CABAYS.COM
Wasiir Maxamed Kaahiin & Gud. Faysal Caliwaraabe oo sheegay in Madx. Farmaajo taageero kooxo hubaysan oo lid ku ah Somaliland
May 25, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media- (Hargeysa- JSL)  -Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, Maxamaed Kaahin Axmed ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu jabhado hubaysan u samaystay Somaliland.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Jam. Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta saaka oo ka soo laabtay dalka Kenya, isaga iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID, ayaa isagoo ka hadlaya jabhado uu sheegay Farmaako u sameeyey JSL waxa uu yidhi “Soomaaliya jabhado hubaysan oo rag la garanayaa ay ku jiraan ayaa Farmaajo u samaystay Somaliland, cid dawlada Farmaajo mucaarid ku ah haday Somaliland la kulanto dambi maaha.”

Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng Faysal Cali Waraabe oo ay shirjaraa’id wada qabteen ayaa sheegay isna  sheegay in xisbiga UCID ka shaqaynayo sidii loo ridi lahaa dawlada Farmaajo ee Soomaaliya, waxaanu yidhi “Farmaajo jabhado ayuu noo samaystay anaguna si ilbaxnimo leh ayaanu mucaaridkooda ula sheekaysanaynaa anagu mucaarid ayaanu nahay, waanan u yeedhaynaa mucaaridkooda oo waxbaanu baraynaa, waxaanan ka shaqaynaynaa sidii looga takhalusi lahaa Farmaajo iyo wixii nagu xunba hadaanu nahay xisbiga Ucid.”

Hadalkan ayaa keenay ka dib markii mudadii ay joogeen magaalada Nairobi uu soo baxay sawir muujinaya kulan ay la qaateen wasiir Maxamed Kaahin iyo Gudoomiye Faysal Cali Warabe, hogaamiyaha mucaaridka ugu adag ee ka soo horjeeda dawlada Farmaajo, Cabdiraxman Cabdishakuur. Sawirka oo u muuqday mid qarsoodi lagag soo qaaday, ayaa muujinayey in ay ku jireen kulan ay wax ku wada falanqaynayaan.

Dhanaka kale wasiir Maxamed Kaahiin ayaa u muuqday mid aan filayn in bulshadu sidaa uga war heshay la kulanka ay kula kulneen xubin dalka Somalia xil muhiim ah ka haysa, waxaana maanta hadalkiisa laga dareemayeye in uuna raali ka ahayn sida wax looga weydiiyeye kulankaas, hase ahaatee Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda mid isagu yahay kan soo xidhay khadka Ina Cabdishakuur iyo iyaga.

Sidoo kale Gudoomiye Faysal mar uu ka jawaabayay la kulanka Ina Cabdishakuur waxa uu weeraray Gudoomiye Ciro oo ku rilmaamay nin la dhuunta kulanada noocan ah, balse uu la kulmo Farmaajo iyo madaxda Somalia,

 

 Shir
 Kahin

 

COMMENTS