CABAYS.COM
Weysha Gawrac Dibigu Ha Ku Quustee!
May 1, 2018 - Written by Cabays

Dilka Sadexda sarkaal oo kasoo kala jeeday sadexda reer ee Siyaasada Somalia ugu saamaynta badnaa waxaa dadka qaar ku fasiraan in Siyaad Bare

23/07/1972 Goor barqo ah, goob barxad ah oo dad badan usoo daawasho tageen ayaa lagu toogtay, Jeneral Mohamed Caynaanshe Guuleed (ISAAQ), Jeneral Salaad Gabayre Kadiye (HAWIYE) iyo Kornayl Cabdulqadir Dheel (DAAROOD). Saraakiishan oo ka mid ahaa golihii sare ee kacaanka waxaa looga shakiyay inay mar kale abaabulayeen Inqilaab ay Siyaad Bare kaga tuuraan Xilka madaxweynenimo, iyagoo marka horena ahaa Jaalayashii siyaad la abaabulay Inqilaabkii October 1969 ee xukunka loogala wareegay Xukuumadii rayidka ahayd.

Dilka Sadexda sarkaal oo kasoo kala jeeday sadexda reer ee Siyaasada Somalia ugu saamaynta badnaa waxaa dadka qaar ku fasiraan in Siyaad Bare ay talo galkiisa ka mid ahayd si uu u muujiyo

awoodiisa, Shacabkana u cabsi galiyo. Sida dhacdayToogashadii saraakiisa kadib waxaa is nabay kooxihii mucaaridka ahaa, Shacabkiina waxaa soo wajahay cabsi, isla markaana awooda oo dhan waxa si buuxda gacanta ugu dhigay Siyaad Bare.

Dacawadii hilibka qaybi lagu yidhi ee Libaaxa u cantoobisay waxay tidhi ”Cadaalada waxaa i baray Isha cali ka laadlaada” Shacabkii waxa u muuqatay inaan tudhaale jirin kol hadii Saraakiishii Kacaanka qaar ka mid ah hortooda lagu toogtay, qof walbana wuxuu u hogaansamay sax iyo qalad xukunkii Siyaad Bare, Isagana waxaa u fududaatay inuu dalka si fudud u hogaamiyo, Ilaa waayo danbe oo uu ilko beelay laguna dhiiraday maahee!

‘’Dooro madaxweyne go’aan leh’’ halku dhigaasi waxa uu ka mid ahaa halku dhigyadii uu ku ololeeyay xisbiga KULMIYE, Xukuumadii Muuse Biixi uu soo dhisayna markiiba dadku waxay ka dhadhamiyeen sida uu usoo xushay Wasiiro dhibirsanayaal, dhago nugul oo u hogaansan, fuliyana go’aanadiisa (Yes man). Mudada gaaban ee uu madaxweynuhu dalka xukumayay waxaa la xukumay Naciima Ibrahim Qorane (Garxajis), Boqor Cismaan Maxamuud (Habarjeclo) iyo dhawr qof oo kale oo ay ku jiraan dhalinyaro curyaamiin ah oo mar danbe la sii daayay.

Xukunadaasi kala danbeeyay qaarkood waxaa lagu sheegaa inaanay siyaasadi kama madhnayn, faragalina lagu sameeyay, Hadii ay faragalintaasi jirto waxay shabihi kartaa sidii uu Siyaad Bare Awoodiisa u muujiyay, Shacabkana cabsida u galiyay, Weysha Gawrac dibigu haku quustee, macnaha in shacabka la carbiyo, isla markaana u hogaansamaan xukuumada Muuse Biixi, si uu u dhabeeyo go’aan adaygii lagu doortay.

Somalidu waxay tidhaa god hadimo ha qodin hadaad qodana ha dheraayn ku dhici doontaana mooyee, waxa cibro qaadasho mudan Salaad Gabayre oo kaalin firfircoon ka qaatay Inqilaabkii October-1969, Isla markaana lahaa isku dabaridka iyo dajinta Xeer54 oo wada dil xukunkiisu ahaa , wuxu noqday qofkii ugu horeeyay oo lagu fuliyay isla xeerkaas, Halka boqor Buurmadaw oo aad ugu baani jiray, abaabul culusna ku lahaa nidaamka isbahaysiga JEEGAANTA (Habar Jeclo iyo Habar awal) uu noqday madax dhaqameedkii ugu horeeyay ee Jeelka liinta ku caba isagoo u xidhan isla Xukuumad loo nisbaynayo jeegaanimo, waxaanse la dafiri Karin inay dawo u noqonayso dad aaminay in lagu kala sareeyo sharciga ama dad si gaar ah loo bartilmaameedsado.

Guntii iyo gabagabdii halaga digtoonaado in garsoorka la faragaliyo, waa daruuri in qof walba danbigiisa lagu oogo, loona maro nidaam sharci, si aanay dawladnimadu ugu eekaan nidaamka duurjoogta ee ah kolba kii xoog wayn inta kale muquuniyo.

 

Fuaad Abdillahi Hassan
Hargeisa, Somaliland

Fuaad_phy@hotmail.com
Qalinmaal.blogspot.com

 

COMMENTS