CABAYS.COM
7 Waddan Oo Wali Qaaradda Afrika Uu Ka Taliyo Xukun Kali Talis Ahi Muddo Dheer!
April 13, 2019 - Written by Cabays

CabaysArimaha Afrika – (Cabays Media) – Wadamada ku yaala Qaarada Afrika waxa ay caan ku yihiin xukunka Kaligii Talisnimada oo caalamka ka sii dabargo’aya, balse ah hab jira oo qofka muddo dheer uu kursiga ku fadhiyo iyado oo aaney jirin cid la xisaabtanto ama doorashada kula tartanta.

Balse hadda waxaa socda kacdoonkii Afrika oo shacabka wadamada uu ka jiro xukunka Kali-taliska ah  ay caydhsanayaan hadba hogaamiyaha awood kursiga ugu sii fadhiya.

 

   Kuwa la Tuuray

1-Waxay arrintan markii ugu horreysay billaabatay bishii 1aad ee sannadkii 2012-kii, markii markii kacdoon xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee Senegal Abdoulaye Wade ka dib markii uu 12 sano awoodda heystay.

Wade, oo hadda 93 jir ah ayaa madaxweyne ahaa tan iyo sannadkii 2000.

2- Madaxweynihii hore ee dalka Burkina Faso Blaise Compaore oo isagoo xilka hayay 27 sano maamulkiisa lasoo afjaray sannadkii 2014-kii, xilligaasoo mudaharaadyo rabshado wata ay gilgilayeen guud ahaan waddanka.

3-Robert Mugabe oo ahaa hogaamiyihii ugu wakhtiga dheeraa Afrika, ayaa xukunkiisa lasoo afjaray 21-kii bishii Nofembar ee sannadkii 2017-kii. Kaas oo kursiga awood ugu fadhiyey muddo 30 sano ah (1987-2017).

4- 2-dii bishan Abriil, 2019-ka, ayuu iscasilay madaxweynihii dalka Algeria Cabdicasiis Butafliiqa.

Waxaa salfaday mudaharaadyo nabadeed oo guud ahaan dalkaas ka socday muddo 6 isbuuc ah, waxaana waday dad dhalinyaro ah oo dalbanayay in lasoo afjaro xukunkiisa jiray 20-ka sano.

5-Khamiis ah oo ahayd 11-ka bisha Abriil, 2019-ka, waxaa xilka laga xayuubiyay madaxweynihii xukunka dheeraa ee dalka Suudaan, Cumar Xasan Albashiir, ka dib markii ay heerkii ugu xumaa gaadheen mudaharaadyo ay shacabka kaga soo horjeedeen maamulkiisa.

Waxaa uu dalka ka talinayey illaa iyo sanadkii 1989 xiligaas oo uu kula lawareegay Xukunka Dalka Suudan hab militari.

Shantaa madaxweyne si awood leh ayaa xilka loogu tuuray.balse waxaa jira madax kale oo Kalitaliyeyaal ah, balse iskood xilka isaga tagey, halka qaar kacdoon  lagaga riday awoodii ay ku dhaganaayeen.

-Haddaba waa kuwee kuwa wali ku sii dhagan?

1- Paul Biya, Madaxweynaha Cameroon

1D

Biya oo 86 jir ah waxaa loo aqoonsan yahay hoggaamiyaha Afrikaanka ah ee ugu muddada dheer, isagoo xilka madaxtinnimada Cameroon hayay tan iyo 6-dii bishii Nofembar ee sannadkii 1982-kii.

Waxaa uu horay usoo noqday ra’iisul wasaaraha

Cameroon intii u dhaxeysay sannadihii 1975-kii ilaa 1982-kii.

Wuxuu xilka kala wareegay Ahidjo ka dib markii uu iscasilay sannadkii 1982-kii.

2- Teodoro Obiang Nguema Mbasogo, madaxwaynaha dalka Equatorial Guinea

2D

 

Obiang wuxuu afgambi milatari ku riday adeerkiis, Francisco Macías Nguema, bishii Agoosto ee sannadkii 1979-kii, tan iyo xilligaasna wuxuu xukumayay dalka Equatorial Guinea.

 

 

 

 

3-Denis Sassou Nguesso, madaxwaynaha dalka Congo

3DMadaxweyne Nguesso wuxuu xafiiska ku sugnaa muddo 34 sano ah, isagoo markii ugu horreysay xilka hayay intii u dhaxeysay sanadihii 1979-kii ilaa 1992-kii, ka hor inta aanu xilka ku noqon sannadkii 1997-kii, ka dib markii uu dhammaaday dagaalkii sokeeye. Isla markale 2016 ayaa dib loo doortay isla isaga.

 

4- Yoweri kaguta Museveni, madaxwaynaha Uganda

4DWaad wada garaneysan Ninkan,Waxaaa uu xilka la wareegay sanadkii 1986-dii,Waxaa uu kala wareegay Milton obote oo kaliya Dalka xukumaye sanadihii 1980-1985.

Museveni waxaa uu xukunka ka tuuray Idil amin oo intii u dhaxeysay 1971 ilaa 1979kii xukumayey Uganda.

 

 

5- Idriss Deby, Madaxwaynaha dalka Chad

5DWaxaa uu xukunka la wareegay sanadii 1990kii,markii shanaad si uu muran ku jiro ayuu ugu guuleystay doorashadii madaxtinnimo ee dhacday bishii Abriil ee sannadkii 2016-kii.

Deby wuxuu xilka madaxweynaha hayaa ku dhawaad 29 sano oo xiriir ah.

 

 

6- Isaias Afwerki, madaxwaynaha Eritrea

6DIsaias Waa madaxwaynihii ugu horeeye dalka Ereteriya,talada ayuu hayaa tan iyo markii wadankaas uu xurnimada qaatay sanadii 1993-dii.

 

Afwerki waa hogaamiye gacan bir ah ku haya dalkiisa, qaarada Afrikana dadkii ugu badnaa, siiba dhalinyaradu waa dalkiisa halka ay ku dhamaadeen bada u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga. waxa lagu qiyaasaa in tirada tahriibi jirtay sanadihii 2015-2018kii ay maalin walba gaadhaysay kun dad ahoo u badan dhalinyaro. Waxa uu dagaal la galay Djibouti iyo Itoobiya oo mudo 10 sano lagu saaray cuna qabatayn. Inkstoo Abiy Itoobiya iridada ka furay, haddana ma muuqato in uu dadkii ka dabcinayo, waayo waxa uu ku mobay awooda uu fadhiyey ilaa iyo maalintii ay Eritariya ka goday dalka Itoobiya.

Geele7- Ismaaciil Cumar Geelle- (Jabuuti)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo lagu tiro mid ka mid ah dadka kali taliska ah ee qaaradda Afrika waxa uu xukunka dalkiisa haystaa muddo ku siman 20 sano i

saga oo xukunka la wareegay sannadkii 1999-kii. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u ogolaada mucaaridkiisa in ay la galaan tartan doorasho oo haddana iska carwo ah oo uu xisbiyada Mucaaridka qaar ku tilmaamo kuwo xulifo la ah, inkastoo uuna marna ogolaan doorasho iyo xisaabtan xalaal ah oo dadkiisu kula tartamaan. Ismaaciil Cumar Geele waa hogaamiyaha qoomiyad ahaan Soomaali ah ee xil-madaxweyne aanay cidi ka ridan karin ilaa hadda dalkiisa marka la eego sida uu gacan bir ah ugu hayo.

COMMENTS