CABAYS.COM
Waa maxay xilka saxaafadu marka Qaranku ku jiro xaalado colaadeed?
July 9, 2018 - Written by Cabays

(QALINKII RASHEED.A.MEIGAG SAMATER)

Cabays Media (Maqaal/Aragti) –-Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa NIN AAN DHUL MARINI DHAAYO LA’. Waxan muddo dheer aamminsanaa in waddamada horumaray markay leeyihiin saxaafadda madax-bannaan, ay u jeedaan in ay war-baahintoodu ka madax bannaan tahay dabar kasta oo xannibi kara in dadkoodu ogaadaan xaaladaha runta ah ee ka jira dalkooda ama arrin kasta oo xukuumadahoodu ku foogan yihiin, waxase runtu tahay in madax-bannanida saxaafaddu dal kastaba ay xadaysan tahay, oo aan marnaba la sii dayn karin wax ka baxsan kolba wixii xukuumaddooda markaa jirtaa raalli ka tahay ama siyaasadoodu ku qotonto.

Haddaba waxa yaab iyo amankaag nagu ah, in maalin walba saaafadda dalkeenna ee sheegta madax-bannaanidu ay hadh iyo habeen ku foogan yihiin qaawinta iyo ceebaynta dalkooda iyo dadkooda iyagoo aad mooddo in aanay u tudhayn qarankooda.

Home Cable TV ayaa asbuuc ka hor wuxuu caalamka oo dhan ku nashiray, barnaamij ay u bixiyeen “BAADIGOOB” kaasoo aniga qof-ahaan iyo dad badan oo xilkas reer Somaliland ahba aad uga cadhaysiiyay, ahaana barnaamij ceebayn iyo xaqiraad ku ah guud ahaanba Qaranka Somaliland, nabadda iyo midnimada ummaddana dab ka dhex hurinayay, iyadoo welibana lagu soo beegay baahinta Barnamijkaas waqti dalku ku jiro xaalad colaadeed, oo dalka cadow dibedda kaga soo duulay.

Waxa is-weyddiin mudan, sababta saxaafaddeenna madaxa-bannaani u caadaysatay, inay mar walba iyagu makarafoon ama war-laliye daacad ah u noqdaan propagaandada cadawga, sida cayda dalka, dadka iyo madaxda Qaranka SLand. Waxay mar walba bulshadeenna u soo waaridaan kuna dhex faafiyaan faanka, dhalleecaynta iyo hanjabadaha cadawga, isla markaa waxay baraan oo hadyad cadawga u siiyaan – iyagoo weliba aad u buunbuuninaya ama naaxnaaxinaya – wixii gol-daloollo ah ee kolba ay ka ogaadaan Qaranka  Jamhuuriyada Somaliland.

COMMENTS