lagu wareejiyey ay ka raajicinayso qandaraasyo badan iyo Mashaariicdan hoose:

1- Waxay Somaliland ka raajicinaysaa in ay maamulka iyo maareynta Madaarka Cigaal international airport kala wareegaan mudo dheer.
2- Waxay Doonaysaa in ay qaadato qandaraaska dhismaha ee labada saldhig ee Milatary ee Berbera looga dhisi doono Ciidanka isbahaysiga Carbeed.
3- Waxay doonaysaa in ay qandaraas ku qaadato in ay dhisto Hangarada keydka saadka ee Freezone ka ee magaalada Berbera laga dhisi doono
4- Waxay rabtaa kuna riyoonaysaa in ay qaadato dhamaan qandaraasyada Balaadhinta Dekeda berbera
5- Waxay rabtaa in ay qaadato Qandaraaska dhismaha Gegida Dayaaradaha ee Berbera laga dhisi doono
6- Waxay doonaysaa in ay hesho lana wareegto dhamaan keydinta, daabulaada iyo qaybinta Xamuulka culus ee dalka yimaada bad iyo beri ba.
7- Waxay rabtaa in ay la wareegto dhamaan sugida amniga aagaga muhiinka ah ee dalka sida Madaarada, Xeebaha iyo Dekedaha.
8- Waxay raajicinaysaa in ay la wareegto dhamaan keydinta ,maamulka iyo qaybinta shidaalka dalka yimaada oo dhan.

– Waxay mushtamaca reer Somaliland ula muuqataa in ay shirkada DPWorld ay sife gacan -wadaag ah (Duoploy) ay shirkada SKA international Group ay u qaybsan doonaan ilaha dhaqaalaha ee dalka oo dhan, kuwaas oo sii sameyn doona shirkado yar yar oo sameys ah sida shirkada ” ilma jinni boqor” oo ay iyagu maamuli doonaan si ay u qaybsadaan dhitada iyo dhamayda dalka oo dhan. hadii ay arintani suurto gasho waxaa meesha ka baxaaya dhamaan qandaraasyadii yar- yaraa ee reer Somaliland ka heli lahaayeen shirkada DPW, waxaa Iyana afka-udhacaaya shaqaale hoosaadkii ka xoogsan jiray Dekeda Berbera iyo Madaarada Somaliland.

GEBA-GEBO : Shirkada SKA international Group waa shirkad macaash-doon ah oo qandaraasley ah, Taas oo dabo xagafsanaysa hada Shirkada DPWorld si ay uga hesho qandaraasyo badan oo isugu jira dhismeyaal, maareyn iyo maamulba..Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Ali Waraabe markii uu ku fashilmay in uu la yimaado Xilgudasho taam ah iyo rayi sameyn siyaasadeed oo cokan ayuu u xuubsiibtay Dilaal la shaqeysta Kooxda yar ee ku caanka baxday in ay wada Jumladaan Johoradii dalka oo dhan.Taariikhda Somaliland waa markii ugu horeysay ee Gudoomiye Xisbi qaran oo mucaarid ahi uu dilaal iyo malaal isu bedelo. Waxaana isha lagu hayaa surimadda uu ka aroori doono iyo halka Faysal iyo shirkadaa uu Dilaalka u yahay ee uu ka soo qayd xanbaartay Muqdisho ay isla maraan.

Anigu Daaha kama rogin ee dadkuba wuu arkaayaa ! Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey-geyso !!!
Source : SKA international Group Websites .
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

COMMENTS