CABAYS.COM
Warqad jacayl❤iyo Fariin Jaceyl
December 26, 2018 - Written by Cabays
Cabays.media (Faalo)
Warqad jacayl,
Ka: Rajo ku noole jacayl
Ku: God-gale jacayl
Og: Catow, rajo iyo samir.Marka hore waxaan marrag kaaga ahay, in 10-kayga farrood qoraalka ay qorayaan ay daacad ka yihiin culayska xubigaagu ku reebay xasuus xifdiyaha qalbiga.

Intaas ka dib, waxaan ku kalsoonahay inaad igala fogaatay wehelkii, nuurkii iyo awoodii aan ku dheefsan jiray dhuuniga.

Sidaa aawadeed, waxaad iga mutaysatay inaan markii aan ku waayay aawaaddaa u ilmeeyo, halka ilmadii kasoo baxday indhahayga maalmihii bilowga mugdiga noloshu ay ahayd weli mid ilaa waqti xaadirkan kasii dhex qoyan qalbigii iyo indhihii aad u ahayd wehelka nolosha.

Waxaad iga kasbatay inaan ku xasuusto, markaan ku xasuustana aan kuu ilmeeyo aniga oo rajo weyn ka qaba, kana qabi doona inta noloshayda ka dhiman inaad maalin maalmaha ka mid ah iila soo dhawaan doonto nuurkii aad ka dhex daarri/shidi jirtay qalbiga, iftiinkiisanna laga dheehan jiray wejigayga farxadiisa.

Halka ay igu adkaatay ilaawitaankaaga iyo la qabsiga ciddlada, sidoo kalena aan u boholyoobay wehelkii aan kaga gaashaaman jiray inaan hal habeen cidlo ku dareemo adigoo agtayda ka muuqda, walow uu waqtigu go’aamiyay inaad iga fogaato.

Cabasho waxba kaama taageerto, calaacalna waxba kuuma keeno‘e, maalmihii aan xaqiiqsaday inaanad soo laabanayn, waxaan wehel ahaan kuu raacshay qalbigaygii, farxadaydii iyo jacaylkaygii oo wadda jir ah, si ay kuugu noqdaan wehel maalmaha badan ee aad ku sugan tahay gunta iilka.

Waxaan uga faa‘iidaysanayaa fursadan, inaan kaaga mahad celiyo muddadii aad ahayd macalinkayga nolosha sidii qurxoonayd ee aad ugu guulaysatay inaad i barto dhadhanka, qiimaha iyo macaanka jacaylka.

Waxaan kuusoo dirayaa salaan, haddii ay macquul tahay inaan lamaanne ku noqon karayo salaantan carafta/udgoonka badan, waxaan isku dayi lahaa inaan wehel kuugu noqdo iilka, sidii aad adiguba wehelka iigu ahayd dhulka korkiisa.

Waxaad tahay noloshaydii, igama mudnid inaan ku hilmaamo, misena ku xusi waayo.

Waan ku jecelahay.❤️

Qoraa Mohamed Faisal Ali
COMMENTS