CABAYS.COM
4 Arimood oo aany fahmin Soomaalidu ee Dayax-gacmeedka Itoobiya
December 20, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays  Media (London-UK) Dadka Soomaaliyada ayaa qaarkood u fahmay in dalka Itoobiya sameeyey dayaxgacmeed ay hadwada u direen. Waxayna dadka qaar isku dayeen in ay u dhigaan siyaabo kale duwan oo ay ka mid tahay in Soomaalida lagu tuso sawir ah in Itoobiya jiidatay.

Haddaba maxaa ka xaqiiqo ah Dayax-gacmeedka Itoobiya ee la sheegay in ay hawada u dirtay.

Waxa jira afar qodob oo Soomalidu aanay famin ee Dayax-gacmeed (Satellite) ka Itoobiya:

1- In Satellite ka Itoobiya u bixisay ETRSS-1 uu yahay mid ay dawlada Shiinaha (China) ay hadyad ahaan u siisay;

2- In Khuburo Shiine ah ay sameeyeen, hawadana u direen, kana direen Gobolka Waqooyi xiga ee dalka Shiinaha ee la yidhaa Shanxi.

3- Itoobiya aanay wali lahayn khuburo satellite samaynkarta, dirikarta ama dalkuba lahayn miisaaniyad lacageed oo uu ku samaysto farsamada Satellite-ka.

4- Satellite ku ETRSS-1 ee Itoobiya waa mid sahan cimilada iyo baadhista dhulka dihin loogu galo galay, waxaan gacanta ku haynaya khuburo Shiine ah, iyadoo ay kuwo Itoobiyaana wali loo tobobarayo.

Itoobiya ma dirin dayaxgacmeed wali, waxa u diray Shiinaha, wixii dhaqaale ah waxa ka caawinaya dalka Shiimaha oo ay kaga badasheen in Shiinihu shidaalka iyo macdanaha dalkaasi wax ka soo saaro. Itoobiya waxay ka mid tahay dalalka u qaamaysan dalka Shiinaha, sida Djibouti oo lagu qiyaaso balaayiin dollar uu ku leeyahay.

Laakiin himilada Itoobiya waa in ay yeelato dayax-gacmeed – Hambalyo ayaan leeyahay!

Image may contain: text
COMMENTS