CABAYS
Guddida Doorashooyinka Oo Bilaabaya Diiwaan-gelin Tijaabo Ah

(Cabays Media)- Guddida doorashooyinka Somaliland,  ayaa dhammaadka todobaadkn diwaangelin tijaabo ah ka bilaabaya gobollada Hawd iyo Daadmadheedh.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADSANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ku bogaadiyey guddida Doorashooyinka qaranka Diiwaangelinta casriga ah ee codbiyeyaasha ee tijaabada ah, waxaanna uu sidan uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga.

“Waxa aan ku bogaadinayaa Komishinka Doorashooyinka Qaranka [KDQ] in ay ka bilaabayaan Arbacada 2da September 2020ka, Gobolka Daadmadheedh Magaala Madaxdiisa Oodweyne iyo Gobolka Hawd Magaala Madaxdiisa Balligubadle Diiwaangelinta casriga ah ee codbiyeyaasha oo tijaabo ah” ayuu yidhi

 

20200831_003814

 

 

 

Cabaymeda.