CABAYS.COM
Xisbiga Kulmiye: Xoogaggii Guushu mee Madaxweyne?
September 7, 2020 - Written by Cabays
Xisbiga Kulmiye: Xogaggii Guushu Mee Maddaxwayne?
Qalinkii Axmed Ciise
Waxaan maqaalo xidhiidh ah oo talo ah ku siin doonaa wiigaga soo socoda — maddaxwaynaha . Taladani Waa mid maddaxwaynuhu sigaara ugu baahan yahay.(Qualified advice) talada waxgaradka iyo waayo aragu waa wadad guusha horseeda marka la qaato. Waxaanan ugu bixi (my qualified capacity) doona aqoonta xisbinimo iyo bulshada aan u leeyahay — Sida fikirkoodu yahay iyo goaan qadashadooda.
Suaaha mawduucan aan ugu baxayo ayaa ah— maddaxwaynuhu muxuu ku badashy hogaamiyaashi bulshaddii uga wakiilka ahaa codkooddii ay 57% ku doorteen?
Maddaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa guuushi shacabku kalsoonida ugu codeeyen hogaaminaayay rag (rag iyo dumar) wakhti badan, juhdi iyo dadaal-badan galiyay. Xoogaggaasi hogaamiyaasha bulshada (Social leaders) waxay ahyeen kuwii u horseeday guusha maddaxwaynaha iyo Xisbiga Kulmiye — Doorashaddii Maddaxtinimada 2017.
Xogaggaasi bulshada ku hagay inay Maddaxwayne— Muuse Biixi Cabdi u codeeyaan way badnaayeen. Tusaale ahaan waxaa ka mid ahaa, Ururkii Hoodale oo UK laga asaasay—halabuurnimada ururkaasi waxaa lahaa aniga. Waxa uu noqoday urur aad u wayn oo Maddaxwayne, Muuse Biixi Cabdi si wayn ugu soo dhaweeyey London 2016. Ragii (dumarkii) ururkasi hogaaminaayay tacab wayn bay galiyeen— wakhtigoodii ay ugu tabaruceen in maddaxwaynuhu guulaysto. Waxay kalooy surrto galiyeen in dhaqaale xog badan dalka Ingriiska uga soo diraan.
Waxaa kale oo ka mid ahaa ururkii la magac baxay SILILADA MUTADAWICIINTA oo isna aan Somaliland ka asaasay soona saaray laba daraasadood oo ku saabsanayid saadiliin cida ku guulaysan doonta jagada maddaxtinimada — labada darasadoodba maddaxwaynha wakhtigaasi gacantayda ayaan ku gudoonsiiyey.
KulmiySilsilsada Mutadawiciintu tageero xoogan oo mug leh bay u horseeday in shacbi badani doorto — madaxwaynaha.
Dadkii guusha keenay way badnayeen balse tani waxay u tahay tusaal kaliya in dhamaan hogaamiyaashi guusha u horseeday maddaxwaynaha inay badi maanta isku duruf yihiin — looma mahadniiq ama albaabka lagama furin. Anigoo ka-wakiil ah xoggaaggii raadka wayn ku lahaa ee Hodaale iyo Silsilada Mutadawiiciinta ayaan ilaa June 2019 isku dayay inaan la kulmo maddaxwaynha. Madaxwaynaha abaal igama dhigin inaan la kulmo anigoo ka wakiil ahaa ururadaasi — mahadnaqna hadalkeed daa.
Jawaabihii aan celiyay waxay noqdeen in labadaa urur ee waawaynaa ay burbureen ama meeshii ka baxeen. Rag badan oo maddaxwaynaha gashaday waxtar ayaa iyaguna abaalkii ay galeen waxba laga soo qaadin. Dhamaantoodna wadadaadsii ay Hoodale UK iyo Silsilada Mutadawiicinta ay mareen ayay mareen.
Suaasha ayaa ah — maddaxwaynaha hadii loo doorto gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo musharaxa maddaxwaynaha xagay guushii uga imaan doontaa? Miyaanay hogaamiyayaashi (pilots) guusha u horseeday haddii dadaalkooddii noqday hal bacad lagu lisay in waddaddii tageerada shacabka ku helay 57% inay ku dhamaato wado guul daro ah 7% to 17% .
Maxay kula tahay rayi ahaan arinkani
Amed Ciise
Ahmed Ciise

COMMENTS