CABAYS.COM
WAXAAN HARGEYSA KU ARKAY: Muxaafid mucaarid ah iyo Mucaarid muxaafid ah – Yusuf Budle
April 16, 2019 - Written by Cabays

CabaysXulka Rayiga  –  (Cabays Media ) –  WAXAAN HARGEYSA KU ARKAY: Muxaafid mucaarid ah iyo Mucaarid muxaafid ah:
Socdaalkaygan aan ku joogo S/land waxaan ku arkay laba nooc ama nashqadood oo aanan hore ugu arag S/land.
1- Muxaafid mucaarid ah: Mid xukuumadda ku jira oo xil iyo xoolaba loo dhiibay hadana mucaarid ah. Waa shaqsi u arka in xilka loo dhiibay uu yahay iska aamusiin reer iyo xil ku yimid saami-qaybsi laakiin aanu reerkoodu wax mudnaan ah ku lahayn xukuumadda uu u shaqeeyo. Waxa ka muuqata muxaafidnimo aan odhan karo waa heer guulwadeyn, welibana xasilooni darro badani ka muuqato. Hadana marka aad gaar u baxdaan waxa uu kuu sheegayaa in ” Madaxtooyadii ay noqotay xarun reer gaar ahi leeyahay, ciyaalka reerkuna ka taliyaan, welibana ay qarka u saaran tahay in meeshu ku dul dunto odayga, iwm.

Mucaarid muxaafid ah: Waa shaqsi aaminsan in loo diiday xatooyo reer ahaaneed oo uu xaq u lahaa in uu boobka reerka meesha haysta ka mid noqdo. Waxa uu si run ah u aaminsan yahay in ay tahay markoodii ama wakhtigii reerkooduna qadhiidhan lahaa. Waxa uu aaminsan yahay in uu usoo halgamay in reerku meesha saaraan Madaxweynaha, laakiin maadaama laga qaybgelin waayey boobkaas waxa uu noqday mucaarid. Hadana haddii xukuumadda ama madaxweynaha wax laga sheego waxa ku kacaysa xumad-reeraysan, wuxuuna u arkaa in reerkoodii la caayey oo wuu kula dagaalamayaa. Isagu waa mucaarid, laakiin qofkii aan reerkooda ahayn mucaaridnimo uma ogola oo wuxuu u arkayaa mucaaridnimo reeraysan isagaana muxaafid isku bedelaya.

Waxa kaloon la yaabay qayb 3aad oo iyagu noqday brokers waaweyn/dilaaliin oo muhiimad gaar ah ku yeeshay hab maamulka cusub ee hadda jira. Kooxdaas waxa aan u bixiyey: “Dhaqaajiyayaasha hoose”. Kooxdanu ma hayaan wax xilal ah, mana aha reerka hoose ee madaxtooyada fadhiya, laakiin waxa ay haystaan xadhko aday oo hoose, kuna salaysan…….

Gunaanad:

Waxa iisoo baxay sawir ah in saddexdaas kooxood ee aan kor kusoo sheegay ay laba ka mid ahi yihiin “temporary” ama ku meel gaad.
Muxaafidka mucaaridka ah warkiisu wuxuu ku eg yahay inta xilka laga tuurayo kadibna waxa uu noqonayaa mucaarid joogto ah.
Mucaaridka muxaafidka ahna waxa muxaafidnimadiisa buuxda kaa xigta inta uu dheeriga gacanta gelinayo.

Warku waxa uu ka taagan yahay, oo noqonaya tijaarta sanadka dambe waa : Dhaqaajiyayaasha hoose ee xadhkaha adag haysta. Waxa aan qiyaasi karaa in aynu filano 40 jiro 40 Million haysta oo aynu ku waa beriisano sanadka 2020. Qolooyonkani waxa ay ka kooban yihiin dhamaanba reeraha dega S/land. Waxa ay isugu jiraan reer kasta oo aad u malayn karto in ay mucaarid noqon karaan ama muxaafid noqon karaan, laakiin waxa ka dhexeeya hal khayd/xadhig oo aan cidna goyn karin.

Waxa ay kooxdanu kaga duwan tahay 40 jiraddii 40ka million ka helay xukuumaddii Siilaanyo:
Kuwii Siilaanyo waxa ay hayeen xilal muuqda, waxana ay markiiba fuuleen Landcruesers daaqado madoow.

Kooxdan Dhaqaajiyayaasha hoose wax xil ah ma hayaan, suuqana waxa ay ku maraan xaajiyad-khamsiin iyo Indha cadde qaab daran oo aan wax tuhun ah keenayn.

Horaa loo ilbaxayaa, horaa loo soconayaa….

XUSUUSIN: Anigu ma ahi mucaarid, mana ahi muxaafid, qoraalkanuna ma dhaleecaynayo mana taageerayo cid, shaqsiyaad ama kooxo gaar ah. Qoraalkanu waxa keliya oo uu ka turjumayaa wixii aan arkay mudaddii gaabnayd ee aan joogay Somaliland.

Yusuf Budle

Hargeysa- JSL

Image may contain: 1 person, smiling, standing, car and outdoor
COMMENTS