CABAYS.COM
Wax Ka Baro Xadaaradii Islaamka Ee Magaalo Xeebeedka ( Saylac )
December 10, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media (Saylac)

  • Xadaaradii Islaamka Ee saylacsaylac2

Waxaan maanta qormadeena kusoo qaadan doonaa,magaalada saylac oo barya samaad ahaan jirteyd, goob barashada cilmiga islaamigaa loo iman jireyd, hoy u ahayd culumo fara badan oo maanta si weyn looga yaqaan dunida islaamka saylac waa magaalo kaga taal albaabka amase afaafka koonfurta bari ee dhelweynaha dunida islamaka ,waana marinka nuurka islaamk ee qaarada Africa , ay diintu ugaga sii faaftey qaarada Africa inteeda kale…..

waxay ahayd hooyadii caasimada todobadii imaaradood ee kajiri jirteyd geeska Africa barya samaad..waxayna ahayd magaalo soo saartey culumo fara badan oo kutubtooda si weyn looga qadariyo dunida islaamka sida ( sheikh c/ laahi  sayliciyi ….iyo c/ raxmaan esa sayliciyi oo asna ahaa siibayhiga zamankiisii
Rag badan oo qora cilmiga taariikhda waxaa ay si weyn uga hadleen goortiii ay xadaardu ay ka bilaamatey magaalada saylac ,tasaooy badankoodu si gaar ah u xadidi waayey balse waxaa ay isku raaceen in saylac ay ahayd magaalo soo jireen ahayd qarniyo fara badan, dunidana si weyn looga yaqiin..tan iyo bilowgii taariikhda islaamka oo ku beegneyd hijradii koobaad iyo tii labaad ee saxaabadu ku yimaadeen dhulka xabasha ……waxaana ku yaal masjidkii ugu horeeeyeyd ee ka taagma qaarada Africa oo loogu magic daro ( al-qiblateyn )

Hadaba magaaladaas ..saylac ee cilmiga iyo culumada caanka ku ahayd waxaa soo booqdey rag ay kamid ahaayeen qoraaga cilmiga taariikhda ( saalax el acshaa..el qashlandiyi ) iyo ibnu maqriizi iyo ibnu batuuta iwm
Run ahaantii saylac waxaa ay ahayd goobaha ugu caansan dunida islaamka.. si weyna loo yaqiiin.. culumadii ka hadashey waxaa kamid ahaa ( al-yacquubi اليعقوبي )oo ahaaa qoraa dhinaca taariikhda 891 kitaabkiisa (al-buldaanالبلدان ) waxaa kaloo ka hadley oo kusoo qaatey waxooogaa magaaalda seylac qoraaga kale (المسعودي ) kitaabkiisa ( مراحل الدهب وجواهرالمدن)
sidoo kale misana waxaa kale oo ka hadley (ابن حوقل) waxuuna ku tilmaamey iney ahay magaalo marso leh oo isku xirto dhulka xabasha iyo yeman iyo dhulka xijaaz…waxuuna ku qorey kitaabkiisa (صورة الأرض) waxaa kale oo asna ka hadley xadaarada magaalada Seylac ay lahayd qoraaga weyn ee dhinaca taariikhda iyo geographyga (الأدريسي) iyo (ابن سعد) sidoo kale waxaa magaalada soo booqdey sahamiyihii iyo qoraagii weynaa ee cilmiga taariikhda shucuubta iyo dhulka (ابن بطوطة) waxuuna ku tilmaamey in ay ahayd magaalo si weyn xoolaha loogu qalo baryahaas uu yimid.. waxayna lasheegaa in (ابن بطوطة) uu seexanaayeyd intii uu joogeyd saylac meeel ka baxsan magaalada .. urta hargaha

hadaba qarnigii 14 bartimihiisii waxaa magaaladan maamuli jireyd ooy soo gashey gacanta ( sacdu diiin ) misana 1517 waxaa yimid aaggaas dawladii bortaqiiiska oo ka eridey magaalada saylac dhamaan dadkii deganaa , aagaas, kutub fara badana ay ku gubaan ,, qaar badana ay ka qaateen saylac… waxaaney ku wareejiyeen magaalada seylac maamulkii cusmaaniyada … ilaaa uu ka yimid imaam ahmed gurey 1535 markaas ooy magaalada zeylac maamulkiisa soo gashey,,dabadeed markii imaamka la jabshey waxaa maamulka iyo talada magaalada seylac la wareegay dawladii masaarida ahayd uu waqtiyadaasi maamuli jireyd 9 maxamed cali basha ) waxaana magaalada wakiilo uga ahaa labo nin oo lakala odhan jireyd xaaji cali sharmarake iyo abubakar cali waxaanaey saylac gacanta masaarida ka baxdey 1885 waxayna u gacan wareegtey maxmiyadii engriiska ee somaliland

 

15b1941da50a5298cb9116b76a07cd12 images (2) DYwzLRcW0AE08i8 Zeila,_Somalia

COMMENTS