CABAYS.COM
“Somaliland Waxa Jebisay Deyrkii Ganacsiga Iyo Wax-Wada Qabsiga Ee Ku Kala Gudbanaa Shucuubta Ku Dhaqan Geeska Afrika” Ex. Wasiir Kaysar
June 18, 2018 - Written by Cabays

Waanu ku Faraxsanahay inaanu Hogaamino Siyaasada Geeska Afrika !

Ma Somaliland ayaa Berbera Saami kaa siisay?

Farmaajo “Anaguna Afar baanu kaa siinay Soomaaliya”

Ismaaciil O Geelle” Dekeda Jabuuti ayaanu Share kaa siinay anaguna”

Cumar Xasan Albashir ” Dekeda Port Sudan Maalgashi iyo Maamulba nala yeelo”

Uhuru Kenyata ” Kenya nala maal gasho LAPSSET iyo Corridor ka Waqooyi ee ilaa jidka Isiolo iyo Moyale”

Jamhuuriyada Somaliland waxaa Guul u ah inay Jebisay deyrkii Ganacsiga iyo Wax-wada qabsiga ee ku kala gudbanaa Shucuubta ku dhaqan Geeska Afrika.

Somaliland waxay hormuud ka noqotay inay Afrikaanka tusto in kii Bur haysta iyo kii Biyo haystaa ay Isu baahan yihiin. Ilbaxnimada Siyaasadeed iyo Caqliga Saliimka ah ee ay Ummada reer Somaliland waligoodba kaga horreeyeen Wadamada Afrika ayaa mar kale Dunida tusay in Jamhuuriyada Somaliland ay noqon doonto hogaamiyaha Siyaasada iyo Dhaqaalaha Geeska Afrika ee Mustaqbalka.

Somaliland oo aan weli la aqoonsan ayaa durba horseed ka noqotay in Isbedel weyn oo lama filaan ah oo wax wada-qabsi uu ka bilaabmo Geeska Afrika.

Talaabada labaad ee ay Jamhuuriyada Somaliland ka sugayaan Shucuubta Geeska Afrika waa sidii ay u gaadhsiin lahayd Dimuqraadiyada ee aynu uga kaalmayn lahayn sidii ay usoo dooran lahaayeen hogaamiyayaal ku yimaada doorashooyin Xalaal ah oo aan gacan ku rimis ahayn, una heli lahaayeen Xuquuq buuxda iyo Xorriyad Saxaafadeed oo la mid ah ta ay Ummada reer Somaliland gaadheen. Hogaamiyayaasha Kursi ku dhegga ah ee Geeska Afrika ka jirana waxaa haboon inay ogaadaan Iftiinka Somaliland inuu ku fidiyo guud ahaan Afrika, lana soo gaadhay Xiligii Horumar buuxa iyo Dimuqraadiyad Xukunka loogu tartamo lagaga dayan lahaa Ummada reer Somaliland.

Ballanteenu waa inaynu hogaamino Qaarada Afrika iyo gaar ahaan Wadamada Geeska Afrika dhaqaale ahaan, Siyaasad ahaan iyo Milatari ahaanba Mustaqbalka dhow

Somaliland ha Guulaysto

Kaysar Maxamed

COMMENTS