CABAYS.COM
“”Xirsi waxa uu ahaa Carrab dheerihi kibirka badnaa oo intuu fursad helay Sebenkan danbe soo baxay” – Ibraahim Caydiid
September 14, 2020 - Written by Cabays

“Xirsi waxa uu ahaa Carrab dheerihi kibirka badnaa oo intuu fursad helay Sebenkan danbe soo baxay”
____________________________________________________

1) Xirsi waxaan ku xasuustaa inuu Madaxwayne bilaa Liisan ah Somaliland uu ka soo noqday, waxa kale oo aan ku xasuustaa in xiligii Kulmiye uu is yidhi Jabhadee oo uu Gaadhi kurta ka jaray oo uu Daahir Riyaale soo xidhay, waxa kale oo aan ku xasuustaa inuu yidhi Kaare ayaa i jiidhay isaga oo sidii Jabhadii Al-Xamaas Qaraxyo aanu shaqo ku lahayn sheeganaya.

2) Xirsi waxaan ku Xasuustaa Madaxwaynihii la doortay ee Mujaahid Axmed Siilaanyo oo lagu yaqaanay Raganimo, aqoon & aftahanimaba inuu isagu Kursigii ka riixday oo Gaadhi aanu Liisan u haysan uu inagu kaxeeyey isaga oo ka faa,iidaystay qadarka ilaahay ku keenay Ex Madaxwayne Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

3) Xirsi waxaan ku xasuustaa in markii Dadka Reer Somaliland ay dareemeen in Axmed Siilaanyo aanu ahayn kii ay yaqaaneen oo uu Xirsi Dawladii & Xukunkii uu ku saro kacay sida Bushkuleetiga ama Baaskeeladaha oo kale, markii Dadku caafimaadka Madaxwaynaha ka hadleen inuu Xirsi ugu dhaartay in caafimaadka Madaxwaynuhu uu wanaagsan yahay oo uu Axmed Siilaanyo caadaas maraayo

4) Xirsi waxaan ku xasuustaa inuu Tooray la dhex cararay Madaxtooyada oo uu Dalka ku soo xukumay muudhkiisa oo wuxuu sanifo oo ilaa Wasiirada ah uu shaqada ka eryi jiray wuxuu isagu caashaqana uu magacaabi jiray oo weliba shacabkana ciduu doono uu iska xidhi jiray.

5) Xirsi waxaan ku xasuustaa inuu isagu baabiiyey Golihii Baarlamaanka ee la soo doortay oo uu Golihii shacabka ku dhex daray Golihii Xukuumada, ka dib markii Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro uu jeebka ku ritay, isaguna uu ku dhex milmay Xukuumadii ama uu Cabdiraxmaan shidhka u galay Gaadhigii uu Xirsi inagu kaxeeyey ee uu weliba la dhac-dhacaayey.

6) Xirsi waxaan ku xasuustaa inuu Asxaabtii Qaranka isagu baabiiyey oo uu Khadka ka saaray Xisbigii Udub, sidoo kale inuu laba u kala jabiyey Xisbigii Ucid isaga oo Cabdiraxmaan ka hor keenay Faysal oo xitaa tijaabiyey inuu Cirro u dhaco Xisbiga maadaama oo uu Cirro noqday qof uu isagu iskaga shaqaysan karo.

7) Xirsi waxaan ku xasuustaa inuu Cabdiraxmaan u sameeyey Xisbiga Waddani oo uu Waddani ku soo baxay musuq & lacagtii Dawlada iyada oo uu Xirsi kula dagaaalamayo Ururkii Umada ee uu Maxamed Cabdi Gaboose hogaaminayey oo markaa Reerku ay wateen.

8) Xirsi waxaan ku xasuustaa inuu ahaa mucjiso Somaliland loo soo diray oo Dawladnimadii mudada badan soo jirtay uu maqluubka u rogay, oo dhamaan Beelaha Somaliland degan uu isagu Suldaan u noqday oo uu Reer walba ku dhex samaystay Dad uu sida Dhirta beertay oo ka amar qaata oo Cumaamada sita oo Reer Walba leh.

9) Xirsi waxaan ku hasuustaa Kibir halka uu ka gaadhay inuu yidhi waan Gabyayaa oo uu Buraan-bur uu Dadka ugu hanjabayo Fagaare ka tiriyey isaga oo leh “Sun & Dacar ayaan idin leefsiin” taas oo weliba sacabka loogu garaacay oo ay Dalka Britain ka dhacday iyada oo weliba Madaxwaynihii sharciga ahaana uu ag fadhiyo.

10) Xirsi waxaan ku xasuustaa inuu Xisbigisii Xukuumada uu ka tirsanyahay dhalay intuu ka hor yimi uu Ururo kale & Waddaniba uu isagu furay oo markhaati lahayd.

11) Xirsi waxaan ku xasuustaa inuu aqoontii & kuwii Siyaasiyiinta sheeganayey ee ka khibrada badnaa uu ka Zeyd caleeyey oo uu ka caqli batay isaga oo ku gumeeyey Awooda Axmed Siilaanyo ee uu sida khaldan uga faa,iidaystay..

12) Xirsi waxaan ku xasuustaa inantii Nadiira ee uu Fariinta Mobilka ku xidhay & Sanka ayaa Caano ka keeni doontaan oo uu Cabdiraxmaan Ciro ku yidhi markii danbe ee uu Cirro mucaaridka noqday.

13) Xirsi waxaan ku xasuustaa inuu Gudoomiyihii Xisbigiisa oo Hargeisa oo Magaaladiisii ah jooga uu sawirkiisa denbi ka dhigay oo uu Dad ku xidh-xidhay halka uu kibir & gar daro ka gaadhay.

14) Xirsi waxaan ku xasuustaa inuu isku dayey inuu Suldaan Guud u noqdo Beesha Sacad Muuse oo uu isagu Musharaxa u soo xulo, isaga oo dhabarka wada taabtay oo madaxa isu galiyey Ragii ka waawaynaa kana aqoonta badanaa ee ay ka midka ahaayeen Maxamed Biixi Yoonis & Cabdicasiis Samaale.

15) Xirsi waxaan ku xasuustaa inuu Madaxwayne Axmedkii Dadkaba baray ee uu awoodiisa ku ciyaaray uu i inqilaabay, oo uu Xukuumadii Somaliland intuu khal’khal galiyey oo uu duhur cad dareersaday intuu uu ka caqli batay ee uu marka horeba isagu Xilalka u magacaabay, kuwaas oo dhamaantood uu ku shubay Xisbiga Waddani.

16) Xirsi waxaan ku xasuustaa inuu Xisbiga Waddani oo camiran oo Nuur & Naaleeyaba joogo markii uu soo galay ay Taageerayaal badani isaga waydaarteen oo tiimamkii Kulmiye Guusha u keenay ee ay ka midka ahaayeen Xildhibaankii Reer Caynaba ee Hebel dheere, Hinda Gaani, Xildhibaan Ibraahim Jaamac ( Reyte) & Axmed Muumin kala hogaaminayey ay Xirsi soo waydaarteen, halkaana aanu Waddani ka faa,iidin Xirsi ee uu ku khasaaray.

17) Xirsi waxaan ku xasuustaa inuu sharci darnidii & Xilkii qayrul Sharciga ahaa ee uu caanka ku ahaa inuu hadana la yimi Xisbiga Waddani oo lagu sheegay Maskab ama Magac aynaan Asxaabta hore ugu maqlin oo la yidhaa “Hogaamiye” oo aan sharcigaba waafaqsanayn.

18) Xirsi waxaan ku xasuustaa inuu Buug qoray oo uu buugiisa ku qoray Caafimaad daro Madaxwaynaha la kulantay bilawgii la doortayba, waxaa kale oo uu buugiisa ku qoray Hablo Reer Hargeisa ah oo isaga caashaqay oo weliba Guurka dalbaday.

19) Xirsi waxaan ku xasuustaa inuu sidii Cabdiraxmaan Cabdishakuurkii Xamar ee Farmaajo uu Gurigiisa ku weeraray oo kale uu isaguna Wasiir Cabdilaahi Abokor uu Gurigiisa ku weerarayey oo col saq dhexe galiyey, waxaa kale oo aan ku xasuustaa in cid kasta oo uu sanifo uu Guriga ugu dhici jiray saqda dhexe isaga oo isticmaalaya RRU.

20) Xirsi waxaan ku xasuustaa inuu Caafimaadka Madaxwaynaha markuu Madaxtooyada joogayna uu Dadka ugu dhaaranayey inuu Madaxwaynuhu Caafimaad qabo markii uu ka tagayna uu sheegay inuu Madaxwaynuhu bilawgiiba xanuunsaday oo afkiisa ayeynu ka haynaa haa & maya labadaba.

Ninka mid qudha igu beeniya ayaan Nin u aqaanaa.

La soco qaybaha danbe……

Xaji Ibrahim.

Image may contain: Faadumo Qaadin, close-upImage may contain: Faadumo Qaadin
……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….
Xusuusin: Cabays Media waxa uu soo dhaweynayaa dhamaan qoraalada kala duwan, mana taageero xaragti siyaasadeed oo gaar ah. Qoraal kasta oo rayi ah oo aad ka akhristato macnaheedu ma aha waxa uu matalaa aragtida Cabays Media. Wxiii qoraalo ah ku soo hagaaji editor@cabays,com
COMMENTS