CABAYS.COM
Xildhibaanada Baarlamaanka JSL: Way U Xaadiraane Xaalka Ma Ogyihiin
May 25, 2018 - Written by Cabays

Xildhibaanada gollaha guurtida iyo wakiillada Somaliland oo laysku yidhaahdo aqalka Baarlaamaanka Somaliland ayaa golle walba waxa fadhiya 82 muddane oo midkiiba mushaharkiisu yahay lacag lagu qadarro 1, 3000$ oo lacagta Mareykanka ah.  Haddaba haddii aynu u soo daadegno si aynu u ogaano xildhibaan kastaaba tirada  mushaharka uu qaato iyo guud ahaanba qarash-mushahareedka ku baxa gollaha baarlamaanka Somaliland waxa uu noqonayaa sidan;

Marka uu xildhibaan walba uu qaato 13000 dollar tirada xildhibaanada labada gollena ay yihiin 164 xildhibaan oo aanay ku jirin xildhibaanada loo yaqaano xubin sharafeedka waxa uu noqonayaa mushaharka bishi ay qaataan marka lagu dhufto 1,300 dollar 164 =  213, 200 (Laba boqol oo kun saddex iyo toban kun iyo laba boqol oo dollar),  Taas macnaheedu waxa weeye mar haddii ay bishii tirada intaasi leeg ay qaataan in qadarka lacageed ee ay sannadkii qaataan uu noqonaayo 2, 558, 400 (Laba milyan, shan boqol siddeed iyo kontan kun iyo afar boqon oo dollar).

Tirada lacagta intaasi leeg iyo lacago kale oo fara badan oo ku baxa habeen dhaxooda, caafimaadkooda, kal-fadhiyadooda aan caadiga ahayn, gunnooyinka  guddiyada gollaha, iyo dhammaanba kharashaaddada kale ee dheeraadka ah haddii laysku geeyo waxa uu u dhigmayaa; mushaharka ciidamada iyo shaqaalluhu ay qaataan saddex meeloodow laba. Taas macnadeehedu waxa weeye aqalka baarlamaanka Somaliland waxa uu yahay ha’yadda ugu miisaaniyada badan ha’yaddaha ka jira Somaliland.

Shacabka Somaliland ma salluugsana awoodahooda shaqo iyo doorka ay ka ciyaaraan u adeeggista waajibaadka xileed ee ay hayaan. Bal se waxa ay dhalliilsan yihiin mushaharka xad-dhaafka ah ee ay qaataan muddanayaashani.

Haddaba ma habboon tahay in wax ka beddel lagu sameeyo mushaharka aqalka Baarlaamka Somaliland?

 

Jawaabtu waxay noqoneysaa hadba heerka dhaqaale ee waddanku taagan yahay. Maanta Somaliland waxaad arkeysaa muwaadiin camal la’aan iyo gaajo gaaf wareegaya. Muddanayaasha gollahani inta badan wax ay sheegtaan in ay tudhaalayaasha waddanka yihiin bal se looma diidana muhiimadu se waxay tahay in ay iyagu waddankooda u tudhaan. Tusaale yar;

Xildhibaan  bal qiyaas masaakiin maalintii ku nool 1 dollar ama wax ka yar. Bal qiyaas, Cali Mataan masjidka makhribka oo kaliya inta masaakiin leh; cashada naga soo bixiya. Bal baadh mushaharka guurtida, madax-weynaha iyo wasiiradda. Madaxda maanta masuuliyad ayaa bulshadan ka saaran, masiirkooda iyaga ayaa madaxaku sita, haddii ay maanta.

Xildhibaan ma og tahay in samaha waddanku yahay  xoriyad, cadaalad, sinnaan, wadajir iyo wax wada qabsi. Maxaad diidan maanta in aad mushaharkaaga dastuuriga ah ee ka fog cadaaladda aad dib u eegisa ku sameyso?. Xildhibaanada labadan aqal xoggo-gaal ayey u yihiin xaaladda rasmiga ah ee waddanku maraayo, bal se shacabka Somaliland waxay uga fadhiyaan inta aanay isbeddel kale sameynin in ay iyagu mushaharka ay u xaadiraan bishii wax ka beddel ku sameeyaan oo dhimaan.

Qadarka lacageed ee maanta ku baxa aqalkaasi baarlamaanka Somaliland haddii si wanaagsan oo cadaaladdi ku jirto loo maamuli lahaa waxa hubaal ah in baahiyaad badan uu dabooli lahaa.

Waxani maaha  dhalanteed iyo medadaalo ee waa xaqiiqo jirta. Fadlan waxay shacabku idinka codsanyaan maanta in isbeddelka koobaad ee qabataan in uu noqdo wax ka beddelista mushaharkaasi cadaaladda ka fog ee aad bil walba u xaadirtaan idinka oo eegaya baahiyaadka jira.

Mohmoud O Osmaan 

Freelance journalist & Photographer
Hargeysa, Somaliland.

Email: mohoomer@gmail.com

Facebook: Mohmoud Osmaan

Mobile: +252634129326

COMMENTS