CABAYS.COM
15 Su’aalood Oo Mar Walba Bukaanku Waydiiyaan Dhakhaatiirta Balse Aan Soonka Jabin
May 14, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Hargeys- JSL) –  Bukaannada badankoodu bisha Barakaysan ee Ramadaan waxay dhakhaatiirtooda weydiiyaan su’aalo ku saabsan waxyaabaha soonka buriya ee la xidhiidha caafimaadka, sidaa awgeed waxaan liiskaan ku soo aruurinay waxyaabaha caafimaadka la xidhiidha oo aan soonka jabin annaga oo qoraalkan ka soo qaadanay Dr Cabdilaahi M. Mahdi oo ah dhakhtar wax badan ka qora caafimaadka. 15 arrimood ee dadku moodaan in ay soonka jabiyaan balse aan soonka waxba yeelin waxa ay kala yihiin:

1- Siboostadu ma jabiso soonka.

2- Daawada dhibicdhibicda ah ee indhuhu soonka ma jabiso.

3- Daawada dhibicdhibicda ah ee dheguhu soonka ma jabiso

4- Daawada neefta ee la isku buufiyo ma jabiso.

5- Ogsajiinta bukaanka lagu xidhaa ma jabiso soonka.

6- Irbadda insulin-ta ee macaanka loo qaataa ma jabiso Soonka.

7-  Iirbadda lagu suuxiyo marka ilkaha laga saarayp qofka ma jabiso.

8- Kareemka bishimaha lagu subkiyaa ma jabiyaan.

9- Baadhitaanka dhiigagga soonku ma jabiyaan.

10- Gororka Sanku soonka ma jabiyo.

11- Matag aadan adigu iska keenin soonka ma jabiyo.

12- Daawada lagu luqluqdo haddii aadan laqin soonka ma jabiso.

13- Kiniinka carrabka la hoos geliyo ee wadne xanuunka loo qaataa soonka ma jabiyo.

14- Daawooyinka xididka iyo muruqaha laga qaato ma jabiyaan laakiin kuwa nafaqada laga helo sida faleebooyinka way jabiyaan.

15- Ilig ama gows lagaa siibo soonka ma jabiyo.

la-1554327995-xc5jelsah9-snap-image

COMMENTS