CABAYS.COM
Golaha Wasiirada JSL oo qoodobo cusub kaga hadlay kulankii maanta –
August 1, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media ( Hargeysa JSL) –  Kulankii caadiga ahaa ee todobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyad Somaliland  ayaa todobaadkan lagu ssooqaaday qodobo aan hore goluhu uga hadlay.

Afhayeenka Madaxtooyada ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlayo kulankaa. Halkan hoose ka akhri.

 

Kal-fadhigii 39-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa warbixin lagaga dhegaystay guddi uu goluhu kalfadhigii aan caadiga ahayn ee isniintii todobaadkii hore loo xil saaray inay ka soo talo bixiyaan arrimo la xidhiidha.

La macaamilka hay’adaha UN-ka iyo kuwa caalamiga ah.

Ganacsiga iyo maalgashadayaasha shisheeye.

Guddidaas oo warbixintooda goluhu bayaan ku soo saari doono kalfadhiyada danbe.

Image result for golaha wasiirada somaliland

Sidoo kale golaha wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland wuxu dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay saami qaybsiga doorashada wakiillada, waxaanu goluhu isku raacay in wada tashi balaadhan lagala yeesho cida ay khusayso.
Ugu dambayn waxa goluhu bogaadinayaa heshiiskii sadexda xisbi qaran ee dalku ka gaadheen qabsoomida doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, waxaana ka go’an xukuumada qabsoomida doorashada oo xiligeedii ku dhacda.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS