CABAYS.COM
12-Kii Naft-hure Ee Gaadhigoodu Ku Qarxay Iyaga Oo Aan Gaadhin Goobtii Hadafkooda (Q:2aad Ee 10-kii Is-qarxineed Ee Ugu Nacasnimada Badnaa)
April 14, 2019 - Written by Cabays

Innaga oo ku sii guda jirna mawduucii aan kaga hadlaynay 10-kii arrimood ee fashilka ismiidaamineed ku dhammaaday iyada oo aanay kooxihii naftood hurayaasha ahaa gaadhin yoolkoodii ay lahaayeen kuwaasi oo loo aqoonsaday 10-kii qorshe ee ugu nacasnimada badnaa.

  1. 12-Kii Naf-hure Ee Gaadhigoodu Ku Qarxay Iyaga Oo Aan Gaadhin Goobtii Hadafkooda:

Waxa ay ahayd horraantii Sannadkii 2014 gaar ahaan Bishii February 21-keedii kadib markii koox ka kooban 12 naftood hure ay si kedis ah ugu wada dhinteen kadib markii gaadhi ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxaa ku qarxay iyaga oo aan gaadhin goobtii ay doonayeen in ay ku qarxaan oo ku taalla magaalada Baqdaad ee caasimadda wadanka Ciraaq iyaga oo wakhtigaasi qaraxani ku habsaday marayay jid u dhaxeeya magaalooyinka Saamarraa iyo Baqdaad. Qarxaasi kooxdan qabsaday oo ay dhammaantood ku wada dhinteen ayaanay haba yaraatee cid kale waxba ku noqon maadaam wakhtigii gaadhiga ay saarnaayeen qarxay uu marayay jid cidlo ah oo aanay u dhawayn wax deegaan degsiimo ahi.

Kooxdan oo doonaysay in ay qarxiyaan saldhig boolis oo ku taalla magaalada Baqdaad waxa ay muddo bil ka badan qorshaynayeen sidii ay isugu qarxin lahaayeen goobtaasi iyaga oo ku soo diyaar garoobay magaalada Saamarraa halkaasi oo ay ka iibsadeen gaadhi xaajiyad ah muddona ku diyaarsanayeen walxaha la isku dardaro ee qarxa iyo biraha la jarjaro ee gaadhiga qarxa loo diyaariyo laga soo buuxiyo. Qorshaha kooxdan ayaa ahaa in ay qarxa fuliyaan laba nin oo ka mid ah 21-kan nin iyada oo inta kalena la doonayay in ayu u dhoofaan wadanka Pakistan si ay ugu biiraan kooxda Daabilaan oo xidhiidh la soo samaysay kooxdan.

Nasiib darro iyaga oo maraya goob lagu magacaabo Salaaxu-ddiin oo ah tuulo yar oo ku taalla duleedka magaalada Baqdaad gaar ahaan jidka isku xidha Saamarraa iyo Baqdaad waxa dhacday in mid ka mid ah kooxdan qaraxa isku diyaarinaysay in uu la faraka ciyaaray nin kale oo kooxda ka mid ah oo ay dhirbaaxooyin iyo gujin ay iskula kaceen iyaga oo qoslaya wakhti labadoodaba ay ku taxnaayeen jidhkooda oo dhanna ay ka buuxeen walxo qarxaa ayaa waxa mar kali ah dayaamay gaadhigii ay saarnaayeen dhammaantoodna waxa ay u geeriyoodeen falkaasi ay labadan nin ku wada ciyaarayeen iyaga oo is tuurtuurayay wakhti ay miinaysnaayeen dhammaantood.

… La Soco Qaybta 3aad

 

COMMENTS