CABAYS.COM
Sir culus – Qorsheyaasha is-jiidhsan iyo Danaha is-hirdiyaya ee ku jihaysan JSL iyo Ruushka oo Ictiraaf……..
December 23, 2016 - Written by Cabays

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Siilaanyo oo aan doonayn in magacooda la shaaciyo ayaa debedda soo dhigay sir culus oo ku saabsan in waddan ka mida 5-ta joogtada ah ee Golaha Amaanka in ay wefti usoo direen Somaliland una soo bandhigay in Somaliland ay ictiraafi doonaan iyo masuuliyiintii la shiray waftigaa oo is hortaagay soo jeedintaas loogu yaboohay in Somaliland ay ictiraaf buuxda hesho. Xogtii aanu heley oo faahfaahsani waatan hoos ku qoran.

Xogtan sirta ahi waxay odhanaysaa; dhamaadkii sanadkii 2015, waxa shiray golaha amaanka ee dawlada Federaalka ee Ruushka oo uu gudoominayay, Madaxwaynaha dalkaas, Vladimir Putin, waxa xogtu sheegaysaa in shirkaa lagu lafa guray sidii Ruushku u heli lahaa Saldhig Meletari oo labeeya ka uu ku leeyahay magaaladda Darduus ee dalka Suuriya. Wuxuu Ruushku is tusay in uu u baahan yahay Saldhig Hindiya ka dhow oo maraakiibtiisa gacanka cadmeed joogtaa ay shidaalka iyo saanadda ka qaataan kuna nastaan. Waxa ay u arkaan in wadamadda reer galbeedka (amase bahda NATO), oo hadda xidhiidhkoodu sii xumaanaayo, maalinba maalinta ka danbaysa, ay sodomeeyo saldhig oo isugu jira cirka, badda iyo berigaba ku leeyihiin Bariga dhexe iyo dalalka kale ee istiraatijiga ah ee ku xeeran gacanka cadmeed. Waxay saldhigyo waawayn ku leeyihiin, Turkiga, Jordan, Ciraaq, Kuwait, Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Qadar, Cumaan, Afgaanistaan, Jabuuti, ..iwm, Waxa kale oo ay joogaan, badaha ku xeeran oo dhan; bada madow, badda cad, badda cas, gacanka cadmeed, badwaynta Hindiya, bada carabta iyo khaliijka carabta. Sidaa awgeed, waxa shirkaa lagu lafa guray, iyadoo il-gaara lagu eegayo xidhiidhka sii xumaanaya oo isu bedeli kara iska-horimaad hubaysan ama dagaal, in arintaasi tahay khalkhal wayn oo amaanka iyo danaha istiraatiijiyadeed ee dawlada Ruushka wax u dhimasysa isla markaana ay tahay in si deg-dega wax looga qabto lana helo saldhigyo meletari oo cusub.

Waxa xogtu sheegaysaa in shirka lagaga hadlay Saldhigii magaalada Berbera ee Soofiyeet ku dhisay xiligii dagaalkii qaboobaa, iyadoo loo arkay meel aad u istiraatiijiya oo kulaalaysa saldhiga Maraykanka ee Jabuuti una dhaw badwaynta Hindiya iyo Khaliijka iyo badda cas intaba. Waxay falanqeeyeen caqabadaha ka hor iman kara sidii ay saldhigaa u heli lahaayeen, iyo shuruudaha suurtagalka ah ee Somaliland ku xidhi karto, oo ay u arkeen inay ugu wayn tahay, inay Somaliland shardi ka dhigto in Ruushku ictiraafo Somaliland. Waxay ka doodeen, hadii ay Somaliland ictiraafaan, wax dhibaata ah oo kaga iman kara arintaa, waxayna u arkeen in ay ka cadhaysiinayso oo keliya dalalkii ay marka horeba iska soo horjeedeen iyo Koonfurta Soomaaliya oo aanay jirin waxay yeeli karaan dalka Ruushka, gabagabadiina waxa loo arkay fursad aad u qaaliya oo aan la dayici karin.

Waxaa Golaha amaanka ee Ruushku go’aansaday in wefti, arinta kala hadla, loo diro Somaliland, waxana u qorshaysnaa in hadii Somaliland shardi ka dhigto in Ruushku ictiraafo, la ictiraafo islamarkaana lagu qanciyo dalalka ay Ruushka bahwadaagta yihiin in ay iyaguna ictiraafaan. Waxa kale oo la falanqeeyay cadaadis reer galbeedka kaga iman kara Somaliland oo ay ka mid tahay inay joojiyaan caawimada kooban ee la siiyo Somaliland ee loo mariyo hayadaha UN-ta iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo waxa laga yeelayo. Waxa ay ku qiyaaseen caawimadda sanadkii soo gasha Somaliland marka la isu geeyo, ugu badnaan, 100 milyan oo doolar. Waxa xogtu odhanaysaa, waxa Ruushku go’aansaday in miisaaniyadda Somaliland lagu kabo 1 bilyan oo doolar sanad kasta, si aan dhinacaa cadaadis looga saari Karin.
Xogtu waxay leedahay, waxa Ruushku usoo diray Somaliland wefti qarsoodi ah, waxana ay la kulmeen shan wasiir oo madaxwayne siilaanyo u xilsaaray inay la kulmaan weftiga waxay u socdaana ka soo talo bixiyaan.

Shir albaabadu u xidhan yihiin ayaa weftigii Ruushku ku soo bandhigeen waxa ay rabaan iyo waxa ay doonayaan inay Somaliland u qabtaan ee ay kaga bedelaynayaan Saldhiga Meleteri. Jawaab celintii wasiiradda waxa nuxurkeedu ahaa saldhig meleteri hadii aanu idin siino waxay keeni kartaa in dalalka reer galbeedka qaarkood arintaasi ka cadhaysiiso oo nala coloobaan, markaa maxaanu faa’iidaynaa? Waxa u jawaabay madaxii weftiga Ruushka oo yidhi; “24 sano ayaa reer galbeed idin ictiraafi la’yahay, hadana uma jeedaan inay idin ictiraafaan, anaguse waanu idin ictiraafaynaa oo 45 dal oo aan siyaabo kala duwan bahwadaag u nahayna waxaanu ku qancin karnaa inay idin ictiraafaan, waxaanu ognahay in reer galbeedku aanay idinka caawin kaabayaasha dhaqaalaha si hufan, waxay idinku caawiyaan oo dhana hadii la isku wada daro aanay gaadhayn 100 milyan oo doolar sanadkii, hadii heshiis iskaashi anynu wada gallo waxaanu idinka caawindoonaa kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta Dekedaha, Garoomada Dayaaradaha, Wadooyinka, korontada, Guryaha dowlada, Wershadaha kala duwan ee ku salaysan wax-soosaarka dalka, mashaariicda shaqa abuurka dhalinyarada, soo saarida iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka sida shidaalka iyo macdanta iyo horumarinta kaydadka kala duwan ee dalku u baahan yahay, sida kaydadka cuntooyinka iyo dawada daruuriga ah (mudo aan ka yarayn 5 sano) iyo kaydka shidaalka, waxaanu idinka iibsanaynaa xoolihiina. Hadii ay idinka idinla noqoto waxaan geli karaa heshiis difaac wada-jira, waxaanu idinka caawinkaraa dhisida Ciidan iyo Boolis tayo leh oo ku hubaysan qalab casri ah oo heer caalami ah, waxaan iska kaashan karaa horumarinta wershadaha meleteriga, si qalabka ay u baahanyihiin intiisa badan loogu sameeyo dalka gudihiisa. Waxaanu doonaynaa in aynu noqono laba dowladood oo danahooda iska kaashada si siman oo ku salaysan heshiisyo”. Madaxii weftiga dalka Ruushka wuxuu ku soo gabagabeeyay in ay diyaar u yihiin wax kasta oo ay Somaliland doonayso iyaguna ay rabaan oo keliya in Berbera Saldhig kooban (oo aan waynayn) laga siiyo. Xubnihii wasiiraddu waxay weftiga Ruushka u sheegeen in arintani u baahantahay inay iyaga iyo madaxwaynuhu ka wada tashadaan laba maalmood gudahoodna ay ku soo war celindoonaan.

Xogtu waxay odhanaysaa, Sadex saacadood kadib, waxay arintani markiiba gaadhay dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska oo caasimadahooda arintii lagu gorfeeyey markiiba. Waxa xogtu odhanaysaa, wasiirada Somaliland ee la shiray weftiga oo u badnaa qurba-joog, ayaa mid waliba wadankii uu sharicigiisa sitay uu u gudbiyey arintii weftiga Ruushku la yimi, dalalkii reer galbeedka ee xogta helayna waxay ku dhiirigeliyeen wasiiradii Somaliland inay weftiga Ruushka iska diraan oo ay u sheegaan in arintani u baahantahay wadatashi dheeraada, sidaa awgeedna ay iska noqdaan oo ay marka ay wadatashigooda dhamaystaan ay soo wargelin doonaan ama wefti usoo diri doonaan.

Xogtu waxay odhanaysaa, weftigii Ruushku markii uu noqday, waxa wadamada reer galbeedka oo ay ugu horeeyaan Maraykan iyo ingiriis u xilsaareen dowlada Imaaraadka Carabta, gaar ahaan imaaradda Dubay, inay Somaliland wadahadal la furto si deg-deg ah laaluush farabadan oo qarsoodi ahna la siiyo wasiiradda Somaliland ee arinta ku lug lahaa, kuna qanciyaan in Imaaraadka Carabta laga siiyo Berbera Saldhig meleteri , Dekeda Berberna ay maamulaan, Haamaha shidaalkana lagu wareejiyo oo ay balaadhiyaan, iyo arimihii kale ee ku qornaa heshiiskii lala saxeexday shirkadii DPW ee ummadu wada daawatay sifihii afduubka ahaa ee loo marsiiyey Golaha Baarlamaanka JSL. Sida xogta ka muuqata waxa ujeedadu ahayd in shirkada DPW ay ka hortagaan qorshaha Ruushka oo ay curyaamiyaan, islamarkaana aan dalalka reer galbeedka ah oo UAE iyo Ethoipia isticmaalayaa aanay iyagu marna meesha ka muuqan.

Xogtu waxay odhanaysaa, Ruushku wuxuu isaguna ogaaday in arintii dalalka reer galbeedku ogaadeen, qorshihiisiina la curyaamiyay wadan carbeedna loo xilsaaray. Wuxuu soo diray markale wefti uu hogaaminayo xubin ka tirsan Golaha Guurtida ee Federaalka Ruushka oo muslin ah oo ka soo jeeda Shiishaan ahna ku xigeenka gudoomiyaha gudida arimaha debeda ee golaha guurtida dalka Ruushka oo lagu magacaabo Ziyad Sabsabi, wuxuuna Ziyad keenay 240 ton oo caawima ah oo loogu talagalay dadka baahan. Xogtu waxay odhanaysaa, arinta ugu weyn ee odayga guurtida ahi u yimi JSL waxay ahayd in uu dareensiiyo Somaliland inay ogyihiin waxa socda, iyo in wasiiraddii weftigooda la kulmayna ay dalalka reer galbeedka gaadhsiiyeen xogtii ay ku wada hadleen, wax ay ku doorsadeena aanay jirin, wadamada carabta iyo reer galbeedkuna aanay diyaar u ahayn inay Somaliland ictiraafaan, iyo inay caawimo dhaqaale oo wax-ku-ool ah siiyaan midna, wuxuu si cad Somaliland ugu sheegay in qorshaha reer galbeedka iyo carabta ay adeegsanayaan uu yahay in Somaliland meel dhexe lagu hayo oo la takooro oo laga dhigo dal xilikasta u baahan iyaga. Xogtu waxay fasiraysaa halka ay salka ku hayso danaynta dalka Imaaraadka Carabtu UAE iyo sababta ay gurada JSL ay usoogaleen iyada la ogyahay in Ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaanba ay had iyo jeer ku xidhan yihiin wadamadda reer Galbeedka oo ah cida ay u adeegayaan maanta. Waxay xogtu fasiraysaa qorshayaasha is-jiidhsan iyo danaha is-hirdiyaya ee ku jihaysan Somaliland 30 sanadood ee soo socda.

Waxa kale oo intaaba ka khatar badan oo ay xogtu ka dhawaajisay in Wasiiradii u dhaartay dalka ay khiyaamo qaran ku kaceen oo ay u shaqaynayeen dowlado kale oo ay beryo ku noolaan jireen oo ay Passaporadooda sitaan. Waxa kale oo xogtu fasiraysaa sababaha magacaabidii madaxwayne Siilaanyo u magacaabay Wiilkii uu sodoga u ahaa inuu noqdo Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta. Waxa kale oo xogtu sheegaysaa, in Wasiiradii arintaa ka hawlgalay ee wax ka ogaa ay Imaaraadka Carabta ka qaateen lacago fara badan oo jeebabkooda si toos ah ugu dhacay, inta ugu badana ay la huluusheen xayndaabka madaxtooyadda.Xogtu waxay daaha ka fayday waxyaabo badan oo aan ka faaloodkeeda u dayndoono shacab weynaha reer Somaliland ?

Gunaanad : Waxaanu Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ka codsanaynaa in uu qadiyadiisa mucaaridnimo uu shacabka reer Somaliland usoo bandhigo una cadeeyo si uu dalka ugu soo dabaalo kefedii miisaanka aheyd ee sharciga aheyd iyo midnimo qaran maadaama uu yahay Xisbiga keliya ee shacabka JSL ay rajada isbedel-doonka ee togan ka sugayaan mustaqbalka .

Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Tebiye : A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

Xigasho : Google

COMMENTS