CABAYS.COM
Somaliland oo laga saasaray shaqaale ajnabi ah iyo caruuro dalalka dariska ah ka soo galay
June 14, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media – (Hargeysa JSL):- Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland ayaa soo saaray tirada dadka aan u dhalan JSL ee  ajaanibka ah ee ay dalka ka saartay iyo kuwo ay siisay waraaqaha ogonaanshah ama ruqsad shaqo oo ay dalka kaga xoogsan karaan.

Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada, marwo Hinda Jaamac Gaani ayaa warbixin ay siisay Golaha Wasiirada Somaliland maalintii Khamiistii ayey ku soo bandhigtay wadamada ugu badan ee ay ka soo jeedaan dadka ajaanibka ah ee ay ka saareen Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada ayaa ku dheeraatay ahmiyada shaqada wasaaradda iyo waajibaadka ka saaran adeega aas-aasiga ee bulshada iyo ilaalinta xuquuqda carruurta, iyadoo sheegtay in Wasaaradu sannadkii  tagey ee 2018kii, xuduudaha dalka ugu samaysay adeeg carruur isugu jira muwaadiniin iyo ajaanib, carruurtaas oo ah carruurta socdaasha, tiradooduna gaadhaysay 1,798 (kun todoba boqol iyo sideetan carruura) isla markaana tirada muwaadiniinta oo dhamayd 1,031 ( kun iyo koob iyo soddon carruura) lagu celiyey guryahoodi, halka 767 (todoba boqol iyo todoba lixdan carruura) oo ajaanib ahna lagu celiyey dalalkii ay u dhasheen oo ahaa Itoobiya, Jabuuti iyo Kiiniya.

Sidoo kale wasiirku waxa ay sheegtay in ay diwaangeliyeen ajaanibka ku sugan gudaha dalka kuwaas oo tiradoodu dhantahay 1,546 (Kun, shan boqol iyo lix iyo afartan) ajaaniba sannadkii 2018-kii. Wasaaraduna ay siisay 212 (laba boqol, laba iyo toban) ka mida ajaanibkaasi ruqsada ogolaanshaha shaqo, ka dib markii ay wasaaraddu qiimaysay in shaqada ay qabanayaan aannu xirfadeeda qaban karin qof muwaadin ahi, waxa kale oo ay wasaaraddu u kur-gelid iyo sixitaan ku samaysay imtixaanaadka ay qaadaan hay’addaha ku sugan gudaha dalka, kuwa maxaliga ah iyo kuwa caalamigaa, iyadoo wasaaraddu curisay xeerar dhawra oo qaarkood gebegebo ku dhaw yihiin, dar-dar gelin iyo dib u habayna ay ku samaysay guud ahaan xafiisyada kala duwan ee wasaaradda, waxaanay xustay in wasaaraddu ka jawaabto baahiyaadka uga yimaada bulshada.

Hinda

Wasiirad Hinda Jaamac Gaandi, waxa ay horkeenttay Golaha Wasiirada qormo qabyo-qoraal ah oo ah xeerka xuquuqda carruurta oo golaha loo qaybiyey si kal-fadhiyada danbe loogu ansixiyo, loona gudbiyo Golaha Wakiilada xeerkaasi.

 

Image result for calanka somaliland

COMMENTS