CABAYS.COM
Raysalwasaare Abiya Axmed oo magacaabay madax buuxisa xilalkii kuwii Inqilaabka lagu laayey
June 29, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media  – (Addis Ababa):-Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa aad u kala hufay nidaamka saraakiisha iyo madaxda sirdoonka dalka Itoobiya, kadib markii uu fashilmay inqilaab lagu doonayey in xukunka lagaga tuuro isaga iyo xukunkiisa oo yeeshay cadaawad badan, kadib isbadalo culus oo uu ku sameeyey habkii Itoobiya loo maamuli jiraay.

Abiy Axmed oo ilaa iyo markii uu fashilmay inqilaabkii lagu khaarajiyey laba sarkaal oo uu aad ugu kalsoonaa oo kala haystay amaanka iyo ciiqdama qaran ee dalkaasi, ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku mashquulsanaa biixinta jagooyinka ay baneeyeen saraakiisha la laayey.

 

 

Image result for abiy ahmed

Raysal wasaare Abiy Axmed ayaa magacaabay la taliyeyaal dhanka amaanka oo cusub, iyada oo isbadalkani ku soo beegmayo waxyar ka dib isku deygii afgembi ee ka dhacay dalka Itoobiya.

Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa taliyaha ciidamada difaacan u magacaabay Gen Adem Mohammed kaas oo badali doono taliyihii hore ee la dilay, halka uu taliyaha ciidamada nabad sugidana u magacaabay Demelash Gebremichael kaas oo badali doona Gen Ademo oo xilkan hore u hayey.

Taliyaha cusub ee ciidamada difaaca Itoobiya Gen Adem Mohammed ayaa ka soo jeeda maamulka Axmaarada halka taliyaha cusub ee nabad sugiduna ka soo jeeda qoomiyada Oromada.

Sidoo kale raysal wasaaraha Itoobiya ayaa Lieutenant General Mola Hailemariam u magacaabay taliyaha ciidanka dhulka ee Itoobiya.

Isbeddelka ayaa ka dambeeyay markii toddobaadkii hore uu fashilmay afgembi ka dhacay maamulka Amxaradda ,iyadoo saraakiil ciidan iyo shaqsiyaad kale oo loo xiraf afgembigaa,kaaso dhaliyay in kor loo qaado amniga dalka Itoobiya

COMMENTS