CABAYS.COM
Warbixin kooban oo ka hadlaysa Qaarada Antarctica
November 25, 2018 - Written by Cabays

Cimriga bani aadamku waa waqti kooban, Qofna waqtigu kusimimayo in uu Aduunka oo dhan lug kumaro. laakiin waxaa Hubaal ah in aad Aduunka oo dhan buug ka akhrisan karto, oo aad warbixin badan ka heli kartid meel aadan waligaa tagin.

  • Maxaad Ka Taqaana QaaradaAntarctica

Antarctica, Waa Qaarada shanaad ee ugu wayn aduunka , Waxaa ka wayn Asia, Africa, North America iyo South America. Waxay le’egtahay labanlaabka qaarada lixaad…Australia.
Micnaha ereyga Antarctica, waa erey ay bixiyeen Greek, oo micnihiisu noqon Lid /opposite, Qaaradu waxay lid ku tahay ama kasoo horjeedaa, cirifka waqooyi ee aduunka….Arctic. Qaaradaan , waxay cidlo iyo lama dagaan ahayd in kabadan maalaayiin sano. Sida ay sheegeen Culimada kuhowlan barashada dhulka. Majiraan dad asal u leh dhulkaan, oo dagaanaan jiray. ant_labels-accessAntarctica.svg
waa meel ay adagtahay in aadanuhu ku noolaado waxayna sidaa ku noqotay lama dagaan , iyo meel ka go’doonsan dunida kale. 1820,waa Markii ugu horaysay ee la arko qaaradaan, inkastoo muran badan ku jiro , cidii ugu horaysay ee aragtay. Si kastaba ha ahaatee , waxaa la sheegaa in ay ahaayeen shaqaale saarnaa Markab laga lahaa Dalka Russia.
Antarctica, Waxay ku taal koonfurta aduunka, Waana dhulka ugu hooseeya aduunka-Bottom of the planet, Meesha aduunku ku fadhiyo , waxaa ku wareegsan badaha ugu waawayn- Pacific ocean , Indian Ocean iyo Atlantic ocean. Qaaradu , Waa goobta ugu qabow aduunka, Barafka saaran dhulka dushiisa, 90% waa midka ay hayso qaaradaan. Cimiladii ugu xumayd ee la qoro ama la record gareeyo waxay ahyd _89Cdegree, Waxaa laga qoray goobtaan.
Xiliga xagaaga, qoraxdu kama dhacdo Qaaradaan, mana jiro habeen, Halka xiliga jilaalka laga yaabo in aysan qoraxdu soo bixin dhowr bilood. Dadka kunool Antarctica, waa labo qolo oo kaliya-Saynisyahano iyo Dalxiisayaal. Waqtiga Xagaaga ,Tirada dadkaas waxaa lagu qiyaasaa shan kun oo qof, halka jilaalka ay noqdaan 1000 qof. Safarka lagu tagaa Antartica waa safarka ugu adag ee loo baxo. Icebreaker ship , waa markab ka inta badan lagu tago lama dagaankaas, waayo wuxuu awood u leeyahay in uu iska caabiyo cimilada xun ee deegaankaas. Waxaa sidoo kale lagu tagaa diyaarado gooni ah , kuwaas oo horay usii qaata shidaal farabadan. Wadan kasta wuxuu leeyahay dal kugal… visa, laakiin qaaradaan waa meel aadanuhu u siman yahay. Meesha ugu dhow ee qaaradaan laga galo waa dalka Argentine. 1-136images
Waxaa jira sheegasho tiro badan, oo dowladaha qaarkood ay sheeganayaan qaybo ka mid ah qaaradaan. Chile, Argentina, UK, Australia, Norway, Waxay ka mid yihiin dowladahaas.
1959, Heshiiskii loogu magac daray Antarctica treaty, waxaa saiixay 12 wadan, oo ay hormuud u ahaayeen United States of America iyo Soviet Union…Russia. Nuxurka heshiiskaas wuxuu tilmaamayay, in Qaaradani noqoto waxa ay ugu yeereen De facto Condominium/Meel ay kawada taliyaal dowlado badan, Waxaana la isku raacay in ay noqoto xarun cilmi baaris, oo ay ka howl galaan Saynisyahanada aduunka, si siman. Waxaa sidoo kale laga mamnuucay , in lagu daadiyo Qashinka Nuclearka iyo wax kasta oo dhib u gaysan kara Degaankaas. Waxaa ka hawl gala in kabadan 4000, oo saynisyahanaa, kuwaas oo kakala socda dowlado kala duwan. Culimadaas waxay isugu jiraan Biologists , Geologists , Physicists , Oceanographers …..Dadka barta cilmiga badda. iyo Meteorologists ….Kuwa saadaaliya cimilada.
Wax kasta oo Antarctica iska badala, Waxay saamayn ku yeeshaan dunida kale, Markasta uu milmo barafka Qaaradaas, waxaa kor u kaca jooga Baddaha aduunka, taasoo sababta daadad farabadan oo qariya Magaalooyin badan. Wadanka Maldives , Waa wadan ku yaal koonfurta, badda Indian Ocean, Wuxuu ka kooban yahay 1,200 jaziiradood. Wadankaas waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay……..nation with fragile Environment …….. Wadan jiritaankiisu su aal ka jirto , Waxayna Saynisyahanadu saadaaliyeen, in uu qarsoomi doono hadii barafka Antartica uu aad u dhalaalo, sidoo kale waxaa arintaa tilmaamay Intergovernmental panel on Climate Change oo lo yaqaan  IPCC.7226208f8a43a810dfe566cc29a14727antarctica_2642820a

COMMENTS