CABAYS.COM
120 ka cisho ee ka soo wareegay maalintii xilka loo dhaariyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo maanta ku beegan, maxaa ugu muhiimsan ee u qabsoomay mudadaas?
April 13, 2018 - Written by Cabays

Cabays

 

Qormada Tafatiraha: – Dareen muwaadin:

120 ka cisho ee ka soo wareegay maalintii xilka loo dhaariyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo maanta ku beegan, waxa aan is weydiiyey maxaa ugu muhiimsan ee u qabsoomay mudadaas?

Intii aan jawaabta kala hurgufayey ayaa waxa Madaxtooyadu soo daysay video ay lacag ku bixisay oo ay ugu talogashay in saxaafadii ay ahayd in ay si xor ah uga faalooto in laga sii daayo.

Video-ga waxa aan ka daawaday mid ka mid ah TV la sheego in uu madaxbanaan yahayo oo waliba uu codeeyey wariye kuwa aan aad ula socdo ee sida hufan wax uga warama.

Si Madaxtooyadu inoogu sheegto wixii u qabsoomay xukumada Kulmiye, waxa ay ku kaliftay in ay soo dhaafto TV- gii Qaranka JSL ee ay gacanta ku haysay, malaha waxa ay ogtahay in aanu dadku aamin waxa uu siidaayo.

Video-gan Madaxtooyadu soo daysay waxa uu ka kooban yahay 48 midhidh iyo 32 ilbidhiqsi (48:32) Marka laga yimaad bilowga video-gan oo halka daqiiqo iyo badh (1:34) hore ee muuqaal-araga oo hees dadka guubaabinaysa iyo hadalo horu dhac u ah fariinta uu video-gu xambaarsan yahay ku kooban, waxa muuqaalkaas intiisa kale ka kooban yahay ka waramid safaro madaxweyne Muuse Biixi ku tagey, Djibouti, Itoobiya iyo Imaaraadka.

Sidoo kale waxa uu ka kooban yahay oo ku jira hawl-qabadyo aan lagu tilmaami karin waxqabad buuran oo wasiiradu ku sheegayaan wixii u qabsoomay, balse ah kuwo xagooda waxqabad weyn uga dhigan.

Video-gan oo aan u qaatay ‘Maxay qabatay Tawradu” ma ah mid saxaafadu si hufan oo xor ah oo waliba ka gungaadhis iyo baadhis wixii ay qaban kari lahayd xukumadu mudo 120 cisho ah iyo wixii aanay qaban ee ay il-duuftay, waxa uu astaan u noqday sida saxaafadu u noqotay mid iibsan oo fariimo baahinttoodu gadantay u soo ogudbinayso uun.

Dhaarin

 

Iyadoo sidaa aan u arko, ayaan haddana qirayaa in ay jiraan waxbadan oo xukumada madaxweyne Muuse Biixi u qabsoomay, hase ahaatee ma aha in 120 cisho lagu ilaawo mudada ka badan ee laga sugayo waxqabad iyo xaaladaha ay xukumadu ku guuldaraysatay in ay wax la taaban karo ka qabato, sida Sicir-bararka iwm.

Halista ku jirta qaabkan aan cusubayn ee xukumadii hore ee mudane Siilaanyo dalka u horseeday ee ah in saxaafad lagu rusheeyo lacago barnaamijyo iyadu dadka ka dhaadhicinaysa aragtida xukumada ee waxqabsoomay, saxaafdana ka badasho kaalintii ay ahayd in ay wax-daba galaan iyagoo shacabka ka wakiil ah.
Muuqaalka maanta ay madaxtooyadu inagu soo daysay ma ah mid ka ka jawaabaya xaaladaha wali dalka ka jira ee in wax-la-qabtay lagu sheegan karin,

Video- la isku soo ururiyey oo dhacdooyin shaqo ka kooban iyo wixii horeba looga filayey ama safaro wali aanay cadayn wixii ka soo baxay, ma galin karo dadweynaha aragti ah in waxqabad socodo, inta aanu jirin xisaabtan furan iyo qorsheyaal cadcad oo furdaamin kara baahiyaha sharci, adeeg iyo maamul ee dalka ka jira.

Cabdilaahi Maxamed Cali

London, UK

COMMENTS